Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Siilaanyo returns back to his Capital+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Soo Laabtay Hargeysa Ka Dib Markii Uu Safar Qaatay Hal Maalin Uu Ku Tagay Magaalooyinka Burco Iyo Berbera

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu soo dhamaystay safarkiisii shaqo ee Magaaladda Burco, waxa uu Habeenimaddii xalay u soo hoyday Magaaladda Berbera... Daawo Sawiradda

 

Hargeysa (GNS)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku soo guryo noqday Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii uu safar qaatay hal maalin uu ku tagay magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Madaxweyne siilaanyo ayaa safarkiisani waxa uu ahaa mid uu kaga qayb galayay ciyaarta kama danbeytsa ahayd ee shalay lagu soo khatimay Garoonka Kubadda Cagta ee Almsey Stadium ee Magaaladda Burco.

 

Madaxweyaha Somaliland ayaa Garoonka khudbadd uu ka jeediyay ka sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadd saarayso kor u qaadiida ciyaaraha kalla duwan iyo wax ka qabashadda arimaha Dhalinyaradda.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu la kulomay Madax dhaqmeedyadda iyo laamaha Dawladda ee heer gobol iyo mid Degmo ee Gobolkaasi, waxana ay ka wadda hadleen arimaha horumarineed ee Gobolkaasi.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu soo dhamaystay safarkiisii shaqo ee Magaaladda Burco, waxa uu Habeenimaddii xalay u soo hoyday Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo uu kulan kula soo qaatay waayeelka, waxgaradka iyo Madaxda dawladda ee heer gobol iyo mid Degmo ee Gobolkaasi, waxana uu isla saakaba ka soo anbabaxay Magaaladda Berbera isaga oo usoo jeestay dhanka Magaaladda Hargeysa.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay Duleedka Magaaladda Hargeysa, waxa la xidhay dhamaan wadooyinka dhex mara Badhtamaha ilaa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland iyadda oo la joojiyay isku socodka Gawaadhidda kala duwan, waxana gudaha magaaladda la dhoobay ciidamo kala duwan, waxana xoog loo adkeeyay amaanka magaaladda.

 

Inkastoo madaxweyne Siilaanyo uu ka dhiidhiyi jirey ama uu canbaareyn jirey wakhtigii uu ololaha doorashadda ku jirey in si adag loo ilaaliyo Madaxweynihii Wakhtigaas ee Daahir Rayaalle Kaahin, balse haddan waxa aad mooddaa in Madaxweye Siilaanyo uu doorbiday siddan isla markaana uu mooday mid macno wanaagsan u soo hoyn karaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this