Sign in to follow this  
Qandalawi

Axmed Naaji Sacad ”Madaxda Puntland iyo Shacabkoodu waa dad wadaniyiin Soomaalinimadu ku wayn

Recommended Posts

Axmed Naaji Sacad ” Madaxda Puntland iyo Shacabkoodu waa dad wadaniyiin ah oo Soomaalinimadu ku wayntahay si qiimo badan bay noosoo dhaweeyeen(Sawiro)

Posted by Pi on December 25th, 2011

 

 

Dhulkayna naga qaadeen runtii waxan dareemay intaan joogay Waayadii dowladnimadu ka jirtey Dalka” Dhagayso Waraysi khaas ah oo aanu la yeelanay

 

Garowe (Puntlandi) Sidii aad horeyba u ogeydeen akhristayaal waxaa Garowe kusoo gabogaboobey shirkii wadatashiga arimaha Dastuurka ee Garowe kaasi oo shalay galinkii danbe si guul ah kusoo dhamaadey oo ay madaxdii Soomaaliyana gacmaha isqabsadeen iyagoo wadajirana ay saxiixeen wixii ay Soomaali ka sugaysay.

 

Dadkii magaca weyn lahaa ee shirkan lagu martiqaadey goob joogana ka ahaa waxaa ka mid ahaa Macalinka dhinaca fanka Soomaaliya ku xeel dheer ee Axmed Naaji Sacad oo ka mid ahaa ragii hormuudka u ahaa fanka Soomaaliya. Axmed Naaji Sacad waxa uu dalka Soomaaliya yimid 20-sano kadib markii uu dalka dibada uga maqnaa wuxuuna yimid Muqdisho oo uu kusoo hakaday Airport-ka iyo Garowe oo uu joogey dhawrka maalmood ee shirku socday. Axmed Naaji waxa uu waraysi khaas ah siiyey Wakaalada Puntlandi.com wuxuuna nooga waramay dareenkiisa shirka, isbadalka uu ku arkay Puntland maalmaha uu joogey iyo guud ahaan Xaalada Soomaaliya.

 

Axmed Naaji Sacad oo ah nin si weyn looga yaqaanay masraxa fanka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay fanaaniinta fara ku tiriska ah ee aan ka daalin wacyigalinta, ka shaqeynta nabada Soomaaliya wuxuuna jecel yahay sida uu iisheegay Axmed inuu shir walba oo Soomaali isugu tagto uu ka qaybgalo iyadoo aysan jirin cid fan garaysa, Axmed Naaji intii shirku socday iyo Xaflado madaxda martida ahayd loo qabtey wuxuu qaadey heeso wadani ah oo qiiro badan isla markaasna khushuuciyey madaxdii iyo dadweynihii Soomaaliyeed ee xafladaha iyo shirka joogey.

 

Al fanaan Ustaad Axmed Naaji waxa uu amaanay Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole isagoo uga mahadceliyey martigalinta walaaltinimadu ay ku dheehan tahay ee ay dowladiisu kusoo dhaweysay Soomaali uguna qabatey shir ay isugu yimaadaan oo ay aayahooda kaga tashadaan, waxa kale uu amaantaas la wadaajiyey madaxwaynaha Shacabka Puntland iyo ciidamada qaranka Puntland oo har iyo habeenba heegan ugu jira sugida amaanka caasimada Puntland ee Garowe oo uu shirku ka socday iyadoo uu Axmed iishegay in wax dhib ah aysan indhihiisu arkin dhagihiisuna maqlin isagoo igula kaftamay intii uu Muqdisho garoonka ku sugnaa inuu maqlayay rasaas marar ka dhacaysay Muqdisho, sidoo kale uu arkayay muuqaalka Muqdisho oo fool xumo ka muuqanaysay hayeeshee waxa uu sheegay in Indhihiisu ay ku nuursadeen Garowe uuna arkay guryo qurux badan, wadooyin waafi ah iyo dad iska mushaaxaya nabada taala Garowe isagoo carabka iigu dhuftey inuu ku lugeeyey Garowe uuna aad uga helay adeegyada yaala iyo sida ay shacabka reer Puntland isugu tashadeen oo ay amaankooda iyo hormarkooda uga shaqeeyeen.

 

Yaanan Hadal idinku daaline aan dhagaystayaasha iyo akhristayaashaba uga baxo dhagaysiga waraysiga aanu la yeelanay Al Ustaad Axmed Naaji Sacad.

 

Xasuusin: Waraysiga waxaanu la yeelanay Axmed Naaji intii wadahadalku socday Maalintii saddexaad ee Shirka ayayna ahayd ee 23-ka bishan Dec-2011.

 

Waad ku mahadsan tihiin booqashada iyo ku xirnaantiina Shabakada Puntlandi oo diyaar idiinla ah warar sugan isla marka ay dhacayaan.

 

Waraysigan wuxuu khaas u yahay Puntlandi.com

 

Cabdi Yuusuf Geeljir

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this