General Duke Posted December 21, 2011 It's a good start. Now let's have a fruitful results. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Atirisho Posted December 21, 2011 This is a positive step in the right direction. I hope something positive come out of it. Good job Puntland for hosting this conference and thanks Somali politicians for coming together for the greater good of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 21, 2011 It's a great day for Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted December 21, 2011 Go Somalis go! Awoowe gogol uun bay aakhirka tagaysaa. Somali halkeebay ku kala tagtaa. Dadku waa xidid iyo xigaalo -- wax sadexeeya bal addigu garo. Sidaad doonti u sarif. Aakhirka halkaa uun bay ku biyo shubanaysaa.. Hambalyo. It appears as if the process is owned by Somalis. That's not the case. Who wrote this constitution? Do you know or can you name one Somali member of the technical committee not employed by outside interest groups (loyalty to country is paramount in this case? Bear with me I am going out on a limb and question the substance of the gathering. Is this document up for a debate by the so-called parliamentarians? Are they going to put it for a 2/3rd majority ratification vote by the public (when the country is pacified)? Do the Islamist have a role in this? How on blue earth can a society wanting to end a civil strife and to bring the conflict to a close ignore a major stake holder in the very conflict it strives to end? I am assuming some of you can differentiate between AS-like fringe groups and silent majority who want to ensure Islam has a major role in post conflict Somalia. Where are the active nomads who used to dig stuff for the forummers? Please post the draft constitution! By now I thought the active nomads have had a go at this and have already put on their magnifying glasses and examined this document. That said, this is a good development. All the money spent on foreign hotels by aid money will now be spent on local business. P.S.: Kambala Accord is killing me folks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 21, 2011 Wejiga 2-aad ee Shirka Wadatashiga heerka Qaran oo Garoowe ka furmay Waxaa maanta abaare 4:00 galabnimo ka furmay magaala-madaxda Puntland ee Garoowe wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga ee looga arinsanayo Dastuurka qaran ee Soomaaliya, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada KMG ah ee Soomaaliya, Puntland, Galmudug, iyo qaar kamid ah maamulada kale ee dalka ka jira. Sidoo kale waxaa shirkaas kasoo qayb galay wufuud ka socota Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah, waxaana shirka furay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo dhamaan kasoo qayb galayaasha u dardaarmay cabsida ilaahay Soomaalida kalena ilaah uga baryey inuu qalbiyadooda isu soo dumo si dalku nabad iyo barwaaqu ugu caano maalo. Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isagu khudbad dhinacyo badan taabaneysey halkaas ka jeediyey ugu horeyna u mahad celiyey Wufuuda tirada badan ee shirkaas kasoo qayb galay islamarkaana sheegay in qabashada shirkani uu shacabka Puntlnad iyo maamulkoodaba sharaf weyn u yahay. Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah qiime weynna ugu fadhida Puntland iyo Soomaaliya, isagoo intaas raaciyey in shirkani uu yahay talaabo weyn oo horey loo qaaday si Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo. Madaxweynaha Puntland waxa kale oo uu soo hadal qaaday in qabsoomida shirkani ay tahay mid dowlada iyo shacabka Puntland ay wakhti, maskax, iyo dhaqaale tira badan geliyeen iyaga oo ujeedadoodu tahay inay marti geliyeen shirweyne guud oo ay isugu yimadaan dhamaan dhinacyada Soomaalidu. Mr Faroole oo khudbadiisa arimo badan kusoo hadal qaaday ayaa mahad balaaran usoo jeediyey intii isku howshay qabanqaabada shirkan iyo weliba sidii uu si habsami leh ugu qabsoomi lahaa gaar ahaan ciidamada ammaanka ee Puntland oo iyaga uu madaxweynuhu sheegay inay qoraxda u taagan yihiin mar walba heegan u yihiin sidii ay ammaanka shirka u sugi lahaayeen. Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo isaga horey loo qorsheeyey inuu shirka khudbad ka jeediyo balse ka cudur daartay inuusan wax badan oran karin maadaama ay jirto fariin deg deg ah oo kasoo gaartay Ban Ki Moon taas oo ah inuu isaga u metelo shir looga hadlayo sidii howlgalka ciidamada AMISOM loo baahin lahaa oo ka dhacaya magaalada Adis-Ababa ayaa bilowgii shirka ka baxay isagoo sheegay in uu habeen danbe soo laaban doono. Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo isna xafladii furitaanka ee shirka wada tashiga wejigiisa 2-aad ee maanta Garoowe ka furmay khudbad kooban oo aad u qiima badnayd ka jeediyey ayaa tilmaamay in hadii aan wadajir loo wada shaqeyn isku duubnina la muujin aan waxba la qaban karin beesha caalamkana hadii taas la waayo aan taageero laga heleyn. Ra’iisul wasaaruhu waxa kale oo uu soo hadal qaaday dib habeynta Dastuurka qaranka iyo dib u eegista golaha Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay yihiin labo arimood oo hadii shuruudaha laga rabo ay buuxiyaan udub dhexaad u ah horumarka bulsho walba Soomaaliyana ay guul iyo baraare gaari doonto hadii ay hesho Dastuur ka turjumaya baahida shacabka iyo Baarlamaan ay dadku soo doorteen una qalma kana soo bixi kara howsha loo idmaday. Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadam oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Puntland iyo Maamulkeeda gogosha nabadeed ee ay umada Soomaaliyeed u fideyeen isagoo sheegay inuu rajaynayo in shirkani uu noqdo mid horseeda in dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira xal loo helo. Wuxuuna aad carabka ugu adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in Dastuurka qaab cadaalad ku saleysan loo dhigo maadamaa dhibaatoyinka mudada 20-ka sano ka badan Soomaaliya ka jiraa ay asalkoodii hore ka unkameen cadaalad dari ay sameeyeen maamuladii horay dalka usoo maray iyo Dastuur cid walba xuquuqdeeda siinaya oo aan jirin. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas kadib hadalka qaatay wuxuuna madaxweynuhu si diiran usoo dhoweeyey ugana hanbalyeeyey gogosha iyo soo dhoweynta ay Puntland Soomaaliya inteeda kale u fidisay isagoo sheegay inay tahay mid ujeeda looga gol leeyahay in ay tahay in Soomaalidu ay aayahooda kaga tashtaan. Mudane Shariif ayaa ka dhawaajiyey in dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa ay tahay mid salka ku haysa maadaama aanay horay dadka Soomaaliyeed nasiib ugu yeelay inay arkaan doorasho xor ah oo qof walba uu fursad u helayo inuu codkiisa si hufan u dhiibto. Wuxuuna ugu danbeyntii tilmamaay in geedi socodka Road Map-ku uu hadii sida loogu tala galay ee loo qorsheeyey uu u fulo uu noqonayo wada keliya ee Soomaalidu ay u mari karaan horumr iyo baraare ay gaaraan. Khudbada madaxweyne Shariif kadib waxay wufuudii shirkaas joogey u baxeen fasax yar si ay salaada Makhribka usoo tukadaan dib ayeyn isug soo laaban doonaan inkasta oo Saxaafada badankeedu ay fasaxaas kadib madasha shirka isaga soo hayaameen. Howlwadeenada warbaahitna Horseed Media waxay bulshada ku taxan u balan qaadayaan in ayaamaha uu wejiga 2-aad ee shiraka wada tashigu Garoowe ka socdo ay si dhamaystiran uga haqab tiri doonaan. Sawirada iyo codadka shirka oo dhamaystiran naga fisha saacdaha soo fool leh hadii eebe ogolaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 21, 2011 Prime Minister, Galmudug leader, and ministers including Minister of Defense arrive Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 22, 2011 Nice pics. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 22, 2011 what a waste of time! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 22, 2011 ^Do you better things in mind? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 22, 2011 ^I am more concerned what the pirate chief may request next? Somalia does not this endless sh1t conference where $100 of millions are spent, with no outcome, they will never address and touch the grass roots of the problem. Somali conference by the Somali people for the Somali people funded by the Somali people that is what i have in mind. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abokor Omar Posted December 22, 2011 The pirates either want more money or more power, in short it's driven by nothing but vulgar greed. Nothing to applaud here.. Quote Share this post Link to post Share on other sites