Xaaji Xunjuf Posted December 21, 2011 Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo mar kale ku dagaalamay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku dagaalamay gudaha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaddib markii ay halkaas isugu tageen xildhibaannadii xilka ka qaaday afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa weli rumeysan inuu guddoomiyaha baarlamaanka yahay. Gacan ka hadalka ayaa billowday markii ay xildhibaannadii taageersanaa afhayeenka baarlamaanka ay kasoo horjeesteen magacaabista guddiga qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo khasaare geystay. Xildhibaannada ayaa waxay isku garaaceen makarefoonnada xarunta taallay, kuraasta iyo miisaska, waxaana la arkay dhowr xildhibaan oo dhiig uu ka da'ayo oo laga saarayo xarunta golaha shacabka, kaddib markii ay nabro kaga dhaceen madaxa. Iskahorimaadka kaddib ayaa waxaa halkaas kulankoodii ku qabsaday xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan, kuwaasoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka iyo Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen shir guddomiye. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hadlay ayaa sheegay inuu howsha shir guddoominta kala wareegay xildhibaan Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen xildhibaanada shir guddoon markii xilka laga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka iyo ku xigeenkiisii koowaad. "Kulanka waxaa soo xaadiray 290-xildhibaan, waxaana u codeeyay inaan guddi doorasho soo magacaabi karo 287-xubnood saddexda kalena way ka aamuseen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Casoowe oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabayo guddi doorasho. Xildhibaannada baarlamaanka oo markii hore loo diiday inay ku shiraan xarunta golaha shacabka ayaa go'aan ku gaaray inay jiiraan ciidamadii ilaalada ka hayay xaruntaas oo isugu jiray kuwa AMISOM iyo booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana mudanayaashaas horkacayay xildhibaanno ay ka mid yihiin: Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cismaan Xasan Cali (Caato). Gacan ka hadalka ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo dhexmara xildhibaannada taageersan guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa kasoo horjeeda, iyadoo aysan jirin cid dhexgashay gacan ka hadalka dhexmaray xildibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen todobaadkan in dib loo bilaabo kulammada baarlamaanka lana dhowro axiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala, iyagoo shaki geliyay xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 21, 2011 lol. Tell them not to bother the conference will continue. I bet when the conference is over their will be no more fist fights Quote Share this post Link to post Share on other sites
Santaaro-Saaxiib Posted December 21, 2011 War yaa raayay bahasha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted December 21, 2011 someone short-changed the kick backs. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted December 21, 2011 The pro sakiin mps lost today they ran back to their base [ guriga muudeey] walibana guddomiye ku xigeenka labaad Axmed casoowe siding with the madoobe nuunow group, sad day for sakiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted December 22, 2011 Looooool@ Santaaro,you know there no winners in Somalia,atleast not yet.But expect a re-match. Quote Share this post Link to post Share on other sites