Sign in to follow this  
Somalia

Puntland welcomes Ethiopians into South Somalia

Recommended Posts

Somalia   

desismileys_4588.gifdesismileys_6287.gifdesismileys_4599.gif

 

Horseed Media

 

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey warbaahinta Horseed Media ayaa lagu sheegay in dowlada Puntland ay soo dhoweyneysa faragelinta Mileteri ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaan qaybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.

War-xafaadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ujeedada Puntland ay howlgalka ciidamada Itoobiya u taageereysaayi ay tahay maadaama howlgalkaasi uu yahay mid la doonayo in lagu wiiqo awooda Al-shabaab iyo dagaalyahanada ajaanibta ah ee ka garab dagaalma si looga fogeeyo deegeenada ay gobolada dhexe kaga sugan yihiin ee xuduudka la leh Puntland iyo dalka Itoobiya.

 

Puntland ayaa sheegtay in howgalkani uu qayb ka yahay dadaal ay dhinacyada siyaasada Soomaaliya ku lugta leh ee kala ah DKG, Puntland, Ahlu-sunna, iyo bulshada gobolada dhexe oo kaashanaya ururka midowga Africa, iyo Kenya ay si wada jir ah u wadaan, qorshahaas oo ah mid ku aadan sidii loo cirib tiri lahaa dalkana looga xoreyn lahaa xoogaga Al-qaacida xiriirka la leh ee Al-shabaab.

 

Waxaana ugu danbeyntii war-saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland lagu sheegay in Puntland faragelinta ciidamada Itoobiya aanay u arag mid danaha Soomaaliya wax u dhimi karta, iyo weliba in danaha dalalka ku bahoobey urur goboleedka Igad ay yihiin kuwo isku xiran.

 

Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2011 ayey ahayd markii ay boqolaal Mileteriga Itoobiya ah oo xuduuda kasoo talaabay ay usoo gudbeen dhinaca gobolka Hiiraan, waxayna labo beri kahor la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beled-weyne oo ahayd magaalo ay in mudo ah ka ariminayeen kuna xooganaayeen mileeshiyaadka Al-shabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this