Xaaji Xunjuf Posted December 28, 2011 Ciidamadda Qaranka JSL ayaa fashiliyay hub isugu jiray waxyaalaha qarxa oo la dhigay buundada duleedka guriga Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jumhuuriyadda Somaliland. Hogaanka ciidanka qaranka u qaabilsan Sahanka Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cali ayaa maanta soo bandhigay qalab ah waxyaabaha qarxa kaas oo uu sida uu sheegay la dhigay Biriijka Labaad ee caasimadda. Waxyaabahan qarxa oo sida uu warbaahinta u sheegay G/Le Sare Maxamed Cabdi Cali uu dhigay nin ku labisan Jilbaab, ayaa waxa uu laba goobood ka dhigay meel wax yar u jirta guriga Madaxweyne-ku-xigeenka JSL iyo buundada hoteelka Hargeisa Club. Hogaanka sahanka ciidamadda Qaranka JSL waxa uu intaasi ku daray in ay miinooyinkan ku wada dhigayeen laba nin oo kii kale markii ay ciidamadda qaranku ka war heleen ka baxsaday goobta laakiinse lagu raad joogo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 28, 2011 This shows how capable the Somaliland Security forces are in their daily duties in Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted December 28, 2011 Masha'Allah may allah bless the Somaliland security forces for foiling the wicked plans of the enemy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted December 28, 2011 Ciidamada Qaranka oo Fashiliyey Hawlgal Argagaxiso oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo Goobo Muhiim ah oo Hargeysa ah Hargeysa/ToggaHerer 28 Dc 2011 War uu soo daaray Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta lagu sheegay in ay fashiliyeen Hawlgal Argagaxiso oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo Goobo Muhiim ah oo caasimada Somaliland ee Hargeysa ah. Hawlgalkaa Argagxiso ee fashilmay ayaa ahaa mid lagu beegsanaayay Biriijka Labaad ee Hargeysa habeenkii Xalay ahaa iyada oo Ciidanka Qaranku gacanta Ku dhigeen Qalabkii loo adeegsanaayay Qaraxaasi . Taliyaha Hogaanka Sahanka Maxamed Cabdi Cali Ayaa sheegay in Qalabkan Loo adeegsanaayay Falka Argagaxiso ay sideen Laba nin oo Xidhnaa Jalaabiib Kuwaas oo Habeen madawgii Ka fakaday Ciidamada… Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
STOIC Posted December 28, 2011 They just got lucky with this one methink...Terror is difficult to asses and combat. No matter how much intelligence Somaliland has it would never be able to defeat a terror group.Good for the moral of the security personnel though for curbing this terror before it unfolded, but don't sleep till you arrest every harmful kook that pose a threat to the nation.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted December 28, 2011 Ciidamada Somaliland oo fashiliyay qaraxyo lala damacsanaa Magaalada Hargeysa Arbaco, December 28, 2011 (HOL)-Sirdoonka Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa sheegay inay qabteen qalab la doonayey in meelo kala duwan lagu qarxiyo. Taliyaha Hoggaanka Sahanka ee ciidanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdi Cali ayaa sheegay inay xalay qabteen qalab kuwa qarxa ah oo laba nin wateen, kuwaas oo doonayey inay ku qarxiyaan meelo muhiim ah oo uu ku jiray Buundada labaad ee magaalada Hargeysa. “ Xalay waxa askari sirdoonka ciidanka qaranka ahi soo daba galay nin jilbaabka dumarka xidhan, kaas oo marka uu marayo Buundada magaaladda Hargeysa meel u dhow oo u dhexeysa Dooxa iyo Guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayuu dhigay qalabkii, kaddibna telefoon ayuu ku hadlay isagoo erayo ay isku fahmayaan cidda uu la hadlay ku hadlay” ayuu yidhi, waxa uu intaas ku daray “ waxa u yimid nin kale, waxa markii dambe ninkii askariga ahaa ku riday xabad balse way baxsadeen waxaanu ka reebay qalabkii ay sideen” sidaas waxa yiri Maxamed Cabdi hoggaanka Sahanka ee Ciidanka Milatariga Somaliland. Inkastoo aan raggii sitay la qaban haddana waxa lagu guuleystay in walxahan qarxayey la qabto, waxaanu sarkaalku sheegay in haddii la qarxin lahaa walxahan ay dhul balaadhan burburin karaysay, dhulkaasi oo gaadhaya Buundada magaalada ilaa guriga Madaxweyne ku xigeenka oo waxyar uun u jiray halka lagu aasi lahaa walxahan qarxa ee raggaasi siteen. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online Hargeysa, Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2011 Thank God .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted December 29, 2011 how they gona stop if somaliland only keeps thm in jail when caught? know one day they be out or escape. should pay their crime...eye for eye. When killing they belong to organization, when caught they clan! Quote Share this post Link to post Share on other sites