Sign in to follow this  
Saalax

Weerar Qasaare Geestay Oo Lagu Qaaday Magaalada Gaarisa

Recommended Posts

Saalax   

Gaarisa (RBC) Inta la ogyahay labo qof oo mid ka mid ah uu yahay Soomaali ayaa ku geeriyooday weerar xaley kooxo hubeesan ay ku qaadeen goob ay ka dhaceysa xaflad loogu dabaal dagaayo sanadka cusub 2012- degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Wakaalada wararka Reuters ayaa soo warisay rag ku socday gaaro in ay rasaas ku fureen Naadi lagu caweynaayo oo ku taalo Gaarisa halkaas oo ay ku dhinteen labo qof 25-kalana ay ku dhaawacmeen.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in ay baxsadeen qolyaha weerarka geestay, macadda cida ka dambeesay dilka weerarka xaley lagu qaaday magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Amaanka dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay Ciidamada Dhulka, Kuwa badda iyo cirka ayaa heegan la galiyay ka dib markii saraakiisha ciidamada Kenya ay ku dhawaaqeen in ay dhici karaan weeraro aragagixiso ah kuwaas oo lagu soo beegaya

Dhinaca kale madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa shaley xarunta madaxtooyada ka jeediyay Khudbatiisa sanad waxana uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay amaanka dalka kenya

Waxa uu ka hadlay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya isagoo oo ugu baaqay in si isla mid ah loo xasuusto loona duceeyo wiilasha iyo gabdhaha labisan daraeska ciidamada ee Hawlgalada ka wada Soomaaliya.

Waxa uuna intaasi raaciyay in ciidamadaasi ay iminka nafsadooda u hureen sidii ay u badbaadin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee mudada kabadan 20-ka sano ku jiray dagaalada iyo macluusha.

Si kastaba Kenya ayaa muddo ka badan labo bil waxa ay howlgalo kawadaan Koonfurta Soomaaliya halkaas oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab kuwaas oo ka dambeeyay afduubo iyo weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya

RBC Radio

————————–

Xafiiska Wararka Niarobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this