Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Igad secretary general arrives in the capital city hargeysa

Recommended Posts

Xoghayaha Guud ee IGAD Oo ka hadlay waxyaabaha urur-goboleedkoodu ka taageeri karo Somaliland

December 31st, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin oo maanta sheegay inay dawlada Somaliland kala hadlayaan mashaariicda urur goboleedkaasi ka taageeri karo dalkan.

Xoghayaha guud ee IGAD, wuxuu sidaasi ka sheegay markii uu maanta soo gaadhay caasimada Hargeysa oo uu socdaal shaqo ku yimid markii sadexaad.

 

Md. Maxbuub Macalin oo markii uu ka soo degay Madaarka Hargeysa saxaafadda la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa waxaanu yidhi “Waa markii sadexaad ee aan imaado Somaliland Magaaladda Hargeysa, labada goor ee ee aan imidna shaqo ayaanu isla bilawnay dawladda Somaliland, waxaana iga soo horeeyey Saraakiil ila shaqeeya oo dhinaca Jabuuti ka yimid, waxyaabo badan oo ku saabsan sidii dawladda Somaliland wax loola qaban lahaa ayaanu dhowr goor wada hadal ka yeelanay, Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, markaa arrimahaas wixii ka fulay iyo waxa nalaga tabanayo iyo waxa aanu isla qaban karno ayaanu eegaynaa.”

 

“Qorshihii aanu isla dejinay Dawladda Somaliland ee ahaa Labaatan sano meesha uu gaadhay iyo wixii kale aanu kala qaban karno ayaanu u nimid inaan eegno, wixii naloo sheegana waanu dhegeysanaynaa,”ayuu yidhi Xoghayuhu.

 

“Waxaanu ballan qaadnay inaanu Toban Arday geyno Jaamacadda ku taala Kambaala ee Uganda Haraare, shantii ugu horeeyeyna way tageen, waxaanay galeen Sannadkii sadexaad oo Imtixaankii ay u fadhiisteen natiijo wanaagsanna way ka gaadheen, taas oo muujinaysaa inuu Iskuulka sheekh yahay mid aad u sareeya.”

 

Mr. Maxbuub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shanta kalena waa noo diyaar, laakiin waxaa nalaga codsaday in loo yara daayo Iskuul kooda, Bisha soo sicotana way tegi doonaan, ardayda ka soo bixi doona Iskuulka sheekhna waa loo raadin doonaa, Iskuulka sheekhna waxaa la wareegtay IDAG oo Maal gelin ayaanu ku samayn doonaa wixii Sannadkan ka dambeeya.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti uu hogaaminayo xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD oo kulan la yeeshay Baarlamanka Somaliland

 

Axad, Jannaayo 01, 2012 (HOL) − Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Inj. Maxbuub Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay labadda guddi joogto ee wakiiladda iyo guurtida Somaliland, wuxuuna u jeediyay khudbad uu kaga hadlayo hawlo kala duwan oo IGAD ka fulisay Somaliland iyo sannadkan qorshayaasha ay wadaqaban doonaan Somaliland iyo IGAD oo uu xusay inay dhinacyo badan iska kaashan doonaan.

 

Xoghayaha ayaa ku amaanay Somaliland horumarka ay dhinacyo badan ka sameysay kuwaasoo ay ka mid yihiin: waxbarashada, dhaqaalaha iyo dhismaha wadooyinka, waxaanu xusay inay tusaale fiican u noqon doonto dalal badan oo gobolka ku yaalla.

 

Waxa kale oo uu xusay inuu doonayo inuu mashaariic badan ka hirgaliyaan Somaliland, isagoo sheegay in laba toddobaad ka hor uu saxeexay mashruuc isku xidhaya Berbera iyo Itoobiya, taas oo dhowaan la bilaabi doono, waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland dhinacyo badan ka taageeraan hadday ahayn lahayd ka hortaga cudurka HIV/AIDS, dugsiga Sheekh ee waxbarashada iyo mashaaruucyo badan oo uu sheegay inay Somaliland ka waddaan.

 

"Somaliland iyo anagu waxaanu wada qabanay mashruucyo badan, waxaan ka mid ah mashruuca la dagaalanka HIV/IADS, mid lagu xanaanaynayo xoolaha iyo kuwa kale, waxa kale oo aanu imikana wadnaa mashruucyo kala duwan oo ah mid jidadka wax lagaga qabanayo, Biyaha, la dagaanka Abaaraha iyo mid xaga amniga ah oo haddii aad Somaliland tihiin aad tihiin dad wax laga baran karo" ayuu yidhi xoghayuhu.

 

Xoghayuhu waxa uu golaha u sheegay inay wadaan qorshe ay doonayan inay shir iskugu keenaan dalalka Gobolka, kuwaas oo waxyaalo badan Iska kaashan doona, isla markaana uu xusay in Somaliland qayb ka tahay dalalkaas, inkastoo uu sheegay in aanay xubin siyaasi ah ku lahayn balse hadana ay ka soo qaybgali doonaan.

 

"Waxaad ka mid tihiin dadka gobolkan ee aanu u shaqayno sidaa darteed, waxaanu qabanqaabinaynaa kulan ay isku yimaadaan dalalka ku yaalla gobolkan, inkastoo Somaliland xubin ka ahayn arrimaha siyaasadda ee gobolka hadana waxaanu isnidhi yeyna isku arkin in aanay xaq u lahayn inay ka qaybgalaan,marka waxaanu doonaynaa in arrintaasna wax nagala qabataan" ayuu yidhi Maxbuub.

 

Xoghayaha ayaa xildhibaanadii kulaha joogay su’aalo door ah waydiiyey, kuwaas oo ka codsday inay IGAD wax kala qabato qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo dhanka horumarka ee Somaliland.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida joogtada golaha Wakiiladda Somaliland, Axmed Barkhad Miigane isago si weyn ugu soo dhoweeyey golaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this