Cambuulo iyo bun Posted December 24, 2011 Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa saakay ku guuleystay howlgal ay ku soo qabanayeen nin magaciisa lagu soo koobay Fanax oo la sheegay inuu isagu bixiyay amarka lagu dilay weriye C/Salaan Xiis, waxaana ninkaasi saakay ay ciidamadu ka soo qabteen isagoo ku sugan gurigiisa. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan, ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay si xeeladeysan ku soo wadeen ninkaasi oo ay la socotay ilaalo aad u xoogan, iyadoona arrinta ugu yaabka badan ay ahayd kaddib markii la geeyay xcarunta CID-da kaddibna lagu amray ilaaladiisa inay hubka dhigaan, kuwaasi oo qaatay awaamiirta madaxda xaruntaasi. Ninka lagu magacaabo Fanax ayaa la sheegayaa inuu isagu ahaa ninkii amarka ku siiyay gacan ku dhiiglaha dilay Weriye C/Salaan Xiis inuu dilo, isla markaana isagu ka mid ahaa ilaaladiisa, hase yeeshee mid ka mid ah saraakiisha CID-da ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo xariga eedeysane Fanax. Ninka lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilka Weriye C/Salaan Xiis ayaa la sheegayaa inuu ahaa Taliyaha ciidamada duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kaasi oo isaga iyo ilaaladiisaba xabsiga CID-da loo dhaadhiciyay. Dhinaca kale amarka lagu soo qabtay ayaa la sheegayaa inuu bixiyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo isagu horay u ballanqaaday inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigayaan isla markaana cadaaladda hor keenayaan shaqsigii dilay Weriye C/Salaan Xiis oo uu sheegay inay saaxib ahaayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted December 24, 2011 http://www.jowhar.com/?p=9597 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted December 24, 2011 dadkaaneeti moryaanka ku qabiilka shariif iyo kuwaan kale ee galmudug ximan iyo xeeb xamar waaka dacwootay mays tiraahdeen abaay abaay meesha kawaan ee ka dhigeen liiska dilaaya ruuxi la rabo Quote Share this post Link to post Share on other sites