Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Sheikh sharif its time to get rid of Alshabaab terrorists

Recommended Posts

Shariif: “Waxaan wadnaa qorshe dalka looga saarayo Al Shabaab”

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ay wado qorsho Al Shabaab looga saarayo wadanka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ah oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG ay wado qorsho gobolada dalka looga saarayo Xarakada Al Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la dar dargaliyo howlgallada ka socda gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya islamarkaana la dhiiro galiyo Ciidamada qalabka sida ee dowladda si ay u wiiqaan awoodda Al Shabaab oo gacanta ku haya inta badan Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, isagoo beesha Caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka ah ee saaran si loo baabi’iyo Al Shabaab.

 

“ Waxaad la socotiin dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolada dalka, waxaan rajaynaynaa in xilliyada soo socda laga xoreeyo Al-qaacidda iyo Al Shabaab gobolada dalka si awood loogu helo in Maamuladii la dhiso, Ciidamada qalabkasidana la dhiso iyo in nagala qaado cuno-qabteynta” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah.

 

Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya uu shaaciyay in dalka uu ka bilowday howlgal dowladda ay ugu magacdartay xasiloonida dalka Soomaaliya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this