Somalina Posted December 26, 2011 Waxaa maanta bac ay walxaha qarxa ku jiraan laga helay wadada Airport-ka aada ee magaalada Boosaaso. Ciidamo tira badan ayaa durbadiiba soo gaarey goobta ay Minaadaasi ooleyda waxaana la xiray dhamaan jidadka halkaas soo gala. Baarintaan kadib ayaa la xaqiijiyey in waxa bacdaas ku jiraa ay walxaha qaraxa yihin waxaana lagu guuleystey in iyada oo Miinadaasi aanay wax khasaare ah geysan halkaas laga qaado. Dhowr daqiiqo kahor ayaana lagu qarxiyey xeebta magaalada Boosaaso meel u dhow xarunta ciidamada PIS-tu ay magaalada ka degen yihiin. Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay maanta magaalada Boosaaso kusoo beegnaayeen wefdi uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali kuwaas oo weli aan dhinaca Garoowe kasoo ambabixin loona badinayo inay baaqanayaan. Shalay ayeyna ahayd markii miino jidka dhinaciisa la dhigey ay ku qaraxday gaari ay wateen saraakiil ka tirsan ciidamada miino baarista, qaraxaas oo galaaftay nolosha hal Askari islamarkaana 3-kale ay dhaawacyo kasoo gaareen. Weli majiraan Mas’uuliyiin laamaha ammaanka ka tirsan oo arintaas ka hadlay haseyeeshee wixii war ah oo kasoo cusboonaada Saacadaha soo socda hadii eebe ogolaado ayaan idiin soo gudbin doonaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 26, 2011 Oh do I long for the day a neighbourhood filled with crooks and thieves gets wiped out. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 26, 2011 explosives found in michigan today http://www.annarbor.com/news/bottle-explosive-found-in-local-parking-structure/ Nairobi bomb scare 9 minutes ago http://www.standardmedia.co.ke/InsidePage.php?id=2000048947&cid=4 Oh Abdi-weli does that mean you wont go to those countries oo daily laga hela explosives, murders, etc. The issue is being dealt with in Bosaso by the Police Officers of the city and the culprits will be found and brought before the courts Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 26, 2011 The culprits will be apprehended by bosaso police ' The culprit will be brought before the bosaso local court The culprit will be sentenced to bosaso prison Depending on his crime and what it is because their is terrorism tribunal which may handle the matter if it is not local matter but federal crime Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 26, 2011 another blow to the thread opener BOOSAASO: Gaas oo gaaray Boosaaso December 26, 2011 1:52 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Boosaaso: (pp)- Raiisal wasaaraja DFKMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray xarrunta ganacsiga Puntland ee boosaaso, waxaana ku weheliyey safarkiisa wafdi ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Safarka Raiisal wasaaraha ayaa la xiriira siddii ay wax uga ogaan lahaayeen khasaarihii Dab ee ka dhashay magaalada Boosaaso, iyagoo dhanka kale kulamo la yeelanaya ganacsatada magaalada boosaaso si ay xog rasmiya uga qaataan. Raiisal wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada boosaaso kulamo la qaadan doona dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada boosaaso , kormeera kumari doona goobaha muhiimka ah sida Garoonka diyaaradaha ee Bandar qaasim Airport iyo Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso. Waa markii ugu horaysay uu Raiisal wasaare Gaas uu gaaro magaalada Boosaaso, tan iyo intii uu qabtay jagada Raiisal wasaaraha dfkmg soomaaliya. Daabacaadda: Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 26, 2011 another blow to the thread opener Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted December 26, 2011 What was the blow all about?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 27, 2011 news flash! you posted fake news. Wafdigii lasocday R/wasaaraha Xukuumadda Faderaalka iyo madaxwaynaha Puntland oo Yimid Boosaaso December 27, 2011 Wafdigii lasocday ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la xanibay gaadiidka waawayn iyo kuwa yaryar inay adeegsadaan wadooyinka waawayn ee soo gala islamarkaana ka baxa magaalada,waxaana ciidamadu ay daad sanayihiin wadadada dheer ee laamiga si’ay u sugaan amaanka. Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa mudo sanad ku dhaw aan cagaha soo dhigin magaalada Boosaaso,halka ra’isal wasaarahana ay u noqonayso booqashadii ugu horeeysay ee isaga wasiirka gashaandhiga Xuseen Carab iyo wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ay ku yimaadaan magaalada Boosaaso,inkastoo ra’isal wasaarahu uu horay siyaabo kale duwan uu u booqday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Booqashada ra’isal wasaaraha ee Boosaaso ayaan la shaacin inta ay qaadan doonto,hase ahaatee waxaa la filayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso inuu kormeer ku tago suuqii waynaa ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dab uu baabi’iyay intiisa badnayd iyo xerada ciidamada badda Puntland ee u dhaw deegaanka Qaw. Puntlandnews24 Xafiiska Boosaaso. ------------------- Qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta R/wasaare Cabdiwali oo hada ka socata magaalada Boosaaso http://horseedmedia.net/2011/12/27/qaban-qaabo-loogu-diyaar-garoobayo-soo-dhaweynta-rwasaare-cabdiwali-oo-hada-ka-socata-magaalada-boosaaso/ --------------------- Raysalwasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole oo Boosaaso soo gaaray. December 27, 2011 http://puntlandpress.net/2011/12/raysalwasaare-gaas-iyo-madaxweyne-froole-oo-boosaaso-soo-gaaray/ ------------------- Quote Share this post Link to post Share on other sites