Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Sheikh sharif supports Sharif sakiin as the Parliament speaker

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif: “waa sharci daro xil ka qaadistii Shariif Xasan�

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo Xildhibaanada barlamanka ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

 

Shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku sheegay in wada tashi uu sameeyay kadib oo ku ogaaday in ay sharci daro tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in mowqifkiisa uu cadeeyo ay ka dambeysay kadib markii sida uu sheegay uu shaki badan galiyay kulmadii maalmihii u dambeeyay ay yeelanayeen Xildhibaanada barlamanka iyo go’aanadii kasoo baxay kulamadaasi kuwaasi oo uu sheegay in dul duleelo ay uga muuqdeen.

 

Shariif ayaa waxa uu sheegay in Mudanayaasha barlamanka aysan fiirin qodobadii kasoo baxay heshiiskii magaalada Kampala kuwaasi oo uu sheegay in ay dhigayeen in wax mowshin ah aan laga keeni karin Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabihii ka soo baxay Shirarkii Xildhibaanada baarlamaanka ay yihiin kuwa ka soo horjeeda maslaxada Ummada Soomaaliyeed oo aysan ku dhisneyn sharci, isagoo xusay in lagu doonayay in shacabka Soomaaliyeed lagu kala qeybiyo si dowladda ay u bur burto.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this