Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Vs The Media. Who Is Right?

Recommended Posts

Dr_Osman   

 

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Puntland ee xukumadii Cabdilaahi Yuusuf Maxamed Xaaji Aadan ayaa habeen hore ciidamada sirodoonka somaliland kala baxeen huteelku ka deganaa magaalada Hargeysa oo la yidhaahdo togwajaale islamarkaana saldhiga dhexe ee hargeysa u dhaadhicyeen ama ku xidheen.

 

Xariga Maxamed Xaaji ay waxaa u gurmaday koox wasiiro ah ay saaxibo hoose yihiin oo ka tirsan xukumada siilaanyo aakhirkiina ku guulaysteen sii dayntiisa goor habeen badha, aygoo si damiin ah kusoo daayay.

 

Maxamed Xaaji Aadan, ayaa Habeenkii Jimcaha isagoo Hargeysa Jooga ka sheegay Tv-ga Argagixisada ee Somalichanel inuu Garowe joogo, ayadoo lawada ogyahay Tv-ga Argagaixisda inuu umada had iyo goor u sheego been ana sal ra'aad laheyn ayey hadana tani cadeyn u tahay jah wareerinta Tv-ga Argagaixisada ee Somalichanel inuu shacabka u sheego been-abuurka iyo balaayo shidka iyo dhibaateynta shacabka Puntland.

 

Tv-ga Argagixisada ayaa sheegay in Maxamed Xaaji Aadan uu ku sugan yahay caasimada Puntland ee Garowe, shaqsigaas oo ka mid ah kuwa loo soo wakiishay bur burinta Puntland ee dhibaatada ku haya shacabka, kana shidiil qaata had iyo goor cadawga Puntland, hadana ay daba ka riixayaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo Hargeysan hotel ka dajiyay xogaa dhaqaale ahna biil ahaan u siiya.

 

Waxaa xusid mudan in Dhuuni qaate Maxamed Xaaji Aaden uu 2-dii sano oo ugu danabeeysay ku sugnaa magaalada Hargeysa, halaas oo uu udagay dhinaateynta Shacabka PL.

 

Maxamed Xaaji ayaa ka mid ah Kooxda sheegta Isbadel-doonka ayaa hada ku sifoobaya cadowga Puntland ee khatarka ku ah jiritaanka shacabka Puntland, isku soo wada duub, durbaanka ey tumayaan xil-u-bukayaashii xilalka ka hayay dowaladihii hore ee Puntland ayaa hada u muuqda kuwa aan khyer iyo wanaag u horseedeyn shacabka, balse colaad iyo dagaalo sokeeye doonaya iney ummada u horseedaan.

 

Taarikhda Maxmed Xaaji Aadan oo kooban halka hoose ka akhriso.

 

http://allidamaale.com/Dockayeer_Maxmed.htm

 

Kooxahaan ayaa waxaa xiligaan ku guuraya oo is ticmaaliayaan Tv-ga Argagixisada Somalichanel, kaso oo hada si toos ah uga qeyb-noqdey dagaalka lagu hayo Puntland iyo shacabkeed, maal iyo muruqna ku bixaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland iyo weerarka Af-ka ah ee lagu hayo

 

Sida taariikhdu xusto magaca Puntland wuxuu baxay waqti aad u fog, waxaase waqtigan xaadirka ah Puntland loo yaqaan gobolo isu tagay oo dhulka soomaaliyeed ka mid ah, kaas oo la magacaabay muddo hadda laga joogo 13 sano ka hor. Dhulka Puntland waxaa lagu qiyaasaa

 

212,510 km2, waxaana ku nool dad ka badan 3,900,000 oo qof (qiyaas la sameeyay 2006-dii).

 

Dhismaha maamulkan la magac baxay Puntland waxaa ku baxay waqti badan, naf iyo maalna waa loo huray. Waxaase sidaad qoraaladeydii hore ka dhadhansateen waayadan dambe si xowli ah isu soo tarayay xumaan lala doonayo maamulka Puntland, kuwaas oo ka soo gaarayay meelo kala duwan.

 

Maamulkan Puntland ee gudaha iyo dibeddeba dhibtu kaga socoto, waxaa dhinaca woqooyi xuduud kala leh maamulka la magac baxay Somali-land waqtiyadii dambena labadaa maamul waxaa ka dhaxeeyay muran xagga dhulka ah iyo siyaasado iska soo horjeeda oo mararka qaar gacan ka hadal isu badalayay, dhinacaa haddaad ka eegto Puntland kama daggana.

