Sign in to follow this  
Che -Guevara

Rebranding Al-Shabaab

Recommended Posts

SHEEKH ABUU-MANSUUR: "Culummadu haddii aan qalad ku jirno waa inay nala taliyaan, haddii aan saxan-nahayna hana taageereen"

 

Talaado, December 06, 2011 (HOL) − Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarakada Al-shabaab ayaa ka dalbaday culummada Soomaaliyeed inay la taliyaan Al-shabaab haddii ay qaldan yihiin, haddii ay saxan yihiinna ay ku taageeraan.

 

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa hadalkan ka sheegay gabgabadii kulan ay culummada iyo Al-shabaab ku yeesheen degmada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo qodobbadii laga soo saaray ay ka mid ahaayeen in la bedelo magaca Al-shabaab, lana xoojiyo dagaallada ay Al-shabaab kula jirto ciidamada dalka ku sugan.

 

"Diintu waa naseexo, culummadu haddii aan qalad ku jirno waa inay nala taliyaan, haddii aan saxan-nahayna waa inay nagu taageeraan," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo sheegay in haddii wararkooda meelaha lagu sheego aysan jirin cid ay faa'iido ugu jirto iyaga iyo culummada.

 

Sheekh Abuu-Mansuur wuxuu sheegay in culummadu ay shiraan iyadoo Al-shabaab ay maqan tahayna ay miisaan saaraan, oo ay isweydiiyaan horta shabaab maxaa ka qaldan iyo maxaa u saxan, markaas kaddibna ay u sheegeen wixii sixitaan ah.

 

"Culummada qaar ayaa waxay yiraahdaan la isma sixi karo, waa inay ogaadaan in saxaabadii rasuulka qaarkood iyagoo xaqa sheegaya la dilay, aniguna ma maqal Al-shabaab intay culummadu wax u sheegeen bay dileen," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii ay culummadu ay doorkooda ka gaabiyaan inuu imaan doono nin kale oo maro weyn madaxa ugu duubta, kaasoo su'aalaha diiniga ah uga jawaabaya sida uu doono isagoo aan cilmi badan lahayn.

 

"Gaariga la saaran yahay waxaa darawal ka ah Al-shabaab, haddii aad dhici waydaan war tartiib iyo meeshaas ka leexo, hadhow haddii uu gidaar jiiro ama uu gadoomo idinkuna waad ku jirtaan ee ogaada," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur.

 

Ugu dambeyn, wuxuu sheeagy in looga baahan yahay culummada inay iska qabtaan Al-shabaab waayo waa darawalka gaariga ay saaran yihiin, isagoo sidoo kale ugu baaqay A-shabaab inay iyaguna maqlaan talooyinka culummadu ay u soo jeedinayso.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool@Abu Mansuur's analogy

 

Abu Mansoor's driver-passenger analogy is ironically spot on. However, his pretense and depiction of the organization as a reasonable people open for counsel and advice is the ultimate swagger.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this