Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hargeisa Beats Burco 1 - 0

Recommended Posts

Xulka Hargeysa Oo 1-0 Ku Jiidhay Ciyaaroyga Gobolka Tog-dheer

 

 

Xulka Hargeysa Oo 1-0 Ku Jiidhay Tog-dheer

Hargeysa(Qaran)- Gool qudha oo xiliyadii u danbeeyay ee qeybtii labaad uu dhaliyay Ciyaartoyga weerarka ah ee Mukhtaar gaab,ayaa Xulka Kubada Cagta Hargeysa usuurto galiyay inay ka badiso Xulka Gobolka togdheer.

 

Ciyaarta labadan kooxood ee xulalka Hargeysa iyo Tog-dheer oo ay ka dhacday Garoonka kubada Cagta magaalada Hargeysa,waxa ka soo qeyb galay Boqolaal Qof oo si weyn isha ugu hayay ciyaartaas,waxa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan,waxana ay isku boobeen weeraro joogto ah.

 

Ciyaartaas oo aad uga adkayd tii shalay ,waxa ay ahayd ciyaar aad u kulul oo labada dhinacba awooda saarayeen inay guusha iyagu hantiyaan.

 

Qeybtii hore ee ciyaartaas oo ku dhamaatay bar-bar dhac,ayaa labada kooxoodba ay qeybtii labaad la soo galeen dardar iyo talooyinkii Tababareyaashoodu ku soo kordhiyeen ,waxase taasi ay sii shiday xamaasadii kulankaas.

 

Gool uu dhaliyay Weerar –yahaynka Xulka Hargeysa ee Mukhtaar Gaab iyadoo ciyaarta wax yari ka hadheen ayaa ka farxiyay Boqolaalkii qof ee taageerayaasha xulka Hargeysa oo maskaxdooda ay ka guuxaysay guuldaradii laba sano ee la soo dhaafay.

 

Hase yeeshee goolkaasi ma uu dhimin oo saamayn kumuu yeelan niyada Ciyaartoygii metalayay Tog-dheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Maxaa ka qaldan sawirka? These guys are wearing Jeans and sandals...!

 

By the way...How much did the tickets cost? seems like they had a decent crowd for an amateur game...very IMPRESIVE indeed.

 

 

Salam Aleikum W.W

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this