Sign in to follow this  
Che -Guevara

Operation to Restore Peace and Stability Across Somalia

Recommended Posts

Afhayeenka Itoobiya oo sheegay in Ciidamadoodu ay galeen Somaaliya si ay u caawiyaan DKMG oo gacan weydiisa

 

 

Axad, Jananayo 01, 2012 (HOL) − Afhayeenka dowladda Itoobiya, Bereket Simon oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in ciidammo badan oo Itoobiyaan ay gudaha u galeen Soomaaliya si ay uga jawaabaan codsi uga yimid dowladda KMG ah ee Soomaaliya kaasoo ah in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

 

Bereket Simon, wuxuu sheegay inuusan sheegi karin tirada dhabta ah ee galay Soomaaliya balse wuxuu sheegay in tirada sugan ee ciidamada uusan sheegi karin balse ay yihiin ciidammo lixaad leh oo gudan kara mas'uuliyadooda.

 

"Sida la ogyahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay billowday howlgallo ay Al-shabaab tallaabo adag uga qaadayso si ay u soo celiso ammaanka howlaha gargaarkuna ay u billowdaan. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka ay DKMG ah weydiistay inay ka caawiyaan dhinaca milateriga, waana taas sababta aan u galanay Soomaaliya," ayuu afhayeenka Itoobiya kaga jawaabay su'aal ahayd sababta ay u galeen Baladweyne.

 

Afhayeenka waxaa la weydiiyay su'aal kale oo ahayd: In dadka ku nool Hiiraan ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay wadaan dagaalka xooggiisa oo arrintoodu ka badan tahay faragelin? Wuxuuna kaga jawaabay:

 

"Maya... aasaasiyan waa DKMG ah cidda howlgalka billowday, balse iscaabintii nooga timid meelihii aan ku aadnay si wanaagsan ayay ciidamadeennu wax uga qabteen, halkaas ayaana ka howlgalaynay, innagoo raacayna baaqa DKMG ah."

 

Su'aal kale oo ahayd muddada ay joogayaan Soomaaliya ayuu kaga jawaab celiyay: "Taariikhda dhow ayaa markhaati ka noqonaysa inta aan doonayno inaan sii joogno Soomaaliya waana wax ku xiran rabitaankeenna, waxaan ula jeedaa Itoobiya si toos ah uma galayso dagaallada ka socda Soomaaliya, balse howlgalku wuxuu soconayaa inta laga maarmaanka ah."

 

Ugu dambeyn, su'aal la weydiiyay oo ah in Mareykanka ay kala tashadeen arrinta ay ku galeen Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in sugidda ammaanka geeska Afrika ay tahay mid u taalla gobolka, waana mid dan guud ah innaga iyo Mareykankana waan ka mideysannahay, la tashigana waa arrin caadi ah.

 

Kumannaan askarta Itoobiya ah oo kaashanaya ciidammo Soomaali ah ayaa shalay waxay la wareegeen gacan ku haynta degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib dagaal culus oo ay la galeen xoogaggii Xarrakada Al-shabaab ee ka talinayay.

 

Dhanka kale, dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidamada Itoobiya ay gacan ku siinayaan dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab, iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay inay billowdeen howgallo lagu soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka amar qaadanayaan Dowladda KMG ah

 

Axad, Jannaayo 01, 2012 (HOL) − Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee soo galaya Soomaaliya ay ka amarqaadanayaan dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in hoggaanka dagaalka ay hayso xukuumadda Soomaaliya.

 

Xuseen Carab oo wereysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in DKMG ah ee Soomaaliya ay weydiisatay dalalka gobolka oo ay Itoobiya ku jirta inay gacan ka siiyaan sidii lagu soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

 

"Dalka Itoobiya wuxuu ka mid yahay dalalka aan weydiisanay inay gacanta nagu siiyaan sidii dalka ammaankiisa lagu soo celin lahaa," ayuu yiri wasiirka difaaca ee Soomaaliya, isagoo xusay in soo gelintaanka Itoobiya ay tahay mid ay og-yihiin.

 

Su'aalo ku saabsan inta ay dalka ku sugnaanayaan iyo tiradooda oo la weydiiyay ayuu ka gaabsaday isagoo sheegay in howlgalku uu billow yahay isaguna uusan hadda ka jawaabi karin su'aalaha la weydiinayo.

 

Kumannaan askarta Itoobiya ah oo wata gaadiid dagaal ayaa waxay shalay weerar ku qaadeen degmada Baladweyne iyagoo ka qabsaday Xarakada Al-shabaab oo gacanta ku haysay, waxaana wehliya ciidammo ka kala tirsran DKMG ah, Ahlusunna iyo maamulka dooxada Shabeelle.

 

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Bereket Simon oo saxaafadda la hadlay ayaa isna sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda KMG ah oo weydiisatay in gacan laga siiyo tallaabo adag oo ay doonayso inay ka qaaddo Al-shabaab.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna xaqiijiyay inay ka baxeen degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay in sababta ay magaaladaas uga baxeen ay sal ku leedahay xeelad dagaal

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Che -Guevara;769221 wrote:
Yesterday's mujahids, today's collaborators...what hypocrite Sharif is worse than Yeey in many ways.

Worst of all is the Somali whose vision for Somalia's future is only supporting terror.

,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Che, many Somali's opposed the Ethiopian invasion back in 2007 but are today more supportive of the Kenyan, Ethiopian and AMISOM operations against Al Shabaab. Xalada ayaa is badashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ And their argument is (icu) Islamic courts union is not Alshabaab even though Alshabaab is an obstacle to peace and stability in Somalia that's still not a reason to invite your arch enemy inside you're territory.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this