Dr_Osman Posted December 19, 2011 Maamulka degmada Boosaaso oo xariga ka jaray Mashruuc ay Hay’adda CEFA ka fulisey deegaanka Riyi-heshay [sawiro] Updated:- 30 mins ago| 0 Commnets Waxaa maanta xariga laga jaray Mashruuc ay in mudo ah soo wadey Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA kaas oo Kanaalo biyuhu maraan loogu sameynayey qaar kamid ah deegaamada Beeraha leh ee gobolka Bari. Mashruucaas oo ahaa mid ay fulinaysay Hay’adda CEFA oo taageero dhaqaale ka heleysa midowga Yurub ayaa waxaa laga hirgeliyey deegaanka (Riyi-heshay) oo qiyaastii 10-km dhinaca koonfureed magaalada Boosaaso kaga beegan. Munaasabadii maanta Mashruucaas xariga looga jarayey oo ka dhacday isla deegaanka (Riyi-heshay) oo ku yaala togga Baalade ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo madax kale oo ka socotey Wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland iyo Hay’dda CEFA. Mas’uuliyiintii maanta halkaas joogeyna waxaa kamid ahaa ku-xigeenka duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada. Sidoo kale waxaa iyana goobta Mashruucaas lagu soo xirayey goob joog ahaa Mas’uuliyiin ka socdey Hay’adda CEFA oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska xiriirka iyo maaliyada Bashiir Siciid Ismaaciil, Madaxa tababarada Cabdiqaadir Barre Daalib iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ah khabiir ku takhasusay beerashada timirta kana tirsan Hay’adda CEFA. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay ku-xigeenka duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed wuxuuna u mahad celiyey Hay’adda CEFA isagoo sheegay in Mashruucani uu yahay mid aad u qiima badan bulshada deegaanka (Riyi-heshayna) wax ku ool u ah. Siciid Maxamed wuxuu intaas raaciyey in loo baahan yahay in Beeraleydu ay isku duubni muujiyaan si ay wax qabad muuqda ula yimaadaan dowladuna ay diyaar u tahay in wixii awoodeeda ah ay ku taageerto si loo kordhiyo wax soo saarka dalka. Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland Cabdirashiid Maxamed Siciid oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay Beeraleyda deegaanka (Riyi-heshay) inay ka faa’iideystaan biyaha uu eebe deegaankooda ku mineystay. Agaasimuhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata xusay in loo baahan yahay in Beeralaydu ay kordhiyaan tacabkooda wasaaraduna ay ku dadaaleyso sidii ay uga taageeri lahayd dhinacyada ay u baahan yihiin in wax lagala qabto. Intaas kadib waxaa Hay’ada CEFA mas’uuliyada kanaalkaas cusub ku wareejisey Guddiga Beeraleyda ee (Riyi-heshay) oo uu metelayey Xareed Maxamuud Aadan wuxuuna sheegay in ay xil iska saarayaan sidii ay u dhowri lahaayeen una dayac tiran lahaayeen hadiiba ay waxyeelo ku timaado. Xareed Maxamuud ayaa docda kale codsaday in qayb kamid ah Kanaalka isha biyaha ee (Riyi-heshay) kasoo baxa oo aan dhisneyn loo dhiso iyo weliba in loo sameeyo Berked weyn oo ay biyaha qul qulaya ku kaydsadaan. Hirgelintan kanaalkan oo dhererkiisu yahay 1.2km haseyeeshee 600m oo ka mid ah ay Hay’ada CEFA dhistay ayaa qayb ka ah Mashruuc lagu horumariyo Beeraha gobolka Bari korna loogu qaadayo tabcashada beeraha iyo tayada wax soo saarka dalka kaas oo ay in mudo ah soo wadey Hay’adda CEFA soona bilowday July/2010 kuna eg June/2013. Maalin nimadii jimcaha ee lasoo dhaafay ayeyna hayd markii sidan oo kale ay Hay’adda CEFA labo kanaal oo dhererkoodu kala ahaa 230m iyo 520m ay ugu wareejisey Beeraleyda degmada isku shuban Mashruucaas oo ay isgana maalgelisey Hay’ada cunada aduunka ee FAO. Maxamed Salaad Xaajir Dirir Horseed Media Boosaaso radiohorseed@horseedmedia.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 19, 2011 Good to see the original bari folks are still around.The old man in the middle His definitely bari laga raystay folks Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 19, 2011 Good to see and I know this project included irrigation systems for karkaar and nugaal region!!! looking forward to their opening. Ku dayo puntland ku dayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 19, 2011 Agriculture sector seems like its picking up in puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 19, 2011 We need more of these infrastructures also road drainage systems especially in Bosaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 19, 2011 Its funny how people are ignoring this, is it jealousy? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 19, 2011 Dr_Osman;766081 wrote: Its funny how people are ignoring this, is it jealousy? Alla hakuu badiyo sxb. Isdaji! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 19, 2011 loooooooooool Quote Share this post Link to post Share on other sites
uchi Posted December 20, 2011 Lol Doctor, the puntlanders here don't like to brag, like our brothers next door. That's why we don't flood any thread with Puntland in the title. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ace of Spadez Posted December 20, 2011 Masha Allah. Water is a precious commodity. Many people will be able to benefit. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted December 20, 2011 Impressive irrigation system. Maanshallah, well done. Hope all tuulo's in the Somali penisula copy that, even those that are jelous. Quote Share this post Link to post Share on other sites