 

Xagga koonfureed waxay deris ka yihiin Galmudug sidoo kale cadaawad ayay Puntland dhinacaa ka tabeysaa. Gudaha marka loo soo gudbo qof walba waa la socdaa waxa ka socda: dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo kuwii ugu dambeeyay lagu dilay aqoonyahanno magac & maamuusba ku lahaa bulshada dhexdeeda. Dhinaca federaalka inkastoo waxoogaa isu soo dhawaansho ah beryihii dambe la dareemayay haddana kala shaki ayaa weli jira.

 

Iyadoo intaa oo xaaladood oo kaladuwan maamulka hadda jira la tacaalayo, iyadoo tabarta maamul gudaha soomaaliya ka jiraa qof walba ogsoon yahay inta uu le’ekaan karo! Ka waran shakhsiga Puntland dhalasho ahaan ka soo jeeda oo bidhaantaa yar ee ummaddaa u soo baxday sii baabi’inaya!

 

Maxaa puntland lagu heystaa? waa su’aal aan jawaabteeda weli helin laakiin isleeyahay iyadaa waqtigeeda iska iman doonta.

 

Qoraalkan waxaan ku soo qaadi doonaa mid ka mid ah dagaalada kuwooda ugu halisan, waana kan loo yaqaan warbaahinta “Media”.

 

Maamulka hadda ka jira Puntland iyo kuwii ka horreeyayba waxay marar kala duwan irdaha isugu dhufteen idaacado & Tv-yo Soomaaliyeed. Si aan u ogaado waxa Puntland dhibsatay, Barnaamijyadaas ayaan sii daba galay oo mar labaad iyo mar saddexaad dhageystay ama daawaday, mar walbana waxaa ii soo baxayay wixii aan filayay oo ah in Puntland weerar lagu hayo.

 

Tusaale kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa barnaamij la baxay Puntland iyo Maanta oo Tv-ga Somali Channel ka soo gala isbuuc walba. Waana tan igu kalliftay in aan maqaalkan soo qoro.

 

Cinwaanka barnaamijkaas waxaad ka garan kartaa in uu khaas ku yahay Puntland. Waxaan markaa is-weydiiyay maxaa kallifi kara in barnaamij khaas ah keligeed loo sameeyo? Meeday soomaalidii kale? Puntland ma dowlad gooni ah baa? Ma jaceyl looqabo ayaa sidaa loo yeelayaa? Ma soomaalidii baa iyada ka hartay? Ma iyada keliyaa maamul Soomaaliya ka jira? Waxaas oo dhan maahee wax kalaa jira.

 

Horudhaca barnaamijkan & kuwa kale ee aan qoonsaday waa kuwo ku soo jiidanaya, wax yar dabadeed intaan bartamaha barnaamijkaba la gaarin waxaad maqleysaa su’aalo aan isku xirneyn oo aad mooddo in hore loo soo diyaarshay! dhammaantood mid mid heysataa kuma jirto.

 

Mowduucii hore intuusan dhammaan ayaa mid hor leh oo xanaftiisa wata la galaa. 3-da su’aalood ee ugu horreeya ayaa kaaga filan ujeedada barnaamij walba illeyn waa kuwo ujeeddo laga leeyahaye, umana sii baahnid in aad sii dhameysato haddaadan ka mid aheyn kuwa ku faraxsan in Soomaali la dhibaateeyo.

 

Inta badan barnaamijkaa iyo kuwo kaloo la mid ah oo aan waqtiyo kala duwan daawaday, waxaa lagu sheegaa in wax lagu taxliilinayo si Puntland u xasisho! Waxaase is-weydiin karnaa yaa dadkan u wakiishay in ay xalka Puntland iyo maamul wanaaggeeda raadiyaan?.

 

Xalka ay ka hadlayaan ma in dibedda inta Tv-yda lasoo fariisto wax laga dacaayadeeyaa? Puntland xumaan & samaan-ba wey leedahaye maxaa xumaanta oo keliya ku koobay? In la is dhaliilo ma xumee, maxaa maalin walba ka dhigay? Maxaan wanaagga innaba intey doonto ha le’ekaatee wax uun looga xusi waayay? Haddii wax la saxayo maxaa dadkan u diiday in ay gudaha waddanka yimaadaan oo dhaliisha halkaa ka sheegaan? Xaggee lagu arkay maamul dhinac walba ka xun haddana waa jiraa oo waa shaqeynayaa la leeyahay? Waa waxyaabaha iga yaabiyay!!

