Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Chamber Of Commerce Attends All-American Power-Gen Convention. Pics

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland oo Shir Caalami ah Uga qayb galaya Maraykanka [sawiro]

 

Updated:- 4 hours ago| 0 Commnets

 

Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid iyo Wafdi ka socda qaybo ka mid ah ganacsato Soomaaliyeed ayaa Magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka waxay uga qayb galeen Shir caalami ah oo ka dhacay halkaas,Shirkaas ayaa waxuu ku saabsanaa quwada korontada iyo Saamaynta aay ku leedahay dhaqaalaha aduunka iyo mustaqbalka quwada koronto ee qaaradaha iyo dalalka kala duwan ee aduunka.

 

Shirkaan oo lagu magacaabo Power-Gen International Convention waxuu bilowday 11/12/2011 ilaa 15/12/2011 waxaana soo qabanqaabiya sanad walba Pennwell Corporation iyo U.S Department of Commercial Services.

 

Shirkaan oo ah kulan Caalami ah ayaa waxaa kasoo qayb galay wafuud ka kala socotay 92 dal iyo 12,00 oo shirkadood,waxaa dhinac socday carwo caalami ah oo lagu soo bandhigay dhamaan noocyada korontooyinka, qalabka,farsamooyinka iyo Tiknolojiyadaha xiriirka laleh.

 

Waxaa Wafdiga Puntland ka tagay ka koobnaa Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga & Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid ahna Madaxa Suuq-geynta iyo Xiriirka Dibada ee Shirkada Golis Telecom, Eng.C/Qaadir Casayr Siciid oo ka socday Shirkada Puntland Energy.

 

Waxaa isaguna Shirka kasoo qayb galay isagoo kayimid Dijibouti Ustaad Ridwaan Maxamed Xersi oo ah Xoghayaha Guud ee Somalia Business Investment Council ee fadhigiisu yahay Dijibouti.

 

Waxaa shirka laga jeediyay khudbado iyo kelmado lagu falanqeeynay heerarka aay marayso korontada aduunka,Waxaa diirada la saarayay xoojinta saamaynta hagaagsan ee korontadu ku leedahay horumarka dhaqaalaha dalalka.

 

Qaarada Africa ayaa la sheegay in si gaar ah baahideeda koronto ahmiyad loo siiyo maadaama Africa aay ku jirto waji koboc iyo horumarineed oo soo koraya kaasoo hadaan loo helin koronto baaxad leh, islamarkaana la isku halayn karo aay adag tahay inay hore u hinqato.

 

Wafigaan oo ah kii ugu horeeyay ee kasoo qayb gala shirkaan(Convention) oo sanad walba la qabto ayaa waxay wafdigu kulamo kala duwan la yeesheen wafuudii Shirka kasoo qayb galay ee kasocotay dalalka ,Shirkadaha kala duwan iyo dalladaha ganacsi ee goobta yimid.

 

Waxay sidoo kale kulan gaar ah laqaateen Corporation-ka qabanqaabiyey Shirka oo masuuliyiinteedu aay aad u soo dhaweeyeen in ay arkaan wafdi kasocda Somalia oo markii ugu horeeysay kasoo qayb galay madashaan caalamiga ah oo lagaga hadlayo baahida korontada caalamka iyo isbedelada ku socda laguna saadaalinayo mustaqbalka iyo horumarka farsamo ee la filanayo 10-ka sano ee socda.

 

Kulankaan ayaa waxaa loo aqoonsan yahay inuu kamid yahay 50-ka Shir ee ugu waaweyn ee ka dhaca dalka Maraykanka sanadkiiba.

 

Wafdiga ayaa waxay u gudbi doonaan Gobolka Minnosota iyagoo kulamo la yeelan doona Jaaliyada Puntland ee Halkaasi ku nool.

 

Horseed Media

SAM_0076.jpg

SAM_0090.jpg

SAM_0111.jpg

SAM_0119.jpg

SAM_0121.jpg

gathering.jpg

power-gen-161.jpg

SAM_0032.jpg

SAM_0037.jpg

SAM_00401.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

proud to say two of these guys one representing PCC and other representing Puntland energy co. were my school and University mates. what does that make me Dr.? genius!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Beer-Gaal;765773 wrote:
proud to say two of these guys one representing PCC and other representing Puntland energy co. were my school and University mates. what does that make me Dr.? genius!!

An old man :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this