Jacaylbaro Posted August 4, 2007 hadhwanaag 2007-08-04 (Hadhwanaagnews) Hageysa(HWN):-Xulka Gobolka Togdheer ayaa u soo gudbay Wareega labaad ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland, kadib markii ay Ciyaar adag oo aad u Xiisa badan ku dhex martay Gobolka Sanaag ay kaga adkaadeen 2 iyo 1. Ciyaartan Galabta ay fooda isku dareen Garoon Ciyaaraha ee Hargeysa Stadium ayaa waxa lagu soo geba-gabeeyey wareegi kowaad ee tartanka Ciyaaraha Gobolada. Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qeyb-galeen Wasiirka Dhalin-yarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Xildhibaano Golaha Wakiillada iyo Boqolaal dadweynaha taageerayaal ah. Ciyaartan dhex martay Xulka Gobolka Sanaag iyo Togdheer ayaa ahayd Ciyaar aad u adag oo ahayd weerar iyo weerar celis, oo ay labada dhinac ku soo ban-dhigeen Ciyaar far-shaxaneed oo aad u heer-sareysa, qeybtii kowaad ee Ciyaarta saqiiqadii 35aad ayey ku horumartay Gool Gobolka Sanaag, waxaana u dhaliyey Barkhad Maxamed Geele oo sitay Numberka lixaad, waxaanay qeybtii hore ee Ciyaartu ku dhamaatay hal iyo eber ay ku hogaaminayeen Gobolka Sanaag. Markii qeybtii labaad ee Ciyaarta la isugu soo noqday ayuu Xulkastaaba la soo galay dar-dar iyo dedaal hasa-yeeshee bilowgii qeybtii labaad ee Ciyaarta daqiiqadii 45aad ayuu Xulka Gobolka Togdheer la yimaadeen Goolka Baraajaha ahaa, kaas oo uu dhaliyey Maxamed Maxamuud Siigo oo qaata Numberka 18aad oo ka ciyaara afka hore, daqiiqadii 76aad ayey Goolkii labaad ee Guusha la yimaadeen Xulka Gobolka Togdheer, goolkaas oo uu saxeexay inanka Difaaca uga Ciyaara Mukhtaar Saleebaan Xadhigle. Gobolada Sanaag, Togdheer iyo Maroodi-jeex oo iyagu kuwada jiray Group-ka “B” ayaa waxa Ciyaarahan Wareega labaad u gudbay Gobolka Togdheer iyo Maroodi-jeex, halka Group-ka “A” ay u soo gudbeen Gobolada Awdal iyo Sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites