Cambuulo iyo bun Posted December 21, 2011 Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay. Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa. Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed. waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed. Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 21, 2011 After 21 years welcome home Ahmed Naaji he is talented singer Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted December 21, 2011 Al-Fanaan Axmed Naaji Oo Xamar Yimid Submitted by SONNA on Wed, 12/21/2011 - 16:02 DaabacoSaaxib u *** Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay fanaanka qaran ee Soomaaliyeed Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya aan soo caga dhigan gayiga Soomaaliya. Mu’alif, Mulaxamiiiste, Al Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa marki diyaaradi siday ay kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa halkaa kusoo dhaweeyay Shacab jadbeesan una qiireysan imaanshaha fanaanka oo booqashadiisa kadhigan shumac nabadeed oo dib uga soo iftiimay Magaalada rabshadaha ragaadiyeen ee Muqdisho. Fanaanka ayaa lagu wadaa inuu astaan unoqdo dib unooleenta fanka Soomaaliyeed iyadoo lafilayo in kulamo kusaabsan wacyigalinta bulshada uu laqaato guud ahaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed. Axmed Naaji Saacad oo kamid ah tiirarka fanka Soomaaliyeed ee xiligaani nool ayaa tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya uusan marnaba ka caajisin wacyi galinta bulshada isagoo koox loogu magac daray nabada ka aas aasay Dalka Yeman halkaasi oo fanaanka xarun u aheyd. Axmed Naaji Sacad oo heeso badan oo kiciya quluubta shacabka sameeyay, sida, “Eebow Unukoo Nabadaa”, Allow Baal Naga Gey Wixi Balaayo Buufihaayo”, iyo heeso kale oo xiiso badan . Ustaad Axmed Naaji ayaa safarki muqdisho maanta kusoo gaaray ayaa kadhigan mdi taariikhi ah oo shacabka Muqdishana u ah yadadiilo nabadeed, Soomaalida qurbaha gaar ahaan fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed unoqon doonto Xusuus kuyasho mudan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted December 21, 2011 great man,hope he stays. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted December 21, 2011 I am a fan of this amazing man... heso aad u wacan oo wadaniya ayuu si wanaagsan uu qaada..mashaallah! Hope he has a safe trip! salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 22, 2011 Reer Naajo were our neighbors in Xamar Go reer Bilaajo Carab-a great singer and great Somali. Quote Share this post Link to post Share on other sites
GoldCoast Posted December 22, 2011 Che -Guevara;766744 wrote: Reer Naajo were our neighbors in Xamar Go reer Bilaajo Carab-a great singer and great Somali. Really? I think you've might been neighbours with my mothers family lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 23, 2011 ^small world...loool possible we might have been neighbors. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 23, 2011 Ma somaalibaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 23, 2011 gooni;767141 wrote: Ma somaalibaa? Muxuu ahaan lahaay awal? p.s. Yemeni waaye awoowgiis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 23, 2011 How come no sawiro from Xamar of his arrival still? Axmed Naaji, along with Faadumo Qaasin (Eebba ha u raxmadee), waa fanaanka u daljecel ee Soomaalida. No question about it. For that, mudnaan weyn ayuu ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkooda jecel. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted December 24, 2011 I love his songs and music. Axmed Naaji Sacad wuu xiiqay sidu nabad uga heesiyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites