Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Technical/Manufacturing Expo Opens in Bossaso. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Bandhig-Fandeed Wasaarada Ganacsigu Soo Qaban Qaabisay Oo Maanta Boosaaso Laga Furay[sawiro]

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Waxaa maanta magaalada Boosaaso ka furmay bandhig-faneed ay soo qaban qaabisay Wasaarada ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save The Children, kaas oo lagu soo bandhigayey Xirfadaha arday tira badan oo horay farsamooyinka gacanta loo baray iyo weliba qaar kamid ah waxyaabaha ay soo saaraan Wershedaha yar-yar ee dalka gudihiisa ka jira .

 

Bandhig-faneedkaas oo socon doona mudo labo maalmood ah ayaa waxaa munaasabadii lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey kana dhacday Hotel-ka International Village ee magaalada Boosaaso kasoo qayb galay Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowlada, Madax ka socotey Hay’adda Save The Children, iyo xubno kale oo bulshada qaybeheeda kala duwan ka tirsan.

 

Mas’uuliyiintii munaasabadaas kasoo qayb galay islamarkaana ka hadlay waxaa kamid ahaa Wasiirka ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Xasan Faarax Jaamac, Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Siciid Maxamed Raage, Wasiiru dowlaha ganacsiga Maxamuud Faarax Beeldaaje, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Daahir Maxamuud Xasan (Khayr-doon), Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan, Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamuud Faarax Xayir Gudoomiyaha nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago), iyo Mas’uuliyiin kale oo tira badan.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga iyo wershedaha Puntland Daahir Maxamuud Xasan (Khayr-doon) wuxuuna sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu soo xirayo Mashruuc mudo 2-sano ah soo socday kaas oo ahaa mid xirfado ay ku shaqeystaan loogu abuurayey dhalinyarada Puntland ayna ka qayb qaateen ku dhowaad 4000 oo dhalinyaro ah kana kala yimi guud ahaan deegaanada Puntaland.

 

Daahir Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in uu jiro Mashruuc kale oo kaas ku lamaanaa ujeedada looga gol leeyahayna ay ahayd dhiirigelinta wax soo saarka dalka iyadoo halku-dhig looga dhigay ” Maalgasho dalkaaga iyo dadkaaga” maadaama sida uu Agaasimuhu sheegay bini’aadmigu uu yahay waxa ugu haboon ee la maalgelin karo.

 

Cali Siciid oo ka tirsan Madaxda Hay’adda Save The Children oo iyadu Mashruucaas maalgelisey ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dhamaan dadkii Munaasabadii bandhiggaas lagu furayey kasoo qayb galay isagoo intaas raaciyey in barnaamijkani uu yahay mid kor loogu qaadayo wax-soosaarka dalka iyo shaqo abuurista dhalinyarada Puntland oo in badan oo kamid ahi ay Baagamuudo yihiin.

 

Cali Siciid ayaa dhinaca kale sheegay in xirfadaha dhalinyaradaas loo tababaray ay yihiin 28-xirfadood wuxuuna sidoo kale xusay in arintaas ay wadashaqeyn ka leeyihiin 3-kamid ah Wasaaradaha dowlada sida Wasaaradaha Ganacsiga iyo Waxbarashada.

 

Mudane Xasan Faarax Jaamac oo ah wasiirka ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland oo qayb ka ahaa mas’uuliyintii munaasabadii bandhig-faneedkaas lagu furayey ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha ay Xirfaduhu leeyihiin iyo sida ay lagama maarmaanka ugu yihiin horumarka iyo amaanka bulsho walba oo dunida guudkeeda ku dhaqan.

 

Wasiirka ganacsigu wuxuu sidoo kale ku dhiiri geliyey dhalinyarada inay Xirfadaha bartaan arintaas oo uu tilmaamay inay hoos u dhigi karto tirada da’yarta u tahriibaya dalalka dibadda ah islamarkaana ay fursano shaqo u abuurayso in badan oo dhalinyarada kamid ah oo markii ay waxbarteen kadib aan ku guuleysan inay shaqooyin helaan.

 

Wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo isna si kooban halkaas uga hadlay ayaa uga mahadceliyey ganacsatada sida fiican ee ay koboca dhaqaalaha gacanta uga geysteen, isagoo dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada inay xil iska saaraan sidii bilicda magaalada kor loogu qaadi lahaa, gaar ahaan sidii jidadka magaalada ee waaweyn Laami looga dhigi lahaa.

 

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Faarax Xayir oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Hay’adaha maalgeliya tababarada xirfadaha dhalinyarada loogu abuuro inay diirada saaraan dhalinta waxbarashada ka tegey iyo kuwo haleeli waayey maadaama ay iyagu yihiin dadka sida gaarka ah ay faa’iidada ugu yeelanayso in xirfado ay ku shaqeystaan loo sameeyo.

 

Mudane Xayir wuxuu intaas raaciyey in ay lagama maarmaan tahay in dalka gudihiisa laga helo xirfad-yahanno badan oo *****la baahiyaha dhanka farsamada ee la qabo si looga kaaftoomo dalbashada ay shirkadaha ganacsiga iyo kuwa dhismuhu xiliyada qaar dibada uga yeertaan Xirfad-yaqaanno shisheeye ah.

 

Carwadan oo soo xirmi doonta maalinta beri ah ayaa waxaa badeecadahooda kusoo bandhigay qaar kamid ah Shirkadaha ganacsiga iyo wershedaha yar-yar ee dalka ka jira sida kuwo Sharaabka, kuwa biyaha Sifeeya, Cuntooyinka, Isbuunyada, iyo weliba qaar kamid ah Shirkadaha kaluumaysiga .

 

Si kastaba ha ahaatee Bandhig-faneedka maanta magaalada Boosaaso laga furay ayaa qayb ka ah 2-Mashruuc ay si wada jir ah isula wadeen Hay’adda Save The Children iyo wasaarada ganacsiga ee Puntland kaas oo kor loogu qaadayey Xirfadaha dhalinyarada si shaqooyin loogu abuuro, waxaana ujeedooyinka ugu muhiimsan ee laga leeyahay kamid ah: Horumarinta Ganacsiga, wershedaha , iyo xarfad u abuurista dhalinyarada Puntland si kor loogu qaado Amniga, iyo Dhaqaalaha islamarkaana hoos loogu dhigo Fakhriga, iyo Shaqaaqooyinka.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

114.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-1.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-2.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-3.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-4.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-5.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-6.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-7.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-8.jpg

Bandhig-Faneed-Horseed-Media-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This is not a business fair so don't get it confused that was last year. This is a Technical tradefair where Puntland technicians display their skills and projects and also light industry manufacturers so no hawalad, traders and so forth.

 

This will be a two day EXPO so more pics to come guys and remember we need to kick-start the manufacturing era in Puntland come hell or high water just like the city is reknowned for its business capabilities we need to also be reknowned for our manufacturing capabilities

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Badhig-12.jpg

Badhig-4.jpg

Badhig-2.jpg

 

A successful conference ends in garowe with the dawn of the technical skills and light industries expo. Its great way to end this successful year

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this