Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan Military air-force to carry out airstrikes in many town in Somalia

Recommended Posts

Kenya oo mar kale ku celisay inay weerar ku tahay Afgooye

 

Nairobi: (Sh. M. Network)- Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay inay weerar ku tahay Magaalada Afgooye ee gobolka Sh.hoose, iyagoo shacabka mar kale ugu baaqay in goobahaasi ay ka fogaadaan.

 

Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Ciidamda Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna dowladda Kenya ayaa waxa ay weerari doontaa Magaalooyin muhiim u ah Al Shabaab.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay weerari doonto Magaalooyinka Dakadaha leh iyo Magaalada Afgooye oo uu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Xarakada Al Shabab ee ka dagaalanta dalka Somaliya.

 

Mr.Oguna ayaa sidoo kale dadka rayidka ah ugu baaqay in ka fogaadaan goobaha ay Al Shabaab ka howlgalaan halkaas oo uu sheegay in ay waxyeelo ka soo gaari karto.

 

Tan iyo markii Kenya ay weerar ku qaaday Al-Shabaab laba bilood ka hor, dayaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa waxa ay garaaceen goobo la sheegay in Saldhigyo waa wayn ay u ahayaaan Al-Shabaab.

 

Ciidamada Kenya ayaa Koofurta Soomaaliya waxa ay ka wadaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ay tilmaameen inay qal qal ku yihiim ammaanka dalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya oo sheegtay inay hawada ka duqeynayso Saddex degmo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab

 

Sabti, December 17, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya oo ciidamadeedu ay ku sugan yihiin koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah inay hawada ka duqeynayso degmooyinka Afgooye, Marka iyo Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

 

Madaxa howlgalka ee ciidamada dalka Kenya, Col. Cyrus Oguna oo saxaafadda la hadlayay maanta ayaa sheegay inay duqeyn dhinaca hawada ah la beegsan doonaan degmooyinkaas iyo kuwa kale ee ay kat aliso Al-shabaab ay awoodda badan ku leedahay Al-shabaab.

 

"Waxaanu doonaynaa inaan duqeyn dhinaca hawada ah la beegsanno magaalooyinka Marko, Baraawe iyo Afgooye oo Al-shabaab ay saddexdaba ka taliso," ayuu Col. Oguna ugu sheegay wariyeyaasha magaalada Nairobi.

 

"Waxaan fariin u diraynaa dadka ku nool degmooyinkaas si ay uga fogaadaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin halkaas, waayo go'aankan duqeynta ah aa mid anga go'an," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkan u hadlay milateriga Kenya.

 

Tan iyo markii dowladda Kenya ay weerar kusoo qaaday Koonfurta Soomaaliya oo ay ka taliso Al-shabaab laba bilood ka hor, diyaaadaha dagaalka Kenya waxay ka geysteen duqeymo kala duwan dhowr degmo oo ay ka taliso Al-shabaab kuwaasoo ku yaalla gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna duqeyntaas geystay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

 

"Duqeymuhu way soconayaa illaa inta laga eryayo Al-shabaab," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in Kenya aysan dib uga laabanayn Soomaaliya inta ay ka xaqiijinayso hadafkii ay markii hore u soo galeen oo ahaa inay Al-shabaab burburiyaan.

 

Ciidamada Kenya ayaa waxay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan yihiin saddex goob, kuwaasoo ay tageen bishii Oktoobar ee sannadkan oo ahayd markii ay gudaha u galeen Soomaaliya.

 

Xukuumadda iyo baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyeen bishan inay ka mid noqdaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda iyo Burundi oo hoostaga Midowga Afrika.

 

Toodbaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Kenya ka dhacay qaraxyo ay mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab kuwaasoo lagu dilay dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowladda Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this