Xaaji Xunjuf Posted December 10, 2011 Al Shabab oo gantaalo ku tuuray diyaarad maanta duqeeysay Baardheere Xarakada Al Shabab ayaa marki ugu horeysay gantaalo iska caabin ah ku tuuray diyaaradaha dagaalka Kenya ee maalmihi ugu danbeeyey beegsanayey magaalooyinka ay ka taliyaan Al Shabab. Laba diyaaradood oo ah kuwa miiga ah ayaa maanta duqeeyey magaalada Baardheere mar kale, weerarki maanta waxa uu ahaa kii labaad ee ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku qaadaan Baardheere kadib duqeynti Khamiisti. Idaacada Andalus ee ku hadasho codka Al Shabab ayaa laga baahiyey in ay ku fashilmeen Kenya weerarki cirka ahaa ee ay ka fuliyeen maanta Baardheere, waxa sarkaal u hadlay Al Shabab uu sheegay in ay ku tuureen gantaalada lidka diyaaradaha isla markaana ay ku qasbeen in ay diyaaradaha dib uga laabtaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Gantaaladi maanta ay ku garaaceen diyaaradaha Kenya magaalada Baardheere ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xarunta hey’ada Bisha Cas ay ku leedahay Baardheere, halkaasi oo uu ku dhaawacmay hal ruux oo rayid ah. Weerarki Khamiisti hore ka dhacay magaalada Baardheere ayaa ka qasaara badnaa kii maanta sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarkaasi waxaa ku dhintay hal ruux halka uu qof kale ku dhaawacmay. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yunis Posted December 10, 2011 This was air bombardment of Red Cross center for IDP in the city today. Gabar 5 jir ahaa ku dhaawacantay – alaha u fududeeyo iyada iyo qoskay ka dhalatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galia Posted June 14, 2012 Yeah just keep supporting them like you support the Somaliland myth Quote Share this post Link to post Share on other sites