Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Wadani Leader arrives in Sanaag's Capital gets a warm welcome and opens office

Recommended Posts

Ceerigaabo: Urur-siyaasadeedka WADANI Oo Maanta Soo Dhawayn Ballaadhan Kala Kulmay Dadweynaha Degmooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Afweyne Xafiisyana Furtay,

 

“Nabadgelyadu waa waxa aynu kaga duwan-nahay walaalaheenna Soomaaliya, oo nabadgelyo la’aanta qof kastaa wuu dareemayaa..." Gudoomiye Cirro Daawo Sawiradda

 

Ceerigaabo (GNS)- Dadweynaha reer Ceerigaabo ayaa maanta soo dhaweyn layaab leh ku qaabilay wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], isla markaana waxa uu xadhiga ka jaray xarunta ururka ee Ceerigaabo iyo laba xafiis oo kale oo ku yaala Ceel-afweyn.

 

Weftiga guddoomiyaha oo saaka ka soo kallahay magaalada Gar-adag oo ay xalay u hoydeen, ayaa abbaaro siddeedii subaxnimo waxa lagu soo dhaweeyey magaalada Ceel-afweyn, halkaas oo uu guddoomiyuhu dadweynihii soo dhaweeyey qudbad uga jeediyey.

 

Guddoomiyaha iyo weftiga uu hogaamiyo ayaa meel shan iyo toban kiloomitir u jirta Ceerigaabo waxa kaga hortegay madax-dhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimo aw diin iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo oo luyay calanka iyo astaamaha u gaarka ah ururka, iyada oo loo gelbiyey dhinaca xarunta cusub ee ururka WADANI oo uu guddoomiyuhu isla maantaba xadhiga ka jaray.

Guddoomiye Cirro oo dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyey u jeediyey qudbad, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta meeqaamkeedu sarreeyo ee weftiga WADANI ku qaabileen dadweynaha reer Ceerigaabo. “Dadweynaha reer Sanaag waxa aanu ku hambalyaynaynaa nabadii ay sameeyeen maalintii dhawayto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, oo intaa ku ladhay “Waxa aanu ku hambalyaynaynaa cid kasta hadday tahay xukuumadda, madax-dhaqameedka-ba, dadkii gobolada kale uga yimi gobolka Sanaag heeshiiskaa nabada ee ay gaadheen.”

 

“Waxa la yidhaahdaa waa afar beelood Ceerigaabo ee waxa aanu jeclaan lahayn oo aanu soo jeedinaynaa beel keliya noqoto Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

Gudoomiyuhu Waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay nabadgelyadu, “Nabadgelyadu waa waxa aynu kaga duwan-nahay walaalaheenna Soomaaliya, oo nabadgelyo la’aanta qof kastaa wuu dareemayaa dhibta ay leedahay. Walaaloyaal waxa aanu idinkula dardaaramaynaa in nabadaa aad gunudeen inaynu dhammaanteen wada ilaalinno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ajandeyaasha ururka WADANI si aynu uga baxno dhibaatooyinka ay ka midka yihiin shaqo la’aanta, faqriga iyo biyo la’aanbta waxa ka mid ah inaynu midawno oo aynu gacmaha is qabsanno. Waxaana aynu u baahan-nahay midnimo qaran. Midnimada qarankana waxa tusaale fiican u noqon kara heshiishkii aad idinku gaadheen waana aan idinku hambalyaynayaa.”

 

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dadweyaha reer Ceerigaabo ka codsaday inay taageeraan, “Inkasta oo odayaashii hadlay aanu uga mahadnaqayno taageeradii ay u muujiyeen ururka WADANI, waxa aanu dhammaantiin ka codsanaynaa intii halkan joogta, gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo-ba inaad na taageertaan oo aad WADANI soo gashaan. Dhammaanteen waddaniyiin ayaynu nahay oo waynu iska isdiwaangelinaynaa WADANI.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyey dadweynaha reer Ceerigaabo inay dad karti leh u soo xulaan doorashadara holaha deegaanka, isla markaana ay codkooda ku taageeraan ururka WADANI.

 

Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi

“Waxa halkan socda guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu guddoomiye idin leenahay soo dhawaada, halkan waxa fadhiya boqoradii, salaadiintii, guurtidii, culimadii, dhalinyradii iyo gabdhihii gobolka Sanaag oo u soo baxay inay soo dhaweeyaan ururka WADANI.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Haddii uu gobolka Sanaag leeyahay degmo, tuulo iyo gobol intuba waxay ku leeyihiin soo dhawaw. Mataankaaga waa inaad taqaan meel walba waxa yaal, markaa waa nin aad garanaysaan oo soo halgamay.”

 

Boqor Cismaan Faarax oo hadal kooban ka jeediyey ka jeediyey

madasha lagu soo dhawaynayay guddoomiyaha ururka WADANI iyo weftiga uu hogaaminayo, “Waxa aan si gaar ah u salaamayaa guddoomiyaha golaha wakiillada anhana guddoomiyaha ururka WADANI iyo weftiga uu hogaaminayo, waxaana aan leeyahay gobolku waa gobolkiinii, dalku waa dalkiinii, dadkuna waa dadkiinii dhammaantoodna waxay idinku soo dhawaynayaan farxad darartay.” Ayuu dhi Boqor Cismaa.

 

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxay reer Sanaag in badan u oomanayeen guddoomiye inay ku arkaan oo ay ku dhegaysta oo ujeedada ururka aad wado kula hubsadaan. Waxaana ay kugu soo dhawaynayaan qalbi furan iyo gacmo furan oo aanay is yeelyeel iyo beeni ku jirin.

 

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Dhaadheere, Suldaan Axmed Xaaji Cusmaan, Suldaan, Sheekh Cabdilaahi Ducaale Faarax, Caaqil Maxamed Siciid iyo Cabdiraxmaan Lisaaye oo dhammaantood iska daba-maray soo dhawaynta weftiga guddoomiyaha, iyada oo sheegay inay taageri doonaan soo dhawayn doonaa urur-siyaasadeedka WADANI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this