Jacaylbaro Posted December 5, 2011 Waxaa Salaadii subax kadib agagaarka gurigiisa oo ku yaala xaafadda Biyo-Kulule lagu toogtey Sheekh kamid ahaa Culimada ugu magaca dheer uguna waaweyn gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sheekhaas oo lagu magacaabo Jirey Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan wuxuu kamid ahaa Culimadii xalay soo qaban qaabiyey kana hadlay Nedwadii Samirsiinta ahayd ee ka dhacday Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso. Wuxuuna qayb ka ahaa Gudoonka sare ee Jaamacadda Bariga Africa isagoo sidoo kalena macalin ka ahaa kuliyadda Shareecada horayna xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Jaamacadda. Lama garanayo cidii Sheekha dishey waxaase lagu dhuftay dhowr xabadood xilli oo kasoo baxay Masjidka (Xasan Ibnu Cali) oo xaafadiisa u dhow isagoo u geeriyoodey dhaawac culus oo soo gaarey waxyar kahor intaan Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso loo qaadin. Sheekh Axmed Xaji Cabdiraxmaan wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo Culuumta shareecada aad ugu xeel dheer islamarkaana Shahaadada Sare ee PHD-da ka qaatay Cilmiga Xadiiska waxaana geeridiisa ka tacsiyeeye aadna uga naxay dhamaan bulsho weynta ku dhaqan magaalada Boosaaso oo xalay khudbadiisa si toos ah Idaacadaha ugala socdey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 5, 2011 Allaa yarxam, allaha naxariis iyo jannaba siiyo Gacan ka xaqdaran baa dishay. Ilaah dadkaa amni iyo xasilooni ha siiyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 5, 2011 Ameen. Ilaahay ha u naxariisto. Bugland (JB) is happy and you think your enclave is immune.That is what Puntlanders thought when the assassins were striking in Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted December 5, 2011 RIP good Sheikh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted December 5, 2011 Allah Yarham, Sheikh Dr Axmed Xaaji. Puntland and Somalia willl miss him. He was apeacemaker, teacher and preacher of good. Wallahi,I'm fearful of where Somalia is being headed! Ilaahay ha naga qabto shar wadayaasha, Amiin Quote Share this post Link to post Share on other sites