Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: 300 navy forces finalize their training +VIDEO

Recommended Posts

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tababar u xidhay sadex boqol oo ciidan ah oo loo tababaray Badda

 

Berbera(Waaheen) Madaxweyne ku-xigeenka Somalailand C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda Dawladda ee Heer Gobol, Degmo iyo Hay’adaha Madaxa banana ayaa manta magaala Xeebeeda Berbera ugu soo xidhay Tababar u socday muddo sided bilood ah oo ay ku qaadanayeen Culuumta Badda.

Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa Ciidamadaasi uga mahadnaqay dedaalka ay fagaarihii tababarkaas loogu soo xidhayaya ka muujiyeen oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qiimayntiisa leh oo u qalamayay Mihnada la barayay baaxada ay leegtahay isagoo sheegay inay yihiin Ciidan kooban balse tayo ahaan la siiyay tababar adag oo ay kaga bixi karaan Hawsha culus ee Xeebaha Somaliland kuwaasoo ka kala yimi Daafaha Somaliland.

“ Ciidankan in la abuuro waxa keenay markii ay dhawaan xeebaheena ka soo dageen Ciidamo cadaw ah oo doonayay inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Itoobiya kuwaasoo ay sababtay ciidankeena Badda oo koobnaa” ayuu yidhi

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu munaasibadaasi shahaadooyin ku gudoonsiiyay Saraakiisha Ciidamadaasi, Masuuliyiinta Gobolka ee taageertay, qaar ka mid ah Askarta iyo tababarayaashii Duruusta siinayay

Ciidamadda ayaa Madaxweyne hortiisa ku soo bandhigay hawlgal ay metelaad ah oo ay Badda gudaheeda kaga qab qabaneeyeen Budhcad Badeed qafaalashayo doonayay inay fuliyaan. Sidoo kale waxay ku soo bandhigeen Masrixaydo Suugaaneed kala duwan.

Admiral Axmed Aw Aadan oo ah Taaliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Abaanduulaha Ciidamadda Badda ayaa iyana Madaxda Xukuumadda ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenku warbixin ka siiyay Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen Dufcadan loo xidhay tababarku mudadii ay ku jirta Tababarka. Waxaanay xuseen Duruufaha Badda ku gedaaman inay u baahan yihiin in la geliyo dhaqaale iyo ka war hayn intan ka badan iyagoo u mahadnaqay talaabadii uu ku dhiiraday Madaxweynaha Somaliland Axmed`Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Badhasaaabka Gobolka Saaxil Ramaax oo iyaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa Saraakiisha Ciidanka uga mahadnaqay Tababarka ay siiyeen Ciidanka iyo sida ay au dhiseen iyagoo qiray in ay Kalsooni ku qabaan in ay noqon doonaan Ciidan qaraan. Waxaanay si gaara ah ugu Amaaneen sida niyad samida leh ee uu Ciidankaasi u qaataya Tababarka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Cutubyo Ka Mida Ciidamada Ilaalada Xeebaha Ee Ku Sugan Magaaladda Berbera Toobabar u Soo Xidhay

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici waxa uu balan qaaday in ay tayaynayaan Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Berbera (GNS)- Madaxweyne kuxigeenka Jmhuuriyada Somaliland Cabdiraxamaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Saaka subaxnimadii hore soo gaadhay magaalo xeebeeda gobolka Saaxil ee berbera waxaanu socdaalkaa Madaxweyne kuxigeenka iyo waftiga uuhogaaminayaa udaarnaa soo xidhida toobabar ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ugu soo gabagaboobay xarunta Ciidamada ilaalada xeebaha ee magaaladan berbera ,Waxa kamida ahaa waftiga Madaxweyne kuxigeenka Somaliland wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur)Wasiirka qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire,gudoomiye kuxigeenka Banka Somaliland Cabdillahi Xassan iyo xubno katirsan golayaasha qaran ee wakiilada iyo guurtida, Waxaana waftigan oo goor hore oo subaxnimadii soo kalahay jiidaha dhexe ee gobolka Saaxil kaga hortagay masuuliyiinta haayadaha dawlada ee gobolkan Saaxil oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha deegaanka degmada berbera Cabdallle Maxamed Carab waxa kaloo kamid ahaa masuuliyiinta waftigaa soo dhaweenaayay badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste.Maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Diri.Maareeyaha haamaha keydka shiidaalka Dr Cismaan Cabdi Barkhadle(Shiine) iyo masuuliyiin kaloo tira badan,

