Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Development Committee Holds An Urban Planning Meeting For 4 Roads To Be Paved. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo wada qorshe wadooyinka magaalada Laami looga dhigayo [sawiro]

 

Updated:- 52 mins ago| 3 Commnets

 

Guddiga horumarinta degmada Boosaaso iyo mulkiileyaasha goobaha ganacsi ee ku yaala hareeraha wadada isku xirta Airport-ka iyo xarunta dowlada hoose iyo weliba qaar kamid ah dadka guryaha wadadaas ku yaal meheradaha ganacsi ku haysta ayaa maanta kulan yeeshay.

 

Kulankaas ayaa ahaa mid looga arinsanayey sida ugu haboon ee Laami loo saari karo 4-kamid ah wadooyinka waaweyn ee degmada Boosaaso oo ay maamulka degmadu dayactir ku wadaan islamarkaana loo diyaarinayo in mustaqbalka Laami la saaro hadase aanay taasi qorshaha ku jirin.

 

Ugu horeyn waxaa kulankaas furay gudoomiyaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso Gen. Cali Ismaaciil wuxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga faa’iideysto fursada qaaliga ah ee ay magaaladu heshay maadaama ay jiraan Mashaariic dhowr ah lagu hagaajinayo 4-kamid ah wadooyinka waaweyn.

 

Generalku wuxuu intaas raaciyey in ay jireen marar badan oo haray sidan oo kale qaar kamida wadooyinka magaalada Jay loo saaray haseyeeshee taasi aanay waxba tarin islamarkaana ay wadooyinkaasi noqdeen kuwo sidii ay horay u ahaayeen ka sii daray markii ay roobabku ku da’deen dhaqaale fara badanina uu ku khasaaroobey.

 

Gudoomiyaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in Boosaaso ay tahay magaalo weyn oo ganacsi sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in bilicdeeda kor loo qaado isagoo dhinaca kale xusay in hadii jidadka waaweyn ee magaalada Laami la saaro ay taasi qayb weyn ka qaadanayso fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka, bilicda iyo fayo dhowrk

 

Sheekh Yuusuf Cabdicasiis oo kamid ah maamulka Jaamacada Bariga Africa kuna jira guddiga horumarinta degmada ayaa isna kulankaas ka hadlay wuxuuna tilmaamay in cida ugu horeysa ee faa’iido ka heleysa hadii wadadaas Laami la saaro ay tahay dadka iska leh guryaha iyo goobaha ganacsi ee kale ee hareeraheeda ku yaala sidaas darteedna looga baahan yahay inay iyagu si xoogan uga qayb qaataan.

 

Sheek Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo isna Culimadii kulankaas ka hadlay qayb ka ahaa guddigana xubin ka ah ayaa isna baaq u diray Jaaliyada Puntland ee dalka dibadiisa ku dhaqan isagoo ku booriyey in ay ka qayb qaataan wax walba oo dalka horumar u horseedi kara iyagoo aan meesha ka saareyn maankana ku haya in weli ay taagan tahay dhibaatadii ka dhalatay dabkii Suuqa oo iyaduna gaarkeeda ugu baahan iyo loo xaliyo.

 

Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ku hadlayey afka waxgaradka bulshada gudigana qayb ka ah ayaa gaba gabadii shirkaas hadal kooban kasoo jeediyey wuxuuna xusay in bulshada looga baahan inay si wada jir ah uga qayb qaataan talaabo walba oo dalka iyo dadka horumar u horseedi karta sidoo kale nabadoonku qorbe joogta Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari kasoo jeda ayuu ugu baaqay inay dadaalada la wado kaalintooda ka ciyaaraan gacan dhaqaale iyo talona ku biiriyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee qorshaha ay guddiga horumarinta degmada Boosaaso wadaan ayaa ah mid la doonayo in Laami lagaga dhigo wadada isku xirta Airport-ka iyo xarunta dowlada hoose taas oo ay maamulka degmadu (jay) saarayaan waxaana guddigu dhaqaalaha dhismaha wadadaas ku baxaya aya kusoo qiimeeyeen $120,00 taas oo laga uruurin doono dadka degen dhismeyaasha wadada ku hareer yaal iyo kuwa goobaha ganacsi ku leh.

 

Maxamed Salaad

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-021

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-025

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-042

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-043

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-032

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-044

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-045

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-047

Guddiga-horumarinta-degmada-Boosaaso-049

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Magalada ugu dhaqaalaha badan puntland ayaa samayn kari wayday laamiyo. War inkaar ba inaga haysta laamiyo sida loogu inkiray hargeisa biyo la'an iyo hamar qori.

 

Boorama oo tuulo yar ah aan ganacsi oo waxba lahayn ba sanadkan gudaheeda labo laami marayso. Mid waba complete, ki labad hawshisa bay wadan. Marka whats our excuse? Bosaso local government needs to first show us that you do 1 road and when we see you do one road the community will see that you guys are serious and will assist on their part. But to ask for assistance from the community when most of us know the district council will just put the money in their pocket then noone is mad enough to assist you. First do something talaabo qaad, markad dhamaysan hal laami wixi harsan community ayaa qeyb weyn ka qaadan doono.

 

The business capital is struggling with road developments ceeb badana waxan oo kale waxan ka sugaynay maybe magaloyinka yar lakin xarunta ganacsiga kama sugaynin, waana sharaf-dhac for bosaso iyo guud ahan puntland i!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this