Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: The Grand Mufti of Awdal Speaks Sheikh Cabdilahi Sheikh Cali Jawhar

Recommended Posts

Muftiga Boorama Oo Ka Sheekeeyay Heshiiskii Dhex Maray Beelaha Dhexe eh Somaliland Iyo beelaha Awdal eh Somaliland & Duruufihii Qalafsanaa Ee Soo Maray Reer Awdal

“Waxani (Dilalka) hore way u jireen, laakiin xukuumaddii wakhtigaa jirtay Cawer Xareed ayaa ka adkaa.” Sheekh Cabdilaahi

“Dhalinyarada Awdal-state-baanu nahay leh waxaan xasuusinayaa qadiyadii Somaliland-baanu caalamka cid naga hoos qaada aanu la’nahay.” Sheekh Cabdilaahi

Boorama (Waaheen) – Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyay duruufaha amaan daro ee dalku soo maray iyo waliba dariiqooyinkii loo maray heshiiska reer Awdal iyo beelaha dhexe eh Somaliland

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu ka sheekeeyay shirarkii kala duwanaa ee ay Boorama ku yeesheen beelaha dhexe eh Somaliland iyo Reer Awdal markii dawladii Soomaliya burburtay isla-markaana gobolada Somaliland ay la wareegeen dagaalyahanadii SNM, waxaanu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay doorkii ay ku lahaayeen nabadeynta iyo dhismaha dawladnimada Somaliland.

Sheekh Cabdilaahi oo shalay ka hadlayey kulan aqoonyahanka reer Awdal ku yeesheen Magaaladda Boorama ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ka hadlaya dagaaladii ay wada galeen beelaha dhexe eh Somaliland iyo kuwa Gobolka Awdal “Gobolka Awdal waxa uu soo maray xaalad adag oo qofkii garanayaa uu ka tiiraanyoodo oo uu ka tiiraanyoodo in wixii oo kale soo noqdo, waxa na soo maray dagaal beeleed iyo dawladeed oo xitaa dawladaha hareeraha kaa xigaa ay ku dilayaan, iyadda oo sidaasi lagu jiro ayuu dalkii burburay waxaana dalka dhamaantii gacanta ku dhigtay xarakadii SNM.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya shirar ay isku saamaxeen beelaha dhexe eh Somaliland iyo kuwo Awdal kuwaas oo ka dhacay Boorama “Laba shir ayaa wakhtigaa Boorama lagu qabtay, mid waxa ka soo qayb-galay saraakiishii wadanka qabsatay (SNM), jabhadihii ayaa isa safay Tolli ilaa halkan (Boorama), waxay nagu yidhaahdeen inaad nala dagaalameyseen ayaanu moodeynay, laakiin maanta ayaanu garowsanahay inaydaan nala dagaalameyn nabaduna idinka dhab tahay oo khiyaamo idinku jirin, markaa shir dambe aynu isugu soo noqono ayaa la yidhi, dabadeedna shir beeleed labada beelood ka kooban ayaa lagu qabtay Huteelka Harawo ee Boorama, kaas oo loogu magac daray Beelaha Awdal bari Bari iyo beelaha dhexe eh Galbeed, nidaamkiisuna waxa uu ahaa in la isa saamaxo oo dhulka nabad laga dhigo oo marka dambe nidaamka dawladeed loo baydho.”

Sheekh Cabdilaahi waxa uu sheegay in waxgaradka reer Awdal door muuqda ku lahaayeen shirkii Somaliland lagaga dhawaaqay ee lagu qabtay “Markii dambena Burco ayaa lagu qabtay shir kale, shirkaasina markii qadiyada Somaliland lagu gorfeynayey saraakiishii ciidanka ku jiray iyo odayaashii reer Awdal qayb-weyn ayay ka qaateen, hadalkuna waanu goosanay ayuun-buu ahaa laakiin anaga ayaa u bedalay madax-banaanidayadii waanu la soo noqonay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “SNM waxa dalka loo dhiibay 2 sanadood, laakiin way ku fashilmeen oo dagaalo dhexdooda ah ayay sameeyeen dadkii kalena way ku baa’biiyeen oo dhulkii ayaa wada Kaantarool noqday oo Hargeysa iyo Boorama ayaa loo kala dhaxayey, laakiin inaga (Reer Awdal) dhexdeena nabadu sidii ayuunbay u adkeyd, Burco iyo Berbera anaga ayaa ku gurmanay waana lanaga aqbalay oo heshiis fiican ayaa la gaadhay, markaa ka dib ayaa la bilaabay shir kale oo aayaha dalka lagaga tashanayey, laakiin Burco, Berbera iyo Gabileyba way diideen in shirkaasi lagu qabto, laakiin Boorama ayaa lagu qabtay oo 5 bilood ayaa la fadhiyey, waxaana ka soo baxay liiskii qadiyada Somaliland ee aynu inaguna ka qayb-galay.”

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu sheegay in qadiyada Somaliland aanay ahayn wax reer Awdal loo qariyey ama lagu dagayey ee ahayd wax ay u badheedheen “Qadiyada Somaliland-na maaha qadiyada la noo qariyey oo lanagu dagayey ee waxay ahayd qadiyad aanu u badheedhnay maadaama oo qarankii Soomaliyeed burburay in waxa nabadgalyadu ku joogsan kartaa tahay in ummadaa aynu dagaalameynay ee aynu is-cafinay ee aynu isa-saamaxnay aynu wax wada doonano ayaanu u aragnay in nabada dalku ku jirto, qayb ayaynuna ka nahay oo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeenba waynu ka ahayn.” Ayuu yidhi Sheekhu waxaanu intaa ku daray in dilkii dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal ahaa mid fool xun, balse talaabada xukuumadu qaaday ay wax badabn ka dhintay “Talaabada Madaxwaynuhu qaaday ee uu ku amray in la soo qabto dadkii falkaa xun geystay wax badan ayay naga dejisay, waxaana mahad u celinayaa wasiirka arimaha gudaha oo Madaxwaynuhu arinkaa u xil-saaray talaabada uu arinkaa wax kaga qabanayo.”

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar waxa uu sheegay in falalkan dilku yihiin kuwo hore u jiray, balse xukuumaddii hore ay ka cabsan jirtay dadka dilka geysta “Waxani (Dilalka) hore way u jireen, laakiin xukuumadii wakhtigaa jirtay Cawer Xareed ninka la yidhaahdo ayaa ka adkaa, waayo isaga oo qirogii sita oo cid walba leedahay isagaa dilay ayayna cid sidaa u eegaysay jirin.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey isaga oo fariin u diraya kooxda la baxday Awdal State “Dhalinyarada Awdal-state-baanu nahay waxaan xasuusinayaa qadiyadii Somaliland-baanu caalamka cid naga hoos qaada aanu la’nahay, markaas ayaad idinkuna leedihiin Awdal-state ayaanu nahay, qadiyada maanta soconaysa maaha waxaasi ninka sheegayaana been ayuu sheegayaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Jawhar is an old hand who would predictably resist changes to the status qua.

 

Remember Muslim Brotherhood of Egypt initially resisted the Youths call of Mubarak's fall :D.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xiinfaniin;765437 wrote:
Sheekh Jawhar is an old hand who would predictably resist changes to the status qua.

 

Remember Muslim Brotherhood of Egypt initially resisted the Youths call of Mubarak's fall
:D
.

In the Somali case however young revolutions are not born rather they grow up, become old and die( as revolutions).

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dhalinyarada Awdal-state-baanu nahay leh waxaan xasuusinayaa qadiyadii Somaliland-baanu caalamka cid naga hoos qaada aanu la’nahay.” Sheekh Cabdilaahi

 

The old man kills the secessionist project by his above statement, in fact one can deduce from the above statement two profound advises: He reinforces the secessionist endless bewilderment and constant failure as a sinking project. Also he warns the young Awdalites from the brutal, long and exhaustive experience the secessionist went through by trying to become independent nation.

 

However, the old man needs to informed that unlike the secessionist Awdal state is a Somali state within the jurisdiction of the Somali federal system, the state has earned recognition, respect and support of the Somali people that love unity and the blue flag, and that's all that matters.

 

Odaga, it seems, is tired, frustrated and bored with the old secessionist tune. And this is different but his advice is well meant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qabdalaawi do you even understand afsomali he says the somaliland cause cannot be taken away from us by any one in the world and you guys come with a fake project besides that. Awdal state is one region and the tfg charter says 2 regions and more can form a federal state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this