Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: udub party to select a new chairman (presidential candidate)

Recommended Posts

Xisbiga Udub Oo mudeeyay xiligay dooranayan Madaxwaynihii tartamilahaa

 

 

Hargeysa (Tvsle) Dec 14,2011 – Xisbiga Mucaaradka ah

ee UDUB ayaa muddo 15 maalmood ah u qabtay inay

codsiyadooda ku soo gudbiyaan cid kasta oo ka mid ah

xisbiga oo hunguri kaga jiro inay u tartanto

Musharaxnimada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku

xigeenka.

 

Qoraal uu maanta soo saaray ku simaha xoghayaha guud

ee xisbiga UDUB Mr Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa

lagu sheegay in Musharixiinta u tartamaysa

Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ay

codsiyadooda iyo CV-yadooda ku soo gudbiyaan muddo

kooban oo dhan 15 maalmood oo ka bilaabantay 13-kii

bishan oo ahayd shalay.

 

Qoraalka warkan lagu shaaciyeyna waxa uu u dhignaa

sidan “Anigoo ka duulaya Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB

iyo Xeer-Hoosaadka Xulashada Musharaxa Madaxweynaha

iyo Madaxweyne ku-Xigeenka iyo Go’aankii K/S

Guddoomiyaha ee Shirkii Guddiga Fulinta 03/13/2011,

Waxaan halkan si guud ugu baahinayaa inay

Musharixiintii u taaganayd Jagada Madaxweyne iyo

Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UDUB u soo gudbiyaan

Codsiyadooda iyo CV-yadooda K/S Xoghayaha Guud ee

Xisbiga Muddo Shan iyo toban maalmood gudahood (15

Maalmood) ah, oo ka bilaabmaya Salaasa 13 December,

2011.

Cidda Muddadaa ku soo gudbin wayda lagama qaban doono

wax Codsi ah.

 

Dhinaca kale waxa ilaa hadda shuruudahan buuxiyay

Cali Maxamed Waran-cade oo bixiyay lacagtii loo

baahnaa, isla markaana gudbiyay macluumaadka

taariikhdiisa waxbarasho iyo khibaradeed, iyada la

gaadhsiiyay xafiiska xog-haynta guud.

 

Sida ay caawa u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan

xisbiga UDUB oo u waramayay shabakeda wararka ee

Ramaasnews,kuwaasoo ka gaabsaday in la shaaciyo

magacyadooda, waxa uu lagu wadaa in Mr Waran-cade oo

wakhtigan haysto taageerada aqlabiyada xisbiga o ay

suurtagal tahay in dhawaan loo doorta marashaxa

Madaxweynenimo ee xisbigaas oo ay guuldaro baaxad

lehi ka soo gaadhay doorashadii Madaxtooyada ee

sannadkii hore oo xisbiga Kulmiye ku guulaystay, ka

dib ku dhawaad 10 sanno ay hayeen xukunka wadanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this