Coofle Posted December 14, 2011 Thread-kan Waxaan ku soo qori doonaa Kaftanada iyo walxihii ay ku qoslin jireen kuna maadoon jireen soomalidii hore. Ciroolayda Groupkan ayaa aad ula dhici....Dhalinyaraduna ha faaiidaysteen ======Fujaan dheehu ka daatiyo==== Nin ayaa maalin dad beer u falayay,markaa ayaa waxaa loo keenaya falaas shaah ku jiro lkn nasiib darro waligii falaas shaah kama cabin,markaa si uu u furo ayuu garan waayay markaa ayuu kala jabiyay tixda tan ayaanu ka tirshay *Fujaan dheehu ka daatiyo *Faras'laan ku cabaaye *Ma anaa nin falaasa. =======Markuu helo==== Nin ayaa wadaadadii hore mid kamida tix yar u tiriyay,waxa uu yidhi: ................... ............ ................... markuu kildhi helo kidkidshow marka kale kuudad xumoow markuu axan helo ku ordow marka kale aayar socdow markuu xeedho helo xamdiyow marka kale xaaska jarow =========Labo Gabdhood==== Laba gabdhood oo midna guri joog tahay(A) midna geela raacdo(B) ayaa markay guriga iskugu yimaadaan xintami jiray A:naa dabka naga qafuuf; B:naa adiguna qafuuf; A:coonyahay la nacay B:ma adaan la nicin. A:timo gucusalay. B: ma adaa girdhaleh? A:geel xero ka didis B:ma adaa ku celin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 16, 2011 ^^ :D Mine would be best appreciated with a Mudugh regional accent, Nin baa magalaada muqdishu xiligii isticmaarkii caafimaad u yimi. Wuxuu isla doontay dhaqtar talyaani ah iyo tarjumaan, markii dhaqtarkii loo geeyey, ayaa waxaa dhexmaray doodda soo socotta; Dhaqtarkii: sidee lagu hayyaa Ninkii: Meel ii fayoobiba ma jirto Dhaqtarkii: Ii faah-faahi Ninkii: Habbeenkii labo indhood isuma geeyo, labada dhegood waa iqam, dhiiggu waa i rooraa, indhuhu waa i madoobaadaan, lafaha dhuuxaa lay shubaa, dhabarka waran baa la iga taagaa, madaxana hadda warkiisaba daa Dhaqtarkii: (asagoo yaaban) weligaa hore ma u xanuunsatay? Ninkii: wallaahi wax nin weyn loo sheego horey iiguma dhicin Dhaqtarkii: mayee taariikhdaadaan ku darayaa , oo way i caawinaysaa ee ii sheeg haba yaraatee Ninkii: horta wax nin weyn loo sheego iguma dhicin, laakiinse hadday kaa caawinayso inaad cudurka i haya ogaatid, 1) marbaa mid anoo sii jeeda surgooyo xun igu gaaday, 2) maalinna anoo maqaayad shaah fadhiya baa mid xumi oo reer hebel ahi toorrey sadex gees ah wadnaha hoostiisa igala helay, 2) mar taa kasii horreysayna anoo ceel shubaya baa makaabku ii siibtay oo madax-madax ugu dhacay ceelkii, 4) anoo yarna waabaa ratti qooqani igu tuntay oo dhabarka iiga dur-duriyey, 5) habeenna anoo guuro ah oo geel naga baxsaday raacdadii ku jooga baa abeeso canqawga agtiisa iga rudday... Dhaqtarkii: (asagoo labada dhaban haysta) ninyahow inaad waa hore dhimatay ahayd Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted December 16, 2011 xiinfaniin;765554 wrote: 1) marbaa mid anoo sii jeeda surgooyo xun igu gaaday, 2) maalinna anoo maqaayad shaah fadhiya baa mid xumi oo reer hebel ahi toorrey sadex gees ah wadnaha hoostiisa igala helay, 2) mar taa kasii horreysayna anoo ceel shubaya baa makaabku ii siibtay oo madax-madax ugu dhacay ceelkii, 4) anoo yarna waabaa ratti qooqani igu tuntay oo dhabarka iiga dur-duriyey, 5) habeenna anoo guuro ah oo geel naga baxsaday raacdadii ku jooga baa abeeso canqawga agtiisa iga rudday... Dhaqtarkii: (asagoo labada dhaban haysta) ninyahow inaad waa hore dhimatay ahayd :D:D,,,,,,,,,,,,,,, Thanks Xiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites