Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

ssc rebels including Buuhoodle Mayor defect to Somaliland's govt+PICS

Recommended Posts

R Hadhwanaag: Wefti Ballaadhan oo uu hogaamiyihi buuhoodle, Taliyihi Jabhada ssc eeh buhooodle iyo saraakiil kale oo ka socday deegaankaas oo si heer sare ah loogu so dhoweyey magaalada burco iyo Khudbadihi ay jeediyeen.

 

Weftigan oo lagaga hortegey Meel ka shishaysa deegaanka Beer ayaa loo soo gelbiyey dhinaca hotel palaza oo loogu sameeyey qado sharaf, Waxaana qado sharafta kadib halkaas laga jeediey hadalo isugu jiray kaftan iyo dardaaran iyo duurxulba isgu jirey dhegeyso.

 

R- Hadhwanaagn: wefti Balaaadha oo uu hogaaminayo iyo gudoomiyihi Buhoodle taliyihi jabhadda ssc eeh buuhoodle iyo saraaiil kale oo ka socday deegaankaas oo si heer sare ah loogu so dhoweyey magaalada burco iyo khudbadihi ay jeediyeen.

 

Weftigan oo lagaga hortegey meel ka shishaysa degeenak beer ayaa lo so gelbiyey dhinaca hotel palaza oo loogu sameeyey qado sharaf waxaana qado sharafta kadib halkaas laga jeediyey hadalo isagu jirey kaftan iyo dardaraan iyo duurxulba isugu jirey dhegeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

This cheap politics will not get you far xx.What you failed to get through war,you will not get through any other means.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Ragg horay ugu Shaqayn jiray Maamuladda Sl iyo Pl oo gaadhay Burco balse sheegaya Magaca Sharafta badan ee SSC

 

waxaa magaaladda Burco gaadhay ragg ku maxaabsanaya Magaca SSC hase-yeeshee ahaa cadaw SSC oo hadh iyo habeenba ka shaqaynayey curyaaminta halganka umadda oo cad quudheedyo ka qaadan jiray cadawgeena balse maanta xili coleedka lagu jiro awgeed jaanis ay ku helaan sandalooyin ka dhigtay magaca SSC

Ragan burco gaadhay ee ka goostay Buuhoodle waxa horboodaya Xariir Gadhweyne oo ahaan jiray Gudoomiyaha Puntland Buuhoodle, waxana uu hadh iyo habeen ka shaqayn jiray kala daadinta Ciidamadda SSC waxana uu xariir Hogaanka SSC iyo shacabka ka aflagaadayn jiray Warbaahinta Puntland,Bilaal Xaaji Khaliif oo buuhoodle ku leh Hotel Hurdo waxa jirtay in uu Basaas u ahaa Cismaan Garaad Soofe oo uu dhagansan jiray Madaxdda SSC ee macaabiisha la ahaa Hotelkiisa xiliyadda ay Telefoonadda ku hadlayaan iyo waliba marar ay shirayaa maadaa ay Hotelkiisa daganaayeen nasiib wanaag Ciidamadda Sirdoonka SSC ayaa ogaaaday waxa ay kaliftay in laga guuro Hotelkiisa kaas iyo Maayirka Somaliland ugu magacawnaa Buuhoodle oo basaasay Ciidamadda SSC dagaalkii Kalshaale

waxaase Naxdin ah in Nimankan Rufyaaniinta ahi ay duufsadeen Curi Aadan Geelle oo ahaa Mujaahid halgamay, waxana uu Curi ahaa Geesi wadani ah waxase la yaableh waxa uu maanta ugu Arooray dhinac Hargaysa uu uu Gabayo badan ka tiriyey

waxase uusan Curi Aadan Geelle la socon in Xubihii Ceelal yadda ahaa ee horay ugu goostay Hargaysa ay Suuqyadda Hargaysa Busaaradda dhabadan dhafoorka ku hayaan

allssc@hotmail.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=18911

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdul;765025 wrote:
This cheap politics will not get you far xx.What you failed to get through war,you will not get through any other means.

War what war there is no need for war

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii Hore Ee Maleeshiyadda SSC Iyo Wefti Uu Ku Jiro Guddoomiyihii Buuhoodle Oo Maanta Hargeysa U Imanaya Gogoshii Nabada Ee Madaxwayne Siilaanyo

 

“Haddii la doonayo nabada waarta, yaan la isku guryo noqon oo nin walba Inaadeertii aanu guursan ee Inaabtidii ha guursado oo dadku tol iyo xidiid ha noqdo” Hadraawi

“Anigu waxaan ka mid yahay dadka carruurtoodu Burco joogaan oo 16 sanadood ayaanan arag carruurteydii” Odey reer Buuhoodle ah

Hargeysa (Waaheen) – Maamulka Gobolka Togdheer ayaa shalay Magaaladda Burco ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka socday deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo isugu jiray saraakiil ka tirsan maleeshiyada SSC iyo madaxda Buuhoodle.

Masuuliyiintan la soo dhaweeyay oo qado sharaf loogu sameeyay huteel Palaza ee Magaaladda Burco, ayaa waxay sheegeen inay aqbaleen gogoshii nabada ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna sheegeen inay doonayaan inay dhawaan Madaxwaynaha la kulmaan.

Kulankan qadada ah ee Burco loogu sameeyay kooxda ka socotay SSC iyo Buuhoodle, ayaa waxa ka qayb-galay Odayaal uu ka mid yahay Maxamuud Aaden Dhari oo ka mid ah guddida horumarinta Burco hadal uu halkaasi ka jeediyeyna waxa uu ku sheegay in reer Buuhoodle yihiin dad reer Somaliland ah loona baahan yahay inay ka qayb-galaan dawlada.

Maxamuud Aaden Dhari waxa uu ugu baaqay reer Buuhoodle in aanay madaxa-taagin oo ay umaddooda wax la qayb-sadaan “Waxaynu nahay dad is-dhalay oo aan meel kala tageyn oo dhiigoodu isku talaalan yahay, waxaanu idin leenahay dalku dalkiinii weeyaan, Somaliland-baad tihiin, waanu idin doonaynaa waxba madaxa ha taagina oo ku soo noqda dalkiinii oo noo kaalaya, gacmo furan ku soo dhawaada oo dawlada ka qayb-gala oo shacabka ka qayb-galla, guryihiinii ayaa weli Burco ah oo aad ogtihiin, wax la idinka leeyahayna ma jirto.”ayuu yidhi Odey Dhari.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dagaalada joogtada ah ee dhex mara dadka Soomalida ah ay sabab u tahay tolnimadii iyo xididnimadii oo meesha ka baxday isla-markaana hadda la is-ilaamaadeer guursado “Anigu waxaan ka hadli lahaa, waar colaadan joogtada ah iyo dhiigan daadanaya ee keenaya naxariis darada ee keenaya kala guuraya ee kenaya in cadaabta lagu muto ayay dabada ku haysaa, dagaalkan dhacaya maxaa u sabab u ah, markaa waxaan leeyahay aynu ku noqono sidii dadkii hore nabada u ilaalin jireen, imikana wax isku ahaantii ayaa meesha ka baxday, markaa dhaqankeenii aynu dib ugu noqonay.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi waxaanu intaa ku daray “Haddii la doonayo nabada waarta, yaan la isku guryo noqon oo nin walba Inaadeertii aanu guursan ee Inaabtidii ha guursado oo dadku tol iyo xidiid ha noqdo”

Xariir Maxamed Axmed oo ah guddoomiyihii hore ee Buuhoodle isla-markaana hore uga soo horjeeday Somaliland oo ka mid ahaa weftiga reer Buuhoodle ee Burco lagu soo dhaweeyay oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa gogoshii iyo nabadii uu dhigay Madaxwaynuhu, waxaanu soo dhawaynaa baaq Cuqaasha iyo salaadiinta gobolku soo jeediyeen, waanuna ajiibnay, qof kasta oo Islaam ahna nabada ayaanu ku boorinaynaa, anaguna waanu ka shaqeynaynaa.”

Mr Xariir waxa uu sheegay in aanay madaxa taageyn, dadka reer Buuhoodlena ay diyaar u ahaayeen inay dadkooda Somaliland wax la qayb-sadaan, balse intii hore xukuumaddu galbeedka Somaliland ka soo jeedday oo ay ku fogeyd “Hadalkii Maxamuud Aaden Dhari aan midh ka Idhaahdo, Abti saddexdii sano ee horena bahashu meel dhexe ayay taalay, intii dambe ee ay Galbeed tagtayna waxaanu lahayn bahashii fogaatee miyay noo soo noqoto (xukuumadda), markii ay Bari ku soo noqotayna labada hadal ayaanu isku khilaafsanayn oo waxaanu lahayn qoladaa Hahar-jeclo way na jiidhayaan iyo waar maahee iga ayaynu albaabkooda gali karaynaa, markaa madaxa maanaan taagin ee waxaanu islahayn albaabka ayaad hadda gali-karaysaan, laakiin barigii hore galbeed ayay taalay, wakhti aan Hargeysa tagayna waxay yidhaahdeen “reer bari ayaad tahay maaha”, markaa madaxa maanaan taagin oo dadku diyaar ayuu u ahaaye albaabada fura oo cagta u dhiga, mida kale Burco ayaanu idinku soo dhawaynaa naga daaya, waayo Burco waa taayadii.”ayuu yidhi.

Taliyihii hore ee maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC Maxamed Aaden Geedi (Curri) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu u soconay inaanu heshiisiino beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland oo aanu ciidamadoodana isku mid ka dhigno, waxaanuna doonaynaa inaanu Hargeysa tango oo uu aanu Madaxwaynaha aragno, wixii waajibkayaga ahna anaga ayaa garaneyna oo qabsanayna.”

Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha reer Buuhoodle ayaa isaguna yidhi “Anigu waxaan ka mid yahay dadka carruurtoodu Burco joogaan oo 16 sanadood ayaanan arag carruurteydii, habeen-baan guure ku maray oo intaan sheed ka arkay ayaan intaan salaamay dhaafay.”

Weftigan reer Buuhoodle ayaa maanta Hargeysa u imanaya arimo la xidhiidha gogoshii nabada ee hore Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this