Sign in to follow this  
Somalia

Fight erupts in Somali parliament

Recommended Posts

Somalia   

Gacan ka hadal Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ku dhexmaraya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

 

Arbaco, December 14, 2011 (HOL) − Waxaa goor-dhaweyd ka billowday xarunt golaha shacabka ee Muqdisho gacan ka hadal u dhexeeya laba kooxood oo ka tirsan xildhibaannada baarlamnaka kuwaasoo qaarkoodna kasoo horjeeda guddoomiyaha baarlamaanka halka kuwa kalena ay taageersan yihiin.

 

Mudanayaal goobjoog ah oo la hadlay HOL ayaa sheegay in gacan ka hadalka uu billowday markii uu xarunta golaha yimid guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka ahna ku simaha guddoomiyaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey.

 

"Xarunta wuxuu kulan uga socday xubnihii shalay xilka ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana goobta tagay xildhibaanaddii taageersanaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka, waxaana billowday gacan ka hadal," ayuu yiri mudane codsaday inaan magaciisa la sheegin oo kasoo baxay xarunta.

 

Sidoo kale, xildhibaankan wuxuu u sheegay HOL in kuraasta la isku garaacay, isagoo intaas ku daray inay jiraan mudanayaal dhaawacyo fudud ay gaareen, balse ma uusan xaqiijin tirada xidlhibaannada dhaawacmay ee uu arkay.

 

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gacan ka hadalka oo goor-dhow billowday, waxaase idiin ballanqaadaynaa inaan idinla socodsiinno wararka kasoo kordha gacan ka hadalka dhexmaray xildhibaannada.

 

Gacan ka hadalka mudanayaasha baarlamaanka u dhexeeya ayaa wuxuu yimid iyadoo uu dhawaanahan jiray muran siyaasadeed xoogeystay oo u dhexeeya mudanayaasha baarlamaanka iyo afhayeenkooda Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Shirkii Baarlamaanka Oo Noqday Mid Gacan Ka Hadal Ah.

 

Kulankii maanta ay isug yimaadeen golaha baarlamaanka Soomaaliya kaa oo ka dhacayay xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

waxaana haatan lagu soo waramayaa in kulankaasi uu noqday mid ay gacmaha isu la galeyn xubnihii kala taabacsanaa kuwii shalay xilka ka qaaday Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa taageersan oo uu horkacayo C/wali Modoowe Nuunow oo ah ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka.

 

Isqab qabsi balaaran ayaa ka soconayo golaha Shacabka oo ay isug yimaadaan baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaanada qaar ayaa la sheegayaa in ay feer isla dhaceen halka kuwa qaarna ay is dhaafsanayaa hadalo aflagaado ah.

 

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa noqday kuwa ku diriya arrimaha Shacabka Soomaaliyeed kuwaa oo inta badani sheega iney matalayaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

http://www.puntlander.com/?p=6577

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalia;765054 wrote:
Xildhibaanada qaar ayaa la sheegayaa in ay feer isla dhaceen halka kuwa qaarna ay is dhaafsanayaa hadalo aflagaado ah.

 

Somalia;765054 wrote:
Sidoo kale, xildhibaankan wuxuu u sheegay HOL in kuraasta la isku garaacay, isagoo intaas ku daray inay jiraan mudanayaal dhaawacyo fudud ay gaareen, balse ma uusan xaqiijin tirada xidlhibaannada dhaawacmay ee uu arkay.

I have two questions:

1) When is the video coming out? ;););)

2) Did Shariif Xasan participate in this fight?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this