galia Posted December 12, 2011 Qilaaf Xooggan ayaa mar kale soo kalla dhex galay Horjooggaha ugu sareeya Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Xasan Daahir Aweys Horjooggiha kooxdii Bur burtay ee Xisbul Islaam kaasi oo salka ku haya in la qaarijiyo raggii garbaha u ahaa Xasan Daahir. Wararka aynu helleeno kooxda Shabaab dhexdeeda ayaa sheegaya in qilaafka soo kala dhex galay horjooggaha Al-Shabaab iyo Xasan Daahir Aweys ayaa yimid kadib kullan ay wada yeesheen Axmed Cabdi Godane iyo Xasan Daahir, iyadoo horjooggaha ugu sareeya Shabaabka uu amray in ay isaga baxaan dhulka ay Shabaabku maamullaan horjooggayaashii hore ee kooxdii Xisbul Islaam. Ragga la amray in ay isaga baxaan goobaha Shabaabku ku sugan yihiin ayaa waxaa ka mid ah Muuse Careelle, Xasan Mahdi, Ismaaciil Cadow, C/fitaax Maxamed Cali iyo Qadaab oo dhammaantood ah garbihii Xasan Daahir Aweys, balse horjoogge Xasan Daahir ayaa Gaashaanka u daruuray arrintaasi islamarkaana ku tilmaamay mid aan socon Karin. Waxa uu sheegay in muhiimadda ay tahay in la baarro danbiyada uu ku soo eedeeyay horjooggaha Al-Shabaab ugu sareeya ee Axmed Godane koox Xasan Daahir si gaar ah ulla shaqeyn jirtay maxkii uu hoggaaminayay kooxdii Xisbul Islaam. Axmed Godane ayaa ku adkeesanaya in ragga uu sheegay in ay si deg deg ah isaga baxaan meel walbo oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana goobaha ay sugnaayeen loo diray Ragga Amniyaadka ay Shabaab u yaqaanaan o loogu talla galay dilalka gaarka ah. Markii ay arrinta hadalkaasi gaartay ayeey ku kalla tageen labada horjoogge Godane iyo Xasan Daahir Aweys kullamkii ay wada qaadanayeen taasi oo keentay cabsi xooggan oo ka dhex taagay maleeshiyaadka Shabaab dhexdooda. Qaar ka mid ah ragga la amray in ay isaga baxaan dhulka Al-Shabaab ku sugan yihiin ayaa horey ugu baxay halkaasi kuwaasi oo ay ka mid yihiin Muuse Caraalle, iyo Qadaab iyadoo Qadaab lagu qabtay dalka Sacuudiga, Xasan Mahdina uu ku dhumaallesanayo Boqortooyada Sacuudiga. Lama saadaalin karo waxa uu ku danbeyn doono qilaafka Xasan Daahir Aweys iyo horjooggaha kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab kaasi oo ku aadan in la qaarijyo dhammaan horggayaasha Shabaabku uga soo biiray dhanka kooxdiii bur burtay ee la oran hiray Xisbul Islaam. Quote Share this post Link to post Share on other sites