Sign in to follow this  
Saalax

Mashaariic kala duwan oo Somaliland ay ka hirgelinayso Magaalada Saylac ee gobolka Selel oo xarigga

Recommended Posts

Saalax   

Mashaariic kala duwan oo Somaliland ay ka hirgelinayso Magaalada Saylac ee gobolka Selel oo xarigga laga jaray

 

Isniin, December 26, 2011 (HOL) − Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland, Cabdi-siciid Faahiye, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Saylac ee gobolka Selel.

 

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey mashruucyadan horumarineed ee laga hirgaliyey magaalada Saylac ayaa waxa ka soo qaybgalay duqa magaalada Saylac Maxamed Cumar Xadi, Badhasaab ku xigeenka gobolka Selel ahna ku simaha badhasaabka Cali Alaale Riyaale, Taliyeyaaha ciidamada Xeebaha, Milatariga iyo Booliska, Xildhibaano, isku duwayaasha wasaaradaha ka hawlgala gobolka iyo marti sharaf kale.

 

Wasiirka waxa uu xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo ay ka mid yihiin xafiiska laanta socdaalka gobolka, waxbarashadda, Ciyaaraha, Xarunta dawlada hoose iyo xafiiska Maareeyaha dekada Saylac.

 

Masuuliyiinta heer degmo iyo Gobo lee Selel ayaa weftiga u yimid uga waramay xaalada guud ee gobolka iyo waxyaalaha muhiim ah ee ay xukumadda dhexe ka codsanayaan, waxaanay sheegeen inay sanadkan gobolka laga fuliyey mashaariic horumarineed oo kala duwan oo xaga waxbarashada iyo caafimaad ah, waxaanay weftiga ka codsadeen inay u baahan yihiin in wax lagala qabto xaga wadooyinka oo ay dhib badan kala kulmaan, waxa kale oo ay codsadeen in xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ahba wax kala qabtaan abaar adag oo gobolka ka dhacday.

 

Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka, Cabdi-siciid Faahiya ayaa maamulka iyo masuuliyiinta gobolka uga mahadnaqay dardargelinta adeega bulshadda ee gobolka Selel ka fulay, isagoo xusay in mashaariic horumarineed oo balaadhan laga hirgaliyey gobolka, waxaa kale oo uu ku booriyey inay xoojiyaan nabadgalyada, isla markaana ilaaliyaan xeebaha iyo Xuduudaha dalka.

 

Sidoo kale waxa uu wasiirka dhalinyarada Mr: Faahiye xadhiga ka jaray dugsi sare oo cusub oo ay hirgaliyeen jaalida gobolka Selel ee dibadaha ku dhaqan oo magacooda la yidhaa Ramad, waxaana dugsigaasi loo bixiyey Sacadadiin Secundary School, waxaanu noqon doonaa dugsi hoy ah oo ay maalgalin doonaan jaaliyadaasi.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyadda Ramad ee Dibaddaha ee gobolka Selel Axmed Xuseen Miigane, waxaanu wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka iyo wasiirka Waxbarashada guddoonsiiyeen hadyado ay ugu soo talogaleen.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

 

Hargeysa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;767930 wrote:
Xaaji, 3dii gobol meeqaad ka dhigteen? 12?

1960 2 gobol bay ahayd

 

Xiligi dawladi Siyaad bare 5 Gobol bay ahayd

 

Xiligi Ina Cigaal eeh Somaliland 6 Gobol bay ahayd

 

Maanta waxa weye 12 Gobol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this