Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland business fair opens in the capital city of hargeysa+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Carwaddii Ugu Weynayd Ee Abidd Laga Furro Dalka.

 

"Carwadani waxay dardar-galin u tahay ganacsiga Soamliland" Madaxweyne ku Xigeenka. Daawo Sawiradda

 

Hageysa (GNS)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Carwadda Ganacsiga Somaliland, taas oo lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

 

Carwadan ayaa ah Carwaddii ugu weynay ee Abid lagu soo bandhigo Jamhuuriyadda Somaliland waxana daahfurka Carwadani ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Xubno wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirada wasaaaradaha, Ganacsiga, Maaliyadda, Kaluumaysiga, qorshaynta, xanaanada xoolaha,Waxbarashadda, Sidoo kale waxa ka soo qayb galay Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ganacsato isugu jirra ganacsatadda dalka iyo kuwo caalamiya, marti sharaf ajaanib ah iyo boqolaal qof kale.

Ugu horeyn daahfurka carwadani waxa ka warbixiyay Gudoomiyaha Qaban qabaabadda Carwadda Ganacsiga Somaliland Mudane Cali Maxamed Yuusuf, waxana uu sheegay in hindisaadda carwadani ay lee yihiin Afar dhalinayro ah “ Carwadan waxa ka soo shaqeeyay afar dhalinyaro ah oo aan ka mid ahay waanan idiinka mahad celinayaa sida aad noogala soo qayb-gasheen.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusf.

Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad balaadhan ay tahay in Somaliland laga furro carwo noocan oo kale ahi “Waxay inoo tahay guul iyo farxad in Carwada sida loo soo agaasimay lagu qabto Hargeysa, aniga oo Maayarkii Magaalada arintani farxad gaar ah ayay ii tahay in carwadii ugu weynayd halkan lagu qabto” ayuu yidhi Maayir Jiciir.

 

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu horimarinayo dalka waxana ka mid ahaa hadaladdiisii “Aad-baan ugu faraxsanahay inaan aniga oo Dahabshiil matalaya aan Carwadan ka soo qayb-galo, anagu haddii aanu nahay shirkada Dahabshiil wax kasta oo wadanka faa’ido u leh waanu soo dhawaynaa waxaanuna jecelahay inaanu maal-galino, wadankuna waa nabadgalyo oo maalgalin iyo dhaqaale ayuu u baahan yahay”.

 

Yuusuf Xuseen Cabdalla, oo ka socday shirkadda SOMCABLE, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxa xusid mudan dadka iyo dhalinyarada Carwada mudada ka shaqaynaysay, tanina waxay I tusaysaa in wada jirku wax lagu abuuri karo,”

 

Guddoomiyaha Daladda SONYO Axmed Cabdi Waceys, oo xafladan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay arintani ka dhalatay fakarka dhalinayaradda “Fikirkani waa mid ku cusub Somaliland oo ka soo maaxday dhalinyarada waxayna muddo ka shaqaynayey sidii Carwadan loo soo bandhigi lahaa, in badan ayaanu cod dheer dadka ugu sheegaynay inay in dhlainyaradu wax qaban karaan, Carwadana arinkaasi ayay markhaati u tahay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Sonyo

 

Agaasimaha TV ga Horn Cable TV Maxamed Cabdi Ilig, oo halkaasi ka hadalay ayaa isna sheegay in ay arintani tahay waxa lagu farxo.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Maxamed Shukri oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bilaabay khudbadiisii “Carwadani waxay gudbinaysaan fariin ah Somaliland waxa ay tahay iyo Somaliland waxay qabsatay, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa in dhalinyaradu sidaa wada noqdaan, anaguna cid kasta oo fikirkan oo kale la timaado waanu soo dhawaynaynaa.”

 

Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo xafladan warbixin kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Dhalinyaradani waxay sameeyeen fikir iyo hal-abuur waxtar leh, dhalinyaradaasi waxay inoo soo bandhigeen Carwo ganacsi oo weyn, waxaana ka soo qayb-galay 100 shirkadood, 70 ka mid ahi waa shirkadu wadani ah, 30-na waa kuwo ajaanib ah,” waxana uu intaasi ku daray “Barnaamijkana maaha mid Carwo oo kaliya, laakiin shirkadu faa’iido badan ayay ka helayaan oo ganacsigoodu meelo badan ayuu gaadhayaa, waayo Warbaahinta ayaa jooga.”

 

Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici waxana uu sheegay in ay Xukuumadda farxad weyn u tahay in dalka laga furo carwo ganacs, “Runtii wfarxad weyn ayay ii tahay in dalka laga furo carwo noocan oo kale ah” ayuu yidhi Mr Saylici.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay Somaliland ka hormarsan tahay marka loo eego dhinnaca ganacsiga iyo dimuqraadiyadda wadamo badan oo ku yaala geeska afrika “Waxa aynu ka ganacsi iyo dimuqraadiyadd dhaanaa dalal badan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay carwadani alaabadda u furayso ganacsatadda Somaliland waxana uu yidhi “Carwadani waxay dardar-galin u tahay ganacsiga Soamliland la leedahay wadamada Jaarka ah, Somaliland-na horumar ayay ku talaabsatay, dhalinyarada soo abaabushayna way mahad-san yihiin”.

 

 

Gabgabaddii waxa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu xadhiga ka jaray Furitaankii Carwadan, waxana uu soo kormeeray dhamaan Goob kasta oo ganacasadduhu ku soo bandhigay Ganacsigiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this