Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG Deputy prime Minister receives new Italian Ambassador to Mogadishu+PICS

Recommended Posts

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga

posted by: Webmaster

 

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga

 

 

 

 

Muqdisho, Arbaco, December 7, 2011———-Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Talyaanigu u soo magacowday dalka Soomaaliya Ambassador Andrea Mazzella kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

 

 

Intii uusan la kulmin Ku-simaha R/wasaaraha Amb. Mazzella ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed isaga oo madaxweynuhu uu kala wareegay waraaqihii aqoonsiga safiirnimo, halkaasoo ay warbixno ku kala qaateen.

 

 

 

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Ku-simaha R/wasaaraha iyo Amb. Andrea Mazzella ayay ku sheegeen in iyada oo laga duulayo horumarka dhanka ammaanka ee caasimadda iyo howlaha baaxada leh ee ka socda dalka ay dowladda Talyaanigu diirada saareyso sidii ay xiriir dhow ula yeelan laheyd dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidaasi owgeedna ay lagama maarmaan u aragtay inay dib uga furto magaalada Muqdisho safaaradeedii.

 

 

 

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Talyaaniga sida ay ugu garab taagan yihiin taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyay R/wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga isagoo ka codsaday in taageeradooda ay laba jibaaraan.

 

 

 

“Dowladdaha kale ee Yurub iyo kuwa adduunka waxaan ka codsaneynaa inay ku daydaan dowladda Talyaaniga oo ay dib uga furtaan Soomaaliya safaaradahoodii si loo helo xiriir iyo wada shaqeyn joogto ah” ayuu yiri Mr. Carab.

 

 

 

Amb. Andrea Mazzella ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo soo magacaabo dalka Soomaaliya oo ay xiriir qota dheer kala dhaxeyso dowladiisa Talyaaniga, wuxuuna xaqiijiayay in Bisha Janaayo 2012-ka ay si rasmi ah uga furan doonaan safaaradoodii gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaacuurow anigu cid aan tageero ba iska yar xita Siilaanyan colownay oo aan xalay la hadlay oow waxan ku idhi la talihahaga iga dhigo wu ka war wareeegey saakaan hadana la hadlay oo xirsi toorile telefoonka igu damiyey.

 

So i am pretty pissed today.

 

Ps this is good news another embassy in mogadisho Somalia the future looks bright.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;763783 wrote:
wuxuuna xaqiijiayay in Bisha Janaayo 2012-ka ay si rasmi ah uga furan doonaan safaaradoodii
gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho
.

Waxoodu waa baqo u joog! I bet the engine of their "evacuation" plane will also be running around the clock, just in case; The "muzungu" cannot trust dadkan waalwaalan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this