Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Mass demonstrations in Gabiley city +video.

Recommended Posts

Mudaharaad Balaadhan oo Saaka Gilgilay Gabiley iyo Booliska oo Dhaawacyo kala duwan iyo Xadhig isugu daray Dadkii Mudaharaadka Sameeyay.Daawo Vedio

 

Dad wayne Farabadan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haween Gadoodsan ayaa Saaka Mudahaad ku Muujiyay Ka Daawo hoos Vedio-ga

 

Gabiley (GNS)-Mudaharaad balaadhan oo rabshado wata ayaa saaka ka dhacay Agagaarka Saylada Xoolaha ee Magaalada Gabiley kaasi oo lagaga soo Horjeeday Xadhiga Madaxdhaqameeka iyo Salaadiinta Gabiley oo dhawaan Xukuumaddu xabsiga utaxaabtay.

 

Dad wayne Farabadan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haween Gadoodsan ayaa Saaka Mudahaad ku Muujiyay Sida ay uga soo horjeedaan Xadhiga Madaxdhaqameedka iyo sida ay xukuumadu uga Gaabisay Qabashada Danbiilayaashii Gaystay Dilkii foosha xumaa ee ka Dhacay Deegaanka Seemaal.

 

Ciidaanka sida Gaarka ah u tababaran ee Loo yaqaano SPU-da ayaa Rasaas ooda kaga qaaday Mudaharaadayaasha kuwaasi sii kiciyay rabshadihii isla markaana shiid loo isticmaalay ciidanka rasaasta ridayay, mudaharaadkan oo Saacado socday ayaa ciidanku u isticmaalay Rasaas aad u farabadan halkaasi uu ku dhaawacmay Xasan C/laahi Guuleed oo Xabadi kaga dhacday Gacanta midig, iyo oday Cismaan Cabdi kosofo oo isna ay Lugta kaga dhacday, Waxaa kale oo ka mid ahayd iyadanu dadkii halkaasi ku dhaawacmay ruux dumar ah oo ay gacanta kaga dhacday Illaa hadda la oga Khasaaraha Dhabta ee uu gaystay Mudaharaadkaasi balse Ciidanka booliska ayaa Xabsiga u taxaabay Dadwayne tiro badan oo ku dhawaa goobta mudaharaadku ka dhacayay, iyada oo Albaabada loo laabay Meherado badan oo looga shakisanaa inay ku dhuumanayaan Mudaharaadayaashu.

 

Dad waynaha Mudaharaadka samaynayay ayaa sitay Boodhadh ay ku Xardhantahay “Xaq weeyaan Baadhistuye Xuquuqda Muwaadin Dhawr” dhinaca kale Xukuumadda ayaa Mudaharaadkaasi u xidhxidhay Dadwayne kale oo guryohooda laga soo qabqabtay kuwaasi oo isugu jira, dhalinyaro iyo Haween ay ka mid ahaayeen, Mawliid Xasan Barre iyo Xaaskiisa Fardaws Xasan Kaahiye, Mustafe Daahir Kaahin,Yuusuf C/laahi (Yasto), Xaawa Cigaal Weerar iyo dhalinyaro kale oo ay noo suuro gali wayday inaanu Magacyadooda helno.

 

Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Khasaaraha ka dhashay Mudaharaadyadaasi ayaanay noo suuro galin isaga oo ku Maqnaa Deegaanka Ceelbardaale ee ay shaqaaqadu ka Dhacday.

 

Ciidanka Booliska ayaa saaka jabiyay Guryaha u dhawaa Goobta Mudaharaadku ka dhacay iyaga oo Qaar kale Dusha uga daateen guryahaasi si ay uqabqabtaan Dhalinyaradii saaka mudaharaadka Samaysay, Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumadda Somaliland u Adeegsatay Shacabkeeda halkaasi oo khasaare badan ka soo gaadho bulsho badan oo danyar ah oo aan Awoodi Karin Tacadiyadda Boolisku soo gaadhsiiyo.

 

Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wakhtigii ay mucaaridka ahayd ku faani jirtay in ay Dadwaynaha u fasixi doonaan in ay Dareenkooda ku muujiyaan Mudaharaadyo Salmi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, you overreact. it was hardly a mass demonstration, more like 50 people demonstrating. Come to Burco and we show you mass demonstrations.

 

This is what you can call a mass demonstration,

 

 

 

 

 

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this