 

Waftiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa islamarkii ay magaalada soo galeen abaaray xarunta ciidamada ilaalada xeebaha ee magaalada berbera halkaasi oo lagu diyaariyay goob xafladeed si aad uheer sareysa loo soo agaasimay laguna sii diyaariyay Ciidanka toobabarku udhamaaday oo ka koobnaa(300)sadex boqol oo askari kuwaasoo mudo sideed bilooda toobabar ciidan badeed Lagu siinaayay isla goobtaa waxaanay ugu horeyn ciidankaasi salaan Madaxweyne siiyeen Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) waxa kaloo ay ciidankaasi soo bandhigeen dhoolatus ciidan oo aad uheersareeya Madxweyne kuxigeenka iyo waftigiisuna aad ula dhaceen waxaanu dhoolatuskaasi oo dhawr nooca oo bad iyo bariba Lahaa socday mudo saacad iyo badh iyaga oo ciidankaasi taatikooyin ciidan oo anfacaya ciidan bad ahaan ay soo bandhigeen,

 

Kadibna waxa warbixino kasiiyay Madaxweyne kuxigeenka ciidanka iyo toobabarkooda Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Awcismaan Cabdi iyo taliye xigeenkiisa Cabdi Xirsi Ducaale waxaanu taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland sheegay in aanay toobabarka heerkiisu sareyo cid kale bixinin ee ay bixiyeen saraakiisha ciidanka Ilaalada xeebaha ee saldhiga berbera sidoo kale waxa uu taliyuhu sheegay in xukumada Somaliland ee hada talada dalka haysaa Ay markii ay hogaanka dalka la wareegtay ee ay aragtay in aan ciidan badeed oo toobabar qabaa jirin baahi weyna loo qabo in la Tayeeyo aqoontoodana kor loo qaado ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ay ku wargalisay maamulka ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland in ay soo gudbiyaan baahida ciidanka ee dhinac aqoonta toobabarka iyo waliba in ay kordhiyaan tirada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland toobabaro cusubna looga furo xarunta ciidanka ilaalad xeebaha ee berbera oo iyadu ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland sidaasna uu ku yimi ciidankani yahayna cutubkii ugu horeeyay Kuwo kaloo badana aanu wali toobabarku uxidhmin, Taliyaha ciidanka bada Somaliland Admiral Axmed Awcismaan ayaa waxa uu Intaa ku daray in aanu buurnayn dhaqaalaha ay xukumada Somaliland ciidanka siisaa baahiyo badan oo ciidana ay jiraan balse Waxqabadka iyo toobabarkan ciidan ee qiimaha badan uu kuyimi iyaga oo waxoogaagii ay xukumadu siinaysay isku celceshaday Waxa kaloo uu taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu sheegay in ciidankan manta toobabarka loo xidhayaa yihiin rag ka kala yimi Dhamaan gobolada dalka oo aan aheyn qaar reer berbera uun ah isaga oo intaa raaciyay in ay udhaxeeyaan Seylac ilaa Ceelaanyo waxase uu ka dayriyay Taliyaha ciidanka ilalada badu gaadiidka bada ee ciidanka oo gabaabsi ah isaga oo xusay in aanu ciidanka badu haysan doonyaha dheereeya ee lagaga hortagi karo cadawga biyaheena kusoo xad gudba isaga oo xukumadana ka dalbaday in ay baahiyahaa ciidan ee dhinaca gaadiidka wax ka qabtaan ugu danbeyntii ayaa waxa uu taliyaha ciidanka badu umahad celiyay Madxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxauud(Siilaanyo)oo uu kutilmaamay Shaqsiga kaliya ee uu ugu mahad naqyo toobabarkan ciidan isaga oo dhinaca dawlada shisheeye ee ciidamada caawiyana ka xusay dawlada Ingiriiska oo gaadiid iyo war isgaadhsiin ugu deeqday iyo haayad iyaduna ingiriisa oo imika xafiisyo iyo guryo uga dhisaysa xarunta ciidanka bada ee berbera oo uu magaceeda ku sheegay(Mag)

