Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Saudi delegation arrives in hargeysa+PICS

Recommended Posts

Wefti ka socda dalka Sucuudiga oo socdaal ku yimid dalka

December 11th, 2011

 

Berbera (Somaliland.Org)Wasiiradda Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo beeraha Md. Faarax Maxamuud Geedoolle, ayaa shalay madaarka Berbera ku soo dhaweeyey wefti ka socday dalka Sucuudiga.

 

Wasiirka macdanta oo warbaahinta kula hadlayqoflka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa sheegay in wefdigan Sucuudigu ay u socdaan sidii ay mashaariic maalgashi ay uga samayn lahaayeen dalka Somaliland, sida dekeda, warshada sibidhka, haamaha shidaalka iyo mashaariic kale.

 

Wasiirku isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saddexdan xubnood waxay dalka u yimaadaan mashaariic maal gashi ayay u socdaan, waan soo dhaweynaynaa walaalahayaga reer Sucuudi Carabiya.”

 

“Halkan intaan joogno Berbera mashaariic badan oo ku saabsan maalgashi oo ay ka mid tahay dekeda, haamaha, shidaalka iyo wershada sibidhka ayaanu tusaynaa,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in weftigani muddo sadex maalmood ah ay darsi doonaan Ganacsiga iyo meelaha u baahan maalgashiga.

 

Wasiirka beeraha ee Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna sheegay in weftigan ay si weyn dalka ugu soo dhawaynayaan waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin in dhinacooda ugu soo bandhigi lahaayeen mashaariic maalgashi oo dhinaca beeraha ah, waxaana uu yidhi “Khayraadka aadka u badan ee dalkeena dawladu ma hayso hadda awood ay ku soo saarto kagana faa’iidaysato khayraadkaa markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaa walaalaheena Sucuudiyiinta waana dadka inoogu dhow maanta marka aad ka eegto Islaamka, xidhiidhkii hore ee Islaamka, walaalnimo ee inoo dhaxayn jiray aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa.”

 

Weftigan, ayaa ka koobnaa laba nin oo u dhashay dalka Sucuudiga iyo nin u dhashay dalka Kuuriya, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan weftigoodu ay dalka imanayaan maalmaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this