Sign in to follow this  
Qandalawi

Appreciation and remembering Turkey's contribution to Somalia, the year ending 2011

Recommended Posts

Muqdisho:-Golaha Wasiirada oo maanta isu raacay in bilad sharafta Sanadlaha ee Qaramada Midoobay la siiyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga.

 

Warsaxaafadeed:-Shir aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed Mohamud Haji Ibrahim ayaa looga hadlay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay ay bixiso oo loo yaqaan United Nations Population Award.

 

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha Wasiirada u sharaxay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay Bilad Sharafta. Sanad walba guddiga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Bilad Sharafta Qaramada Midoobey ee loo yaqaan United Nations Population Award ayaa waxey guddoonsiiyaan bilad sharaftan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiiri gelinta ama wecyigelinta bulshada caalamka ama xalintooda.

 

Bilad Sharaftan ayaa waxaa lagu aasaasay qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 36/201, ee bishii November 1981, oo markii ugu horreysay la bixiyey 1983dii. Bilad Sharaftan ayaa isagu jirta bixinta Bilad Dahab ah, Shahaado iyo Lacag.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31ka December 2011 inay gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay Bilad Sharaftan.

 

Ka dib markii ay Golaha Wasiirada ka doodeen ayaa ugu danbeyntii waxaa si aqlabiyad ah la isagu raacay in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo Bilad Sharafta Qaramada Midoobey (the United Nations Population Award), isla markaana ay Dowladda Soomaaliya u gudbiso Qaramada Midoobey musharaxnimadiisa.

 

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka mudteystay Bilad Sharafta bisha Maarso ee 2012 ka isla markaana Bilad Sharafta Qaramada Midoobay uu guddoonsiin doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey inta ka horeysa bisha Juun 2012ka.

 

Dhamaad

 

Xafiiska warfaafinta Xukuumada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirada oo ku shiray Muqdisho

 

Muqdisho: (Sh. M. Network)- Shir aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed Mohamud Haji Ibrahim ayaa looga hadlay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay ay bixiso oo loo yaqaan United Nations Population Award.

 

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha Wasiirada u sharaxay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay Bilad Sharafta. Sanad walba guddiga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Bilad Sharafta Qaramada Midoobey ee loo yaqaan United Nations Population Award ayaa waxey guddoonsiiyaan bilad sharaftan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiiri gelinta ama wecyigelinta bulshada caalamka ama xalintooda.

 

Bilad Sharaftan ayaa waxaa lagu aasaasay qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 36/201, ee bishii November 1981, oo markii ugu horreysay la bixiyey 1983dii. Bilad Sharaftan ayaa isagu jirta bixinta Bilad Dahab ah, Shahaado iyo Lacag.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31ka December 2011 inay gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay Bilad Sharaftan.

 

Ka dib markii ay Golaha Wasiirada ka doodeen ayaa ugu danbeyntii waxaa si aqlabiyad ah la isagu raacay in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo Bilad Sharafta Qaramada Midoobey (the United Nations Population Award), isla markaana ay Dowladda Soomaaliya u gudbiso Qaramada Midoobey musharaxnimadiisa.

 

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka mudteystay Bilad Sharafta bisha Maarso ee 2012 ka isla markaana Bilad Sharafta Qaramada Midoobay uu guddoonsiin doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey inta ka horeysa bisha Juun 2012ka.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this