Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: new political Islamic party Xisbullah announced.

Recommended Posts

388705_304803162886574_100000706786625_1

 

Urur Diimeed Lagaga Dhaawaqay Somaliland Iyo Guddoomiyihiisa Oo Sheegay In Hanaanka Dimuqraadiga Ahi Yahay Wax Laga Soo Dheegay Gaallo, Kuna Baaqay In Dalka Lagu Hago Shareecada Islaamka.

 

Hargeysa (Ramaas) Dec 11,2011 – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, kaas oo ay hogaanka ka yihiin qaar ka mid ah culimadda dalka.

 

Ururkan oo magaciisu yahay XISBULAAHI, ayaa waxa culimada ku dhawaaqday sheegeen in ururkani ururada kale kaga duwan yahay in ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii uu tallada dalka ku guulaysto.

 

Dadka ururkan ku dhawaaqay ayaa ku baaqay in la laalo dastuurka dalka, isla-markaana lagu dalka lagu hogaamiyo shareecada Islaamka oo ay ku tilmaameen inay tahay ta ugu muhiimsan ee ummad lagu dhaqi karo, iyagga oo sidoo kalena sheegay inay ka soo horjeedaan guud ahaan hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka ka hano-qaaday, kaas oo aku sheegeen inuu yahay hanaan laga soo waariday dad aan Islaam ahayn “Ururkan XISBULAAH wa urur Diimeed, waxaana aanu si cad ugu baaqaynaa in Umada lagu dhaqmo Shareecada, dastuurkeenuna waa Samaawi oo ILAAHAY-baa inoo soo dajiyey (Qur’aanka kariimka ah) qofka Muslimka ahi inuu sharci iyo dastuur kale qaato uma banaana haddii uu qaatana wuu ku gaaloobayaa.”sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ururkaasi Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo ka hadlayey xafladii lagaga dhawaaqay.

 

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle waxa kale oo uu sheegay “Waxa laga yaabaa in la iswaydiinayo ururkani muxuu kaga duwan yahay Urur siyaasadeedyada kale, waxaan leeyahay adeer wax siyaasad la yidhaahdo ma jirto, cidii taa ka murmaysaana fagaarayaaasha saxaafada aynu isku nimaadno oo ka doodno oo umada ha taabsiiyo oo ha yidhaahdo waa taas siyaasadii.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Diinta Muxamadiya Meel ay siyaadani kaga jirto Qur’aan iyo xadiis midna ma jirto, waana dahaadh ay Munaafiqiin iyo gaalo ay dulmiga ku dahaadhaan.”

 

Urur diimeedkan cusub ee lagaga dhawaaqay Hargeysa oo sida muuqata muran iyo khilaaf cusub ku soo kordhin kara dalka, taasina waxay horseedi kartaa amaan daro.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looks like a momentum turn, though the name should maybe be revised; what are the positions of local scholars such as Sh Abdillahi Guelleh who was imam in Djibouti?

 

A practical agenda towards equality should also be the focus: putting the economy as a means towards meeting basics and jobs needs for all, limits on farm/land size and big corporations, environmental conservation and open urban spaces etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Although the name sounds more like an imported one and would have preferred an indigenous name. Yet, the voices of Somaliland's religious groups need to be heard inside the parliament and Guurti. Hence, I welcome the establishment of a religious party in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this