Xaaji Xunjuf Posted December 7, 2011 Xarrakada Al-shabaab oo weerartay Saldhig ay Muqdisho kaga sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM * Arbaco, December 07, 2011 (HOL) ? Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay kaga sugnaayeen degmada Wadajir ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMIOSM, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la weeraray warshaddii nacnaca ee degmada Wadajir, wuxuuna sheegay in ciidamadii ku sugnaa ay iska caabiyeen Al-shabaab. "Waxaa lasoo weeraray saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo AMISOM, sidoo kale waxaa la weeraray xero barakacayaal oo halkaas ku taalla, hal qof oo dhaawac qaba ayaana aragnay," ayuu yiri Axmed Daaci. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas ayaa hadadna wararku waxay sheegayaan inay dagaalkii xalay ku dhinteen illaa shan qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xoogaggii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen. Axmed Daaci ayaa sheegay inay u qorsheysan tahay inay dagaal rogaal-celis ah ku qaadaan kooxihii xalay soo weeraray illaa ay ka tagayaan goobihii ay weerarka kasoo qaadeen. Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa xusay inay ku dileen askar ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, iyagoo weerarkana ku sheegay inuu qayb ka yahay weerarro ay qorsheyeen inay la beegsadaan saldhigyad ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites