Sign in to follow this  
Jacpher

Sheikh Dr. Axmed Cabdrixaman killed in Boosaaso inaa lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun

Recommended Posts

Jacpher   

Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo saaka lagu dilay magaalada Boosaaso

 

Boosaaso:-Shiikh Dr.Axmed Xaaji ayaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ,dilka Shiikha ayaa dhacay abaarihii 05.oo salaadii subax ka dib markii uu Shiikhu ku soo tukaday Masjidka Xassan Bin Cali, dilka dhiikha ayaa ka dhacay Agaagaarka Xaafada Raf iyo Raaxo .

 

Dilka iyo in la u gaarsan doono culimada Soomaaliyeed ayaa ahayd wax la filayey sidii ka dhacday dalal badan oo ay ka mid tahay dalka Jazaa.ir oo ay ka kaceen kooxo xadgudbay oo ku abtirsanayey ururo Islaami ah ka dibna si sahal ah u burburay ka dib markii ay dileen culimadii dalka Jazaa.ir qaarkood ,dilka Shiikh Dr. axmed Xaaji allaha u naxariisteen ayaa ku soo beegmay xili qaar ka mid ah madaxda ururka Al-shabaab ay ku qabsadeen Magaalada Baydhabo shir ay ku go,aamiyeen in la dilo culimada soomaaliyeed qaarkood oo ay u arkayeen in ay uga fikri duwan yihiin qaabka loo maareynayo xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya,arrintaas ayaa waxaa ka dhawaajiyey Sh Xassan Maxamed Takar walow rag ay ka mid ahaayeen Sh Xassan Daahir Aweys , Shiikh Jaamac Cabdisalaan Warsame, Sh Cabdullahi Xaashi ay madasha shirkaas ku sugnaayeen.

 

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa xalay qabtay muxaadaro uu uga digayo in la abuurto been ka dibna lagu xalaashado dhiiga dadka muslimiinta gaar ahaan culimada arrinkaas oo uu shiikhu ku tilmaamay arrin khatar ah oo lagu marin habaa binayo dhalinta yar yar ee soo koraysa.

 

Sh.Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu waaweyn ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin cida sida rasmiga ah uga danbaysa dilka Shiikha balse waxaa la filayaa in culimada ku sugan magaalada Boosaaso ay ka hadli doonaa dilka Shiikha ,Allaha u naxariisto Shikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay dileen kuwa cadow ku ah diinta Islaamka ,dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan ayaa waxaa ii xaqiijiyey Shiikh Cabdulqaadir nuur Faarax oo ku sugan magaalada Garoowe oo aan khadka teleefanka kula hadalnay.

 

Dilka Shiikha ayaan saacadaha soo socda ku faahfaahin doonaa wararka danbe haddii alle idmo.

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

This horrific news of the killing of Sheikh Dr. Cabdiraxman comes just hours after Sheikh Umal (xafidahulaah) gives a lengthy lecture on AS targeting culumada Soomaaliyeed iyo xalaaleysiga dhiigooda. Ilaahey culumada ha ka ilaaliyo shayadiintaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

So it is gangland bloodbath among "Shiekhs?" There was a time when Shiekhs and Wadaads were virtually synonymous with peace and wisdom. Today they've become bunch of warlords and warlord apologists.

 

Somali Wadaads need to go back to their roots and ditch this imported, alien Islam where Wadaads become gang leaders and murderers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

inaa illaahi wa inaa illayhi Raajicuun Very sad news ,,,,i was listening his khudba live last night on local FM on suuqii Bosaso ee gubtay. the first thing i heard this morning was he is dead!!!Subxaana Allah. this can not go on wallaahi Somalis need to wake up!! Alshabaab is a curse which has to be dealt with.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this