Sign in to follow this  
Somalina

Beledweyne - Jaamacadaha iyo Machadyada

Recommended Posts

Somalina   

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Magaalada Beledweyne oo mar ahaan jirtay magaalo ardeyda ka soo baxda dusiyada sare waxbarasho heer Jaamacadeed ah uga doonan jireen qeybaha kale ee dalku ka kooban yahay ayaa hadda u muuta mid ka duwan sidii hore.

 

Waxaa ku soo badanaya magaalada Goobaha waxbarashada, gaar ahaan Machadyada iyo Jaamacadaha oo la oran karo baahi weyn ayeey u qabeen ardeyda ku dhaqan guud ahaanba gobollka gaar ahaan magaalada Beledweyne oo markii hore dhib weyn kala kulmi jirtay sidii ay u sii wadan lahaayeen waxbarashadooda ilaa heer Jaamacadeed marka ay soo dhameystaan waxbarashada dugsiga sare.

 

Magaalada waxaa hadda ka furan Ilaa Sadax Jaamacadood oo kala ah Jaamacada Hiraan Universaty, Beledweyne Universaty, iyo Palasma Universaty, kuwaasoo hadda dhamaatood mashquul ku ah waxbarida ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare, oo dhinacooda marka aad eegto siweyn ugu faraxsan fursada waxbarasho oo ay heleen iyaga oo aan meel kale u safrin.

 

"Gaar ahaan marka aad eegto waxaa ka faa’ideysanaya waxbarashada gobollka ka hanaqaaday waalidiin badan oo markii hore ay ku adkeyd in ay caruurtooda marka ay soo dhameystaan dugsiga sare magaalo kale waxbarasho ugu diraan sababo dhinaca dhaqaallaha ah,’’ ayuu yiri,’’ C/raxmaan Saciid oo ka mid ah ardeyda magaalada, laakiin wali aan dhameysan waxbarashada dusiga sare.

 

Waxaa uu intaa ku darray in Jaamacadaha ku soo kordhay gobollka ay sii dhiirigalinayaan hamigiisii dhinaca waxbarashada, maadaama laga yaabo in markii hore uu ka fikirayay halka uu u aadi lahaa waxbarasho Jaamacadeed marka uu soo dhameysto dugsiga sare.

 

Marka aad dhaxmarto magaalada xili kasta waxaad arkeysaa dhalinyarro koox koox u socta oo hadba ku sii jeeda Jaamacad ama Machad si ay u sii kordhiyaan aqoontooda, waxaana xusid mudan in aysan ahayn ardeyda oo kaliya kuwa ka faa’ideysanaya waxbarashada ka socda magaalada ee xitaa ay jiraan ganacsato maalmaha nasashaada sida Khamiista ama Jimcaha oo kale si gaar ah wax loogu dhigo, sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah macalimiinta Machadka SIGMA ee magaalada Beledweyne.

 

"Sidoo kale Machadka SIGMA waxaa uu bixiyaan casharo lagu soo dhisayo heerka aqoonta caruurta aadka u da’da yar, simarkaa ay ugu sahlanaato in ay gudbaan qeybaha kale ee waxbarashada ayuu yiri,’’ Ustaad C/naasir oo ah maamulaha Machadka SIGMA.

 

Laakiin haddana ayadoo ay sidaa jirto ayaa waxaa jira caruur badan oo aan iyagu ka faa’ideysan waxbarashada ka socta magaalada, kuwaasoo isugu jira qaar dhaqaaluhu ka reebay, iyo kuwa aan ku baraarugsaneyn muhiimada waxbarashadu leedahay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this