Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Muusa rabbiile good road from Dila to Borama almost Finished

Recommended Posts

Xukuumadda S/Land Iyo Reer Awdal Oo Ku Tartamaya Dhamaystirka Jidka Muuse Rabbiile by lug in News

Jidka u dhexeeya Dila iyo Borama ee Muuse Rabbiile Good ayaa waxa lagu soo warramayaa inuu meel fiican marayo, hawshiisuna si xowli ah u socoto

 

masaafadda dhimanna waxa la sheegay inay tahay 10 KM.

 

Laga bilaabo magaalada Borama ilaa tuulada Gorayo-cawl waxa gacanta ku haysa hay`adda jidadka Awdal iyo Salal ( ASARDA ) oo gacan ka halaysa dadwaynaha reer Awdal, Salal iyo Gabilay meel kasta oo ay joogaanba, halka ay haya`dda jidadKa Somali Land (SRA) oo ka wakiil ah xukuumadda S/Land -na dhinaceeda ka soo bilowday magaaalada Dila soona gaadhsiisay tuulada Tulli Cagaagan, halkaana waxaa ku eg 4tii KM ee u horraysay ee ay ballan qaadday xukuumaddu, inkasta oo ay ku darayso 4 KM oo kale sida ay wararku sheegayaan. 6 KM ee hadhsanna waxa la filayaa inay shacabka reer Awdal, Salal iyo Gabilay dhamaystiri doonaan.

 

Sida laga warqabo, jidkan waxa dhowr maalmood ka hor soo baxayay warar laga soo xiganayay xubno muhiim ah oo ka mid ah haya`dda ASARDA oo sheegaya in jidku marka uu dhamaado loogu magacdari doono marxuum Muuse Rabbiile Good, iyada oo ay tallabaadaasi dad fara badani aad u soo dhaweeyeen.

 

Taariikh ahaan, General Muuse Rabbiile Good waxa uu ku dhashay magaalada Borama sannadkii 1938,Waxanu wax ku soo bartay dalka Sudan oo uu shahaadada heer jaamacadeed ka qaatay, kadibna waxa uu macallin ka noqday dugsigii sare ee Camuud ee magaaalada Borama.

 

General Muuse Rabbiile Good waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyay Somaali ahaan ee lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii golihii barlamanka ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1960 kii.

 

Xildhibaan Muuse Rabbiile sannadkii 1961 kii waxa uu u baxay socdaal aqoon korodhsi ah, waxanu arday ka noqday kulliyadda ciidanka ee Sanhurts ee ku taalla magaalada London ee dalka Britain. Sannadkii 1969 kiina waxa uu ka mid ahaa jannanadii ugu waawaynaa ee hirgeliyay tawraddii Soomaaliyeed, iyada oo uu habeenkii afgenbiga 20 kii October General Muuse gacantiisa ku dejiyay qorshihii ammaan ee magaalada Muqdisho lagula wareegay, islamarkaana uu hoggaaminayay ciidamadii taangiyada ee habka nabdoon ku qabsaday Xamar.

 

General Muuse Rabbiile Good, laga bilaabo dhalashadii tawradii Somaliya illaa burburkii maamulkii dhexe waxa uu soo qabtay wasaarado ay ka midyihiin, wasaaradda Caafimaadka, beeraha iyo xannaanada xoolaha, gaadiidka cirka iyo dhulka , waxayna reer Awdal si gaar ah ugu xasuustaan inuu isagu hirgeliayay gobolnimada Awdal iyo degmooyinka gobolkaasiba.

 

Sannadkii 2001,ayuu General Muuse Rabbiile Good ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this