 

Ka waran kuwa inta madaxweyne isu soo sharaxay markii uu doorashada ku guuleysan waayay meeshii uu ka yimid ee qurbaha inta ku noqda af-lagaado bilaaba? Ka waran kuwa shirka Garoowe ammaanaya maamulkii qabanqaabiyayna eedeeynaya? Haddii Faroole la qoonsaday, maa la iska sugo berriba wuu tagiye. Aawayse xaqqii ay Puntland kugu laheyd ka muwaadin ahaan, taas oo ah in aad nabadeeda ka shaqeyso, qaranimadeedana difaacdo.

 

Su’aalahaa iyo boqolaal kale oo ka duwan ma is weydiisaa markaad aragto dadkan mucaaradnimada & wax burburinta siyaasadda u yaqaan ee meel walba dibindaabyada kaga wada Puntland.

 

Ma la socotaan in dadku fahmi karaan waxa looga dan leeyahay barnaamijyada noocan oo kale ah. Mise wixiinu waxaa weeye kelmadihii soomaaliya baabi’isay ee siyaasiga soomaaliga ee aheyd ANAA IRI, dhibaato hadday keentana shaqo kuma lihi.

 

Haddiise dagaal loo soo tafaxeytay, almeeno magaca barnaamijka maad qurxisaan sida Soomaaliya iyo Maanta, si ujeedadu u qarsoonto oo markaa cidda loo dan leeyay halkaa looga miiso? Mise aqoon-darada saxaafadda naga heysataa ayaa waxaas oo dhan u sabab ah? waxaase wax walba nooga daran masabidaada ay ku sheegeen in wax-garadkii Puntland ay la dhacsan yihiin barnaamijkan. Waa cajiib!!

 

Marka aad weydiiso dadka howshan ku jira ama sababta ay sidaa u yeelayaan waxay ku leeyihiin waxbaan saxaynaa oo dimuqraadiyadda ayaa sidan qabta.

 

Dimuqraadiyad noocee ah?? ka waran kan reer baadiyaha ah ee aan dimuqraadi wax la yiraahdo abidkii maqal oo kelmad aad adigu dimuqraadi u taqaan marka uu kaa maqlo qorigiisa soo cabbeysta hadhowna wax ku dhibaateeya? Soomaaliya’se maxaa halkaa dhigay? sow dimuqraadi aysan aqoon u laheyn oo dusha laga saaray maaha? Haddaadse dimuqraadi jeceshahay & xorriyatul-qowl maad Soomaaliya tagto oo dadka barto? Soomaaliya dimuqraadi lagama yaqaanee armay habboonaan laheyd in aad wax badan xeerisaan, hadaladiinana koontarooshaan?

 

Haddaanse tiina idiin raaco oo dimuqraadiyada aad afka uun ka sheegtaan idinkala hadlo marna ma is-weydiiseen waxa labadii murashax ee iska soo horjeeday madaxtinimadii Mareykanka ul iyo diirkiis ka dhigay? Adigana markaad jagadii ku guul dareysatay jaalle mucaarad kaa dhigay? mise dimuqraadiyadda waxaad u taqaan sida aad adigu jeceshahay.

 

Ka waran Cawke oo ah weriyihii ugu caansanaa ee Soomaaliya soo mara haduu shaqadiisii dhammeyd ku waayay 3 erey oo uu Jabuuti ka sheegay. Sidee qiil loogu helayaa malaayiin qof meel ay ku nooshahay, in maalin walba kelmado dab ummadda ku dhex abuuraya laga sheegsheego?

 

Gabagabadii, markaan arrimahaas oo dhan dhinac walbana ka eegto waxaa kuu soo baxaya in Puntland ay ku saxsaneyd kuna saxan tahay sida ay ula dagaalameyso wixii dhibaatetnaya. Waxaase dadkan cambaareyntooda loo qaateen noqon kari laheyd marka la arko iyagoo wanaageeda wax uun ka sheegaya haba mucaaradeene.

 

Waxaan ku soo gabagabeynayaa haddaan shacabka reer Puntland nahay waan kala naqaan kan wax na taraya haba na caayee iyo kan na neceb haba na amaanee.

 

F.G. Maqaaladeyda dambe ayaan ku soo qaadan doonaa Magacan Puntland iyo waxa uu qabto.

 

 

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne Australia

Bile1971@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

My opinion is quite simple. A free media is required and necessary in any free region however the media cannot abuse it's right of working for the community, for example do you see wiki cables allowed to function in any country with offices? of course not because it releases classified information which can cause problems to security of that nation. Does anyone call the western governments not good for attacking wiki-leaks where-ever it is? no. This is the same case in Puntland I believe with alot of media outlets publishing news stories to cause problems within the state some of which are classified information some of which are propaganda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this