Sign in to follow this  
Somalina

Be careful C/Weli, be very careful

Recommended Posts

Somalina   

Waxaa maanta bac ay walxaha qarxa ku jiraan laga helay wadada Airport-ka aada ee magaalada Boosaaso.

 

Ciidamo tira badan ayaa durbadiiba soo gaarey goobta ay Minaadaasi ooleyda waxaana la xiray dhamaan jidadka halkaas soo gala.

 

Baarintaan kadib ayaa la xaqiijiyey in waxa bacdaas ku jiraa ay walxaha qaraxa yihin waxaana lagu guuleystey in iyada oo Miinadaasi aanay wax khasaare ah geysan halkaas laga qaado.

 

Dhowr daqiiqo kahor ayaana lagu qarxiyey xeebta magaalada Boosaaso meel u dhow xarunta ciidamada PIS-tu ay magaalada ka degen yihiin.

 

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay maanta magaalada Boosaaso kusoo beegnaayeen wefdi uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali kuwaas oo weli aan dhinaca Garoowe kasoo ambabixin loona badinayo inay baaqanayaan.

 

Shalay ayeyna ahayd markii miino jidka dhinaciisa la dhigey ay ku qaraxday gaari ay wateen saraakiil ka tirsan ciidamada miino baarista, qaraxaas oo galaaftay nolosha hal Askari islamarkaana 3-kale ay dhaawacyo kasoo gaareen.

 

Weli majiraan Mas’uuliyiin laamaha ammaanka ka tirsan oo arintaas ka hadlay haseyeeshee wixii war ah oo kasoo cusboonaada Saacadaha soo socda hadii eebe ogolaado ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

explosives found in michigan today

http://www.annarbor.com/news/bottle-explosive-found-in-local-parking-structure/

 

Nairobi bomb scare 9 minutes ago

http://www.standardmedia.co.ke/InsidePage.php?id=2000048947&cid=4

 

Oh Abdi-weli does that mean you wont go to those countries oo daily laga hela explosives, murders, etc.

 

The issue is being dealt with in Bosaso by the Police Officers of the city and the culprits will be found and brought before the courts

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

The culprits will be apprehended by bosaso police

boliiska-soomaaliya-2.jpg

'

The culprit will be brought before the bosaso local court

images?q=tbn:ANd9GcTzZse04qz2-4TM5JfC5MK

 

The culprit will be sentenced to bosaso prison

puntland-police.jpg

 

Depending on his crime and what it is because their is terrorism tribunal which may handle the matter if it is not local matter but federal crime

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

another blow to the thread opener

 

BOOSAASO: Gaas oo gaaray Boosaaso

December 26, 2011 1:52 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Boosaaso: (pp)- Raiisal wasaaraja DFKMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray xarrunta ganacsiga Puntland ee boosaaso, waxaana ku weheliyey safarkiisa wafdi ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Safarka Raiisal wasaaraha ayaa la xiriira siddii ay wax uga ogaan lahaayeen khasaarihii Dab ee ka dhashay magaalada Boosaaso, iyagoo dhanka kale kulamo la yeelanaya ganacsatada magaalada boosaaso si ay xog rasmiya uga qaataan.

 

Raiisal wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada boosaaso kulamo la qaadan doona dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada boosaaso , kormeera kumari doona goobaha muhiimka ah sida Garoonka diyaaradaha ee Bandar qaasim Airport iyo Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Waa markii ugu horaysay uu Raiisal wasaare Gaas uu gaaro magaalada Boosaaso, tan iyo intii uu qabtay jagada Raiisal wasaaraha dfkmg soomaaliya.

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D news flash! you posted fake news.

 

Wafdigii lasocday R/wasaaraha Xukuumadda Faderaalka iyo madaxwaynaha Puntland oo Yimid Boosaaso

December 27, 2011

 

Wafdigii lasocday ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la xanibay gaadiidka waawayn iyo kuwa yaryar inay adeegsadaan wadooyinka waawayn ee soo gala islamarkaana ka baxa magaalada,waxaana ciidamadu ay daad sanayihiin wadadada dheer ee laamiga si’ay u sugaan amaanka.

 

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa mudo sanad ku dhaw aan cagaha soo dhigin magaalada Boosaaso,halka ra’isal wasaarahana ay u noqonayso booqashadii ugu horeeysay ee isaga wasiirka gashaandhiga Xuseen Carab iyo wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ay ku yimaadaan magaalada Boosaaso,inkastoo ra’isal wasaarahu uu horay siyaabo kale duwan uu u booqday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

 

Booqashada ra’isal wasaaraha ee Boosaaso ayaan la shaacin inta ay qaadan doonto,hase ahaatee waxaa la filayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso inuu kormeer ku tago suuqii waynaa ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dab uu baabi’iyay intiisa badnayd iyo xerada ciidamada badda Puntland ee u dhaw deegaanka Qaw.

 

Puntlandnews24

 

Xafiiska Boosaaso.

 

-------------------

 

 

Qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta R/wasaare Cabdiwali oo hada ka socata magaalada Boosaaso

 

http://horseedmedia.net/2011/12/27/qaban-qaabo-loogu-diyaar-garoobayo-soo-dhaweynta-rwasaare-cabdiwali-oo-hada-ka-socata-magaalada-boosaaso/

 

---------------------

 

Raysalwasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole oo Boosaaso soo gaaray.

December 27, 2011

 

http://puntlandpress.net/2011/12/raysalwasaare-gaas-iyo-madaxweyne-froole-oo-boosaaso-soo-gaaray/

 

 

-------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this