Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe Clan Militia Attack Taleex with several Casualties

Recommended Posts

Hal Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ay Ciidamada Puntland Ku Qaadeen Degmada Taleex Iyo Xaalada Oo Cakiran.

 

Taleex(Ramaas) Dec. 11, 2011- Ugu Yaraan qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay iyo saddex kalen ay ku dhaawacmay weerar ay ciidamada Puntland galabta ku qaadeen degmada Taleex ee gobolka Sool.

 

Wararka ka soo baxaya jiidaas ayaa sheegaya in Magaalada ay ka dhacday rasaasayn xoog leh oo dhexmartay ciidamada ka yimid dhanka Puntland iyo ciidan beelood Magaalada difaacayay ,iyada oo shacabku ay gadood ka muujiyeen maleeshiyada ku soo duushay dhulkooda, waxaana jirto is –hubayn ballaadhan.

 

Dadkii weerarkaas ku dhaawacmay ayaa la gaadhsiiyay Magaalada Garoowe sida ay wararku sheegayaan,kuwaasoo wakhtigan lagu daawaeynayo cisbitaalka Magaaladaas. Inakstoo la sheegayo in qaar ka mida dhaawaco ay xaaladoodu halis tahay.

 

Weerarka ay soo qaadeen ciidamada Puntland, ayaan la ogayn ujeeda ka dambaysa, maadaama oo ay degmada gacanta ku hayeen ciidan ka amar qaato odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaankaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maryacalastii Faroole oo Weerer Qaawan Kusoo Qaadey Shacabka Taleex Dadna ku Laayey

 

Taleex(Allssc.com) Wararka ka imanaya degmadda taleex ee gobolka sool ayaa sheegaya in maryacalastii Faroole ay weerar ku soo qaadeen degmadda taleex ee gobolka sool. Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay dadka rayidka ah ee degmada taleex iyo maryacalasta Faroole.

Markey gudaha magaalada usoo galeen ayey markiiba waxey xabad aan loo aabe yeelin ku fureen shacab horfadhiyey goob weyn oo loo diyaarinayey in lagu qabto shirkii beesha SSC u balansaneyd dhawaan, kadibna dhalinyaro badan ayaa guryahooda qoryo kala soo baxay iskana difaacey dadkii daalimiinta ahaa ee weerarka gardarada ah ku yimi degmada Taleex gudaheeda, kadibna waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo tiro dhaawac ah.

Inta ilaa hadda la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeryooday oo ka mid ahaa dadka degaanka dhaqnaa ilaa iyo sadex kalena way ku dhaawacantay, iyadoo markii dambe ay dib uga baxeen maryacalastii soo weerartagtey kadib markey iska caabin xoogan kala kulmeen shacabka xalaasha ah ee degmada taariikhiga ah ee Taleex.

Weerarkan ayaa imanaya xili ay shalay ay ku guuldareysteen odayaal uu faroole Garoowe xoogaa lacaga uga soo dhiibay oo loogu talo galey inay shacabka reer buuhoodle looga been abuurto, laguna abaabulo madaharaad lagu taageerayo danaha Faroole iyo beeshiisu ka leeyihiin shacabkan ay dulmiga ku hayaan.

Waxaanu isku deyeynaa inaanu dhawaanahan ka helo warar dheeraada oo faah-faahsan si aanu udiinku soo gudbino, hadii alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iska hor imaad dad ku dhintay Oo kadhacay duleedka degmada Taleex

 

Laba qof ayaa dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii koox dabley ahi ay rasaas ku fureen gaadhi ay wateen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Kooxdan dableyda ah ayaa sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmada Taleex ay ka mid ahaayeen dhaliyaro dhowaan laga sii daayey xabsiga Garoowe kuwaas oo ka mid ahaa koox saraakiil ah oo 10/08/2011 ciidamadda Puntland ay qabqabteen iyagoo ku sii jeedey degmada Taleex.

Labada Nin ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Jaamac Cali Shire oo ay wallaalo yihiin Madxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyo wiil wallaalkii dhalay waxaana maqribkii la geeyey magaaladda Garoowe.

Weriye Jaamac maxamed Nuur Jeele oo ka mid ahaa dadka falkaasi ku dhaawacmay ayaa waxa uu Boocame online u sheegay in uu arkay oo keliya rasaas ku socota duleedka degmada Taleex waxana uu intaas raaciyey in ay u socdeen hawlo NGO uu lahaa marxuunka dhintay ka fuliyey degmada Taleex.

Qaar ka mid ah waxgaradka degmadaas ayaa sheegaya in falkani uu ahaa mid aad u xun hadana la abaabulayo dadkii falkaasi geystey sidii loo soo qaban lahaa ilaa hadana ma jirto war rasmi ah oo laga hayo meel ay ku sugan yihiin iyo wax soo gaadhey.

Falkan ayaa ku soo beegmaya xili ay maalmo ka dhinaayeen shir beeleed meelo kala duwan laysaga imaanayey oo ka dhici lahaa 19 bishan degmada Taleex dad badanina ay walaac ku keentay xaalada amaan ee degmadaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

TALEEX : M.kuxigeenka PL oo walaalkiis iyo Wiil uu Adeer u yahay oo la dilay

 

December 11, 2011 6:22 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print

Taleex:-Waxaa magaalada Taleex lagu dilay 2 qof oo midkood ay walalo yihiin M-waynekuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo lagu magacaabi jiray Sumini Cali Shire iyo Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray ina Saalax Cali Shire waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dilkooda kadambeeyeen kooxo isla deegaanka ah.

 

Sumini Cali Shire oo ay walalo ahaayeen M-waynekuxigeenka Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada magaalada Garoowe oo uu daganaa waxaana la sheegay in uu magaalada Taleex uu ka waday mashaariic dhanka horumarinta ah.

 

Taleex, ayaa waxaa la filayay in uu ka furmo shir-beeleed beesha ssc oo loogu magacdaray Khaatumo 2, balse dilkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid sii kala fogaynaya beesha deegaanka oo muddo dheer khilaaf dhanka maamulada Puntland iy Somaliland uu ka dhex aloosnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

AfricaOwn;764492 wrote:
Where is the "Somali Unity" people? lol...Aren't these people waving the blue flag together?

Those who died were not slaughtered while sleeping warya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this