Xaaji Xunjuf Posted December 20, 2011 Wefti Wasiirro ah oo ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo u kicitimay Dalka Masar December 20th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar oo uu weheliyay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalka Masar, kaasi oo ah socdaalkii ugu horeeyay ee masuuliyiin ka socda Somaliland ay ku tagaan labaatankii sanadood ee ay Somaliland xornimadeedda kala soo noqotay dalka Soomaaliya. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo u dhignaa sidan;- “Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya. Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada ay wasiirradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal. Socdaalkan Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xilka la wareegtay. Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 20, 2011 Dawladaha Somaliland Iyo Masar Oo Uu U Furmay Bog Cusub Oo Siyaasadeed & Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Oo Maanta U Kicitimay Qaahira. Hargeysa (Ramaas) Dec 20,2011 – Wasiirada Wasaaradda arimaha dibada iyo Madaxtooyadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta u kicitimay safar shaqo oo ay ku tagayaan dalalka Kenya iyo Masar. Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaaladda Hargeysa kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dalka Masar ku tagayaan casuumad rasmi ah oo Somaliland ka heshay dawlada dalkaasi isla-markaana ay sii mari doonaan dalka Kenya oo aanu sheegin ujeedada ay u sii marayaan. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu tilmaamay inay Magaaladda Qaahira ee Caasimada dalka Masar ay kula kulmo doonaan Masuuliyiinta dawladaas oo uu ka xusay Wasaaradda arimaha dibada oo uu sheegay inay kala hadli doonaan danaha iyo masaaliixda siyaasadeed ee xukuumadda iyo shacabka Somaliland “ Aniga (Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar) iyo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaanu safar ku tagaynaa dalalka Kenya iyo Masar, safarkana waxa uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo xukuumadda Somaliland ka heshay dawlada dalka Masar oo xidhiidh cusub dhex maray Somaliland.” Ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Somaliland waxaanu intaa ku daray “Waxaanu rajaynaynaa inaanu inta aanu joogno dalka Masar wada hadalo la yeelano madaxda dawlada Masar, khaasatan wasaaradda arimaha dibada, waxaanuna kala hadli doonaa danaha iyo masaaliixda xagga siyaasadeed ee xukuumadda iyo shacabka Somaliland iyo wixii kale ee iskaashi ah ee is-raaci kara.” Quote Share this post Link to post Share on other sites