Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Wasiiro Booqday Arday Ka Timid Maamulka Somaliland Oo Ku Sugan Muqdisho

Recommended Posts

Mas’uuliyiin uu horkacayay R/wasaare Ku Xigeenka Ahna wasiirka Difaaca oo maanta booqday xarun ay ku sugnayeen arday ka timid maamulka Soomaaliland kuwaas oo deeqo wax barasho u joogo magaalada Muqdisho.

 

Mudane Xuseen Carab Ciise Ku Simaha R/wasaraaha dalka ahna wasiirka wasaradda difaaca oo ay wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/samada Macalin Maxamuud, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo hay’adda naba sugidda qaranka ayaa soo booqday goob ay magaalada Muqdisho ka degnayihiin arday Soomaaliyeed oo ka yimid degaannada maamul goboleedka Soomaliland kuwas oo doonaya in ay ka qeybqaataan Deeqaha waxbarasho oo ay dowladdu ka heshay wadanka Turkiga.

 

Ugu horeeyntii Ku Simaha R/wasaraaha iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay ayaa warbixinno iyo cabashooyin ka dhageystay waalidiinta ,salaadiinta iyo ardayda ka timid maamul Goboleedka Soomaaliland.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogagna ugu jirto sidii ay ardaydani u heli lahaayeen waxbarasho dalka dibaddiisa ah isla markaana lasii dardargelinayo dadaalladaasi.

 

Sidoo kale Ku Simaah R/wasaraha ahna Wasiirka difacaa Xuseen Carab Ciise oo la hadlay ardayda ayaa sheegay in dowladda Soomaaaliya ay dalka Turkiga u qadaayso ardaydaasi isla markaana ay ka wadahadleen madaxda safaaradda Turkiga ee Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in dalka ay dhisi karaan oo kaliya dadka wax soo bartay.

 

Ardayada maanta ay booqdeen KuSimaha R/wasaraaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa ay ka mid ahaayeen arday horay imtixaanaad looga qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana ku guuleystay imtixaanaadkii loo galyay deeqaha waxbarasho oo ay dowladda Soomaaliyeed ka heshay wadanka Turkiga inkastoo arday aad u fara badan oo ka yimid gobollada kala duwan ee dalka horay loogu qaaday wadanka Turkiga.

 

DSC02165.jpg

 

DSC02167.jpg

 

DSC02168.jpg

 

DSC02169.jpg

 

DSC02170.jpg

 

DSC02171.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this