 

Waxa isaguna hadal kooban oo dhiirigalin iyo taageero ubadan goobta xaflada ka jeediyay Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur) waxaana hadaladiisii kamida ahaa"Waxaan salaan ay mahad balaadhani ku dheehantay ujeedinayaa ciidanka ehelu sharafka ah ee sida qurxoon ee cajiibka ah loo dhoolatuska usamaynaya waxaanan Madaxweyne kuxigeenka ka dalabanayaa in uu manta ii ogolaado in aan salaanta ciidanka ku horeysiiyo madaama oo ay manta tahay maalintoodii toobabarkuna uxidhmayo waxan manta ufaraxsanahay oo ufirfircoonay sida ciidanka ilaalada xeebuhu ufaraxsan Yihiin ee ufirfircoon yihiin waxa ciidanka ka muuqda mooral iyo qalbi wanaagsan oo ay soo dhamaysteen toobabar mudo sidee bilood socday waxa halkan ka muuqda sharaf qaran oo lagu soo tabcay, tacabkeeda koowaadna waxa lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Madaxweyne kuxigeenka waxaanay balan qaadeen in ay tayeeyaan ciidamada bada markii ay ku Guulaysteen mudo xileedka qaran ee ay hada hayaan waxa ciidankan lagu daray miisaaniyadii koobaad markay hogaanka dalka ku guulaysatay miisaaniyadaa waxa ku jiray sadexdan boqol ee ciidana ee ay manta xafladooda xidhitaan ka qeybgalayno waxa kaloo miisaaniyadaa ku jiray kordhintii mushaharka ee dhamaan ciidamada iyo shaqaalaha loo kordhiyay waxay aheyd tacab qaran oo ay dhagax dhigiisii xukumada cusub laheyd tacabka labaad waxa leh taliyayaasha ciidankan toobabar kala duwan siiyay ee soo gaadhsiiyay halka ay manta marayaan ee muuqaalkaa quruxda badan kusoo toobabaray ee aqoonta iyo fikirkoodii soo gashay,

Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil(Seylici) ayaa waxa isagana hadaladii sii kamida ahaa"Waxan aad ugu faraxsanay in aan kasoo qeybgalo toobabarkan loo xidhayo ciidanka ilaalad xeebaha ee sadexda boqola waxa aan aniga iyo waftigayga faraha badan ee golayaasha qaranka ka koobani isu soo raacnay waa qiimaha aanu siinano ciidamada ee aanu danaynayno ee aanu raalida ka nahay ama aanu markii horeba u aragnay in baahi la tabayo oo ciidan badeed jirto iyo xeebteena dheer ciidamada ilaalada xeebaha loo kordhiyo sida aad wada ogtihiin ciidamada bad ee Somaliland waxay ahaayeen markii hore(320)sadex boqol iyo labaatankaa waxa laga yaabaa in aanay intooda badni shaqeyn oo ay iska hawgab yihiin taasina waa ta keentay in ciidankan la abuuro markii dhibtii koowaad xiligii kala guurka ay dhacday xitaa in dawlada aynu jaarka nahay ee(Ethiopia)lagaga duulay xeebta galbeed ee Somaliland,Waxaana xiligaa jirtay in meesha ugu yar ee ciidan joogay aheyd 30 askari ama 28 askari nasiib daro ayay aheyd taasi in xeebta intaa leeg ee 200km mitira 28 sideed iyo labaatan askari joogaan waxaanay taasi keentay in xukumada manta joogtaa ay danayso in loo baahanyay in ciidamada bada la kordhiyo taasna waynu ku guulaysanay waxanan hambalyada koowaad siinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed

Waxa kaloo iyaguna heeso dhiirigalina iyo majaajilooyin xafladaa ka soo jeediyay qaar kamida ciidanka ilalada xeebaha Somaliland ee toobabarka loo xidhaayay iyo fanaaniinta ciidanka qaranka Somaliland oo iskaashanaya waxaana kamida ahaa Fanaaniinta heesaha xafladaa ka qaaday Sahra Cali Xassan,Cabdillahi Cabdi Madoobe iyo Fanaanka almis waxaanay soo bandhigeen riwaayad iyo heeso qiira galiyay waftiga iyo ciidanka toobabarka loo xidhaayay .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this