Dr_Osman Posted December 17, 2011 Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland oo Shir Caalami ah Uga qayb galaya Maraykanka [sawiro] Updated:- 4 hours ago| 0 Commnets Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid iyo Wafdi ka socda qaybo ka mid ah ganacsato Soomaaliyeed ayaa Magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka waxay uga qayb galeen Shir caalami ah oo ka dhacay halkaas,Shirkaas ayaa waxuu ku saabsanaa quwada korontada iyo Saamaynta aay ku leedahay dhaqaalaha aduunka iyo mustaqbalka quwada koronto ee qaaradaha iyo dalalka kala duwan ee aduunka. Shirkaan oo lagu magacaabo Power-Gen International Convention waxuu bilowday 11/12/2011 ilaa 15/12/2011 waxaana soo qabanqaabiya sanad walba Pennwell Corporation iyo U.S Department of Commercial Services. Shirkaan oo ah kulan Caalami ah ayaa waxaa kasoo qayb galay wafuud ka kala socotay 92 dal iyo 12,00 oo shirkadood,waxaa dhinac socday carwo caalami ah oo lagu soo bandhigay dhamaan noocyada korontooyinka, qalabka,farsamooyinka iyo Tiknolojiyadaha xiriirka laleh. Waxaa Wafdiga Puntland ka tagay ka koobnaa Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga & Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid ahna Madaxa Suuq-geynta iyo Xiriirka Dibada ee Shirkada Golis Telecom, Eng.C/Qaadir Casayr Siciid oo ka socday Shirkada Puntland Energy. Waxaa isaguna Shirka kasoo qayb galay isagoo kayimid Dijibouti Ustaad Ridwaan Maxamed Xersi oo ah Xoghayaha Guud ee Somalia Business Investment Council ee fadhigiisu yahay Dijibouti. Waxaa shirka laga jeediyay khudbado iyo kelmado lagu falanqeeynay heerarka aay marayso korontada aduunka,Waxaa diirada la saarayay xoojinta saamaynta hagaagsan ee korontadu ku leedahay horumarka dhaqaalaha dalalka. Qaarada Africa ayaa la sheegay in si gaar ah baahideeda koronto ahmiyad loo siiyo maadaama Africa aay ku jirto waji koboc iyo horumarineed oo soo koraya kaasoo hadaan loo helin koronto baaxad leh, islamarkaana la isku halayn karo aay adag tahay inay hore u hinqato. Wafigaan oo ah kii ugu horeeyay ee kasoo qayb gala shirkaan(Convention) oo sanad walba la qabto ayaa waxay wafdigu kulamo kala duwan la yeesheen wafuudii Shirka kasoo qayb galay ee kasocotay dalalka ,Shirkadaha kala duwan iyo dalladaha ganacsi ee goobta yimid. Waxay sidoo kale kulan gaar ah laqaateen Corporation-ka qabanqaabiyey Shirka oo masuuliyiinteedu aay aad u soo dhaweeyeen in ay arkaan wafdi kasocda Somalia oo markii ugu horeeysay kasoo qayb galay madashaan caalamiga ah oo lagaga hadlayo baahida korontada caalamka iyo isbedelada ku socda laguna saadaalinayo mustaqbalka iyo horumarka farsamo ee la filanayo 10-ka sano ee socda. Kulankaan ayaa waxaa loo aqoonsan yahay inuu kamid yahay 50-ka Shir ee ugu waaweyn ee ka dhaca dalka Maraykanka sanadkiiba. Wafdiga ayaa waxay u gudbi doonaan Gobolka Minnosota iyagoo kulamo la yeelan doona Jaaliyada Puntland ee Halkaasi ku nool. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 17, 2011 It remind of the shanghai expo they attended in 2010 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 17, 2011 Tarikhda ayaa husi doonto rugta ganacsiga Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted December 17, 2011 Puntland Consulate in Malaysia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Beer-Gaal Posted December 18, 2011 proud to say two of these guys one representing PCC and other representing Puntland energy co. were my school and University mates. what does that make me Dr.? genius!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted December 18, 2011 Beer-Gaal;765773 wrote: proud to say two of these guys one representing PCC and other representing Puntland energy co. were my school and University mates. what does that make me Dr.? genius!! An old man Quote Share this post Link to post Share on other sites