Xaaji Xunjuf Posted December 7, 2011 Culimo-awdiinka Somaliland oo ku baaqay In Shareecada la hor-keeno Gacan ku Dhiiglayaashii Seemaal ku laayay 3 Qof iyo kuwii Boosaaso ku Dilay Sheekha “Waxaanu Illaahay ka baryaynaa inuu Masiibo deg deg ah ku rido kuwii dadka Masaakiinta ah Laayay” Sh. Yuusuf Aadan Hargeysa(Waaheen)-Qaar ka mida Culimo-awdiinka waaweyn ee Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay Falalkii foosha Xumaa ee dhawr maalmood ka hor lagu laayay saddexdii Nin ee lagu dilay Deegaanka Saameel iyo Sh. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa Culimadda waaweyn ee Somalida, kaasoo isagana habeen afaraad lagu dilay maagaaladaa Boosaaso. Culimadan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hoteelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa waxa ay Dawlada Somaliland ku adkeeyeen inay gacanta ku soo dhigto dadkii falkaasi fuliyay, isla markaana la horkeeno Sharciga oo lagu Xumo shareecada Islaamka, sida ku cad Diinta Islaamka iyo Dastuurka dalkana qisaas lagu fuliyo. Sidoo kale waxay culimadu Saxaafada u qaybiyeen Bayaan isugu jira baan nabadeed, Cambaarayn Dilalkaasi la xidhiidha iyo Talooyin ay u soo jeediyeen Xukuumadda Somaliland iyo Maamul Puntland oo ay ka codsadeen inay ka hawl galaan sidii loo soo qab qaban lahaa shida wadayaashii Dilalka ka fuliyay Deegaanka Saameel ee Gobolka Awdal iyo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland. Waxaana Qoraalkaasi ay Culimada Somaliland soo saareen ku saxeexnaa inka badan 23 Wadaad oo ka mida Culimada-awdiinka waaweyn ee dalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Sh. Yusuf Aadan Maxamed Sh.Maxamed Cumar Dirir, Sh.Maxamed Cali Geedi, sh.Maxamed Cali Jamac M.Cali Gadhle), sh.Cismaan Cali Xuseen (Cismaan Laangadhe), Sh.Maxameed Aadan Muxumed, Sh.Maxamed Ibrahim Odowaa (Janagale), Sh.Cali Warsame, Sh.CabdiNaasir Xaaj Axmed, Sh.Faysal Cali Faarax, Sh.CabdiQani Xuseen Maxamed, Sh.CabdiWaaxid Xaashi Xasan, Sh.CabdiSamad Cabdilaahi Cabdi, Sh.Ismaaciil Cabdilaahi Jaamac (dheeg), Sh.Cawil Faatax Shire, Sh.Maxamed Cabdi Jamac (Carab), Sh.Almis Sheekh Yaxye Sh.Maxamed Shukri Xasan, Sh.CabdiQani Aw Saalax, Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac, Sh.Axmed Sh.Jibriil iyo culimo kale oo door ah. Sh. Yusuf Aadan Maxamed oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ee Culimo-awdiinka Somaliland baaqa ka soo saareen ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin faldambiyeedyadii lagu laayay dadka aan waxba galabsan, waxaanu tilmaamay dhibaatooyinka amni daro ee ka dhalan kara“Iyadoo labaatankii sanadood ee u dambeeyay umadda Somaliyeed dhiigoodu iska ahaa Xashiish hadana mandaqadaha Somaliland iyo Puntland waxay ahaayeen amaan oo nabad gelyo ayaa layskaga noolaa, laakiin waxyaabaha iminka dhacay waa waxyaabo runtii aad iyo aad u fool xun oo laga naxo. Waa waxyaabo u baahan in dadkii geystay gacan bir ah lagu soo qabto, anaguna marka hore waxaanu Illaahay uga baryaynaa dadkii geystay inuu Basiibo deg deg ah ku rido, isla markaana illaahay sahlo sidii loo soo qaban lahaa ee Maxakamad Cadaalad ah loo soo saari lahaa”. Sheekhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Arintan ka dhacday Deegaanka u dhexeeya Gabiley iyo awdal waa fal aad u fool xun oo aad looga xumaado, waxaanan Dawlada Somaliland ka codsanaynaa inay gacanta ku soo dhigto dadkii geystay, tan kale ee lagu Dilay Dr. Sh Axmed Xaaji C/raxmaan waxaanu leenahay Maamulka Puntland waa in la soo qabtaa cidii ka dambeysay oo shareecada islaamka lagu xukumaa, isla markaana Xukun Qisaas ah loogu fuliyaa”. Sidoo kale Sh. Yuusuf Aadan waxa uu iftiimiyay kaalinta uu Bulshada Somalida ugu jiray Sheekhii dhawaan lagu Dilay Magaalada Boosaaso, kaasoo uu sheegay inay mudo dheer saaxiib ahaayeen“Dr Axmed Xaaji C/raxmaan anagu mudo dheer ayaanu saaxiib ahayn oo isku xidhayn, waxaanu ka baxay dhamaan umadda Soomaliyeed oo dhan, waxaanu ahaa Nin Illaahay cilmi iyo aqoon ku beeray, markaa waxaan umadda Somaliyeed u soo jeedin lahaa inaan la layn culimadda, culimaddu Islaamka oo dhan ayay ka dhaxaysa, waxaynu nahay dad Islaam ah, mana banana in qof dhiigiisa si fudud lagu galo” – “waxa dhacday dhawaan Inan yar ayaa Nin Masaajid Tafsiir ka marinaya xabad ku dhuftay isagoo doonaya inuu Illaahay ugu dhawaado, ka dib markii uu wax yar ka socday meeshii uu Ninka ku dilay ayuu Af-weynta u dhacay oo Aayadihii uu Daliishanayay la horkeenay ilaa hadana wiilkii yaraa sidii buu ku noolyahay oo marba wuu dhacayaa, markaa Dhiig Islaam qofkii galaa sidaasi ayuunbuu noqonayaa, kuwa falalkan iminka geystayna waxaanu illaahay uga baryaynaa sidaasoo kale ”ayuu yidhi. Baaqan ka soo yeedhay Culimo-awdiinka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili marmaba marka ka dambeysa ay isa soo tarayaan dhawaaqyada Maslaxadeed ee qaybaha Bulshada Reer Somaliland iyo Cambaaraaynta laga soo jeedinayo Dilkii foosha xumaa ee habeen afaraad lagu khaarajiyay saddexdii nine e lagu laayay Deegaanka Saameel, kuwaasoo aan ilaa hada si rasmiya loo shaacin cidii ka dambeysay dilkooda, laakiinse tiro dad ah oo loo aanaynayo inay ku lug lahaayeen gacanta lagu hayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Freedom Posted December 8, 2011 ^^^^ stop please lol Quote Share this post Link to post Share